Qaahira July 9, 2013 (SDN)- Madaxweynaha kumeel-gaadhka ah ee ay magacaabeen Milateriga afgambiga ka sameeyay dalka Masar, ayaa goor dhawayd Raysul-wasaare u magacaabay Mr Hazem ElBeblawi.
Madaxweyne Cadli Mansoor oo talada qabtay kadib afgambiga lagu sameeyay Madaxweynihii sida xorta ah loo doortay Mohamed Mursi, waxa uu Mr. Hasim al-Beblawi u magacaabay inuu noqdo Raysul-wasaaraha dawlad hoggaamisa doorashooyinka cusub ee uu ku baaqay, una shaqaysa soo celinta dhaqaalaha wiiqmay ee dalka qalalaasuhu ka ooganyahay ee Masar.
Dr. Hazem ElBeblawi waxa uu ku soo shaqeeyay Wasiirkii Maaliyadda sanadkii 2011 muddadii kala-guurka ahayd, kadib kacdoonkii lagu riday hoggaamiyihii muddada dheer xukumayay Masar, Maxamed Xusni Mubarak, kahor intii aanu October 2011 iscasilin, kadib markii dilka 26 mudaharaadeyaal ahaa oo Kiristaanka u badnaa oo ay laayeen ciidamada amniga Masar.
Dhinaca kale, Madaxweyne Cadli Mansuur wuxuu magacaabay Dr Mohamed al-Beradici u magacaabay inuu noqdo Madaxweyne ku-xigeenkiisa, gaar ahaan dhinaca arrimaha dibadda.
Qaahira, SDN
