Hargaysa 15.June (SDN) Xildhibaan C/raxmaan Yuusuf Cartan oo ka mid ah Golaha wakiilada JSL ayaa xalay ka qayb galay bandhig dhaqameed muuqaal ah oo ka turjumaya mushkilada ijtimaaciga ah ee dadka dhexdiisa iyo sidii wax looga qaban lahaa,
Muuqaal filimeedkaasi oo uu hal abuuray Abwaan Axmed Aw Geeddi oo ka mid ah mas’uuliyiinta ururka samafalka wadaniga ah ee HAVAYOCO, isla markaana ahaa mid aad u qiimo badan hal ku dheggiisuna ahaa WARAABE_DHARLE, waxa uu si rasmi ah uga turjumayey dhibaatada uu furninnka ama dalaaqu leeyahay iyo waxyaabaha dhaqan xumada ah ee lagula kici karo hablaha Da’yarta ah.
Munaasabadda Daahfurkii filimkaasi oo lagu qabtay Hotel Imperial ee Magaalada Hargaysa waxaa ka hadlay agaasimaha hay;adda Havayoco Cumar Sh Cabdilaahi Ciise iyo wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Md Boobe Yuusuf Ducaale, iyagoo labadooduba ay si faahfaahsan uga hadleen ujeedada uu filimkaasi xambaarsan yahay, bulshadana u soo jeediyey sidii isku hal aragti looga yeelan lahaa waxyaabaha ka hor imanaya Diinta islaamka iyo dhaqankeena wanaagsan.
Engineer Cabdilaahi Aw cali (Cabdilaahi Ubax), Marwo Faadumo Siciid iyo Marwo Sacdiya Muuse kulankaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in waxyaabaha dhaqan xumada fududeeya ay kamid yahiin Internet-ka iyo taleefoonada marka dhinac xun loo adeegsado. Iyagoo bulshada uga digay dhibaatooyinka ka iman kara isgaadhsiinta casriga ah.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WARAABEDHERLE.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
