Hargaysa 15.June (SDN) Jaamacadda Hargeysa ayaa ugu deeqday sideed kun oo buug qaar kamid ah dugsiyada sare ee dalka iyo qaar kamid ah maktabadaha caasimada Hargeysa.
Munaasabada wareejinta deeqdan buugaagta ah oo lagu qabtay xarunta jaamacada Hargaysa ayaa hormoodka kulliyada sharciga ee jaamacada Hargaysa Prof. Maxamuud xuseen Faarax oo u hadlay jaamacada ayaa sheegay in jaamacada hargaysa aymaanta ugu deeqday sideedkun oo buug oo xambaarsan culuun kala duwan 11-ka mid ah dugsiyada sare ee caasimada Hargaysa iyo afar maktabadood oo ku yaala Hargaysa.hormoodka kuliyada sharciga ee jaamacada Hargaysa waxa uu sheegay in buugaagtan oo ka kooban culluun kala duwan ay ugu talagaleen in ay ka faaiidaystaan aqoontoodana ku kobciyaan ardayda dugsiyadasare iyo bulshada ku xidhan maktabadaha loogu deeqay buugaagtan ,waxaana uu ka waramayqiimaha waxbarasho eeay leeyihiin buugaagtu , isaga oo geesta kalana ku booriyay in ay ardayda dugsiyadaasi ka faaiidaystaan buugaataas
Prof. maxamuud Xuseen Faarax waxa uu intaa ku daray in talaabadani aanay ahayn tii u horeysay ee jaamacadu ay bulshada ku gaadhsiiso buugaag noocan oo kale ah balse ay marara hore ay deeqdan ookale u fidiyeen bahda waxbarashada.
Hormoodka kuliyada sharciga ee magaalada Hargaysa waxa uu uga mahadnaqay qurba jooga Somaliland doorkooda deeqaha buugaagta ah ee jaamacada ay soo gaadhsiiyaan
Wax kale oo munaasabadaaska hadlay Agaasimaha maktabada jaamacada Hargaysa Maxamuud Cismaan iyo C/raxmaan Dheegsan oo ka socday Maktabada Gaandi ee magaalada Hargaysa.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
