|

Ajaanib u Shaqaynayey Hay’ad Qaramada Midoobay ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Bariga Hargeysa

Hargeysa:April,30,2015(SDN/QJ)-Shil gaadhi oo ka dhacay Deegaanka Aw Barkhadle ee Bariga Magaalada Hargeysa Maalintii shalay, ayaa waxa ku dhintay Saddex qof oo midka mid ahi ahaa ajaanib u dhashay Waddanka Spain una shaqaynayey Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ee FAO.

shicGaadhiga uu sarkaalku la socday ayaa waxay isku dhaceen gaadhi xoolo siday, taasoo keentay inuu burburo ka dibna halkaasi ku geeriyoodaan Saddex qof oo  Hay’addaasi FAO u shaqaynayay.

Shilkan ayaa ka dhacay tuuladda Haleeya oo 20-km Bari kaga beegan magaalada Hargeysa, waxaana la sheegay gaadhiga uu sarkaalka FAO ka shaqeeya uu saarnaa inay isku dhaceen gaadhi sida geel, taasoo dhaliyay khasaare nafeed iyo mid maaliyadeedba.

Hase yeeshee, wali si rasmi ah ugama aanay hadlin hay’adda FAO iyo xukuumadda, laakiin ciidanka nabad-galyadda waddooyinku Somaliland ayaa wada baadhitaan ay ku doonayaan in ay ku ogaadaan sida shilkani u dhacay.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed