Uncategorized

Ciidamada Booliska Magaalada Hargeysa Oo Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Iskugu jira Ka Geystay Goob ay Dad Shacab ahi Isku Haysteen

Hargeysa:Aug,10,2015(SDN/QJ)-Khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jira, ayaa ka dhashay Hawlgal ay ciidamada Booliska Somalilnad ka fuliyeen dhul lagu muransanaa oo ku yaalla Aagga Xaafadda Jig-jiga yare e Degmada Ibraahim Koodbuur.

emoInta la xaqiijiyey waxa geeriyooday Hal qof, halka dhaawacana lagu sheegayo ilaaa afar qof oo qaarkood xaalad culus ku jiraan, waxana rabshaddani timi, kadib markii ay Dawladda Hoose ee Hargeysa u fasaxday mid kamid ah dadkii hore iskugu haystay.

Ilaa iyo hada lama oga cida bixisey Amarka Hawlgalkan uu ku geeriyooday, Marxuum  lagu magacaabi jirey Mustafe Awoowo, oo xabadi cuskatey,kadib markii Ciidanku rasaas ku fureen halkaasi.

Amaanka Xaafada Jigjigayar ee Degmada Ibraahim Koodbuur ayaa, aad loo adkeeyay caweysinkii xalay ilaa saaka iyadoo dhacdadani noqoneyso tii labaad ee nooceeda ah oo maalmahan ka dhacda Nawaaxiga Galbeedka Caasimada Hargeysa iyadoo, dhawaana muran dhul lagu dilay hal qof albaabka Galbeed ee Caasimada Hargeysa gaar ahaana Deegaanka Oromada iyadoo shaqaaqada murankaasi wali laga dareemayo Jidka u dhexeeya Tuulada Abaarso iyo Caasimada Hargeysa.

 

Ciidamada Ammaanka Somaliland, ayaa wali wax jawaab ah dhacdadaas kasoo saarin, waase arrin naxdin leh oo magaalada si weyn looga hadal hayo, iyadoo xilliganna dadkii dhaawaca ahaa lagu daaaweynayo Cisbitaallo kala duwan oo magaalada ku Yaalla.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com