Gebilay 14.June (SDN) Xukuumada uu Hogaamiyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo ayaa Maalintii Shalay Waxay Si Cad u Shaacisay inaanay Ogolaanayn in Somaliland laga Furo Xafiiska Siyaasada ee Qaramada Midoobay ee lagu Magacaabo UNSOM,Kaas oo ay Dawladu ku Sababaysay inay Go’aankan u qaadatay inuu Xafiiskaasi ka Turjumayo Madax banaanida Qarankan.
Waxa ay Xukuumadu ku Dooday in Xafiiskani uu ka hor imanayo Madax banaanid iyo Qaranimada Somaliland isla markana uu Xafiiskani u Shaqeeyo arrimaha Federaalka ee Somalia .
Hadaba Dadweynaha ku Nool Magaalada Gebilay ayaa maanta ka Fal Celiyay dhawaqa Xukuumada isla markaana Sheegay inay ku Taageersan Yihiin Go’aankaas,Waxayse uga digeen inaanay ka noqon Go’aanka dawleed ee ay Gaadheen.
Gebilay SDN.
Qurbejoog.com
