|

Ninkii Caanka ku ahaa Sawir-gacmeedyada Nebi Muxamed N.N.K.H Oo Iclaamiyey Inuu Faraha Kala Baxay Hawshii Sawirrada, Kadib Weerarkii Charlie Hebdo

Paris:April,30,2015(SDN/QJ)-Ninka Caanka ku ah Sawir-gacmeedyada Lagu Aflagaadeeyo Nebi Muxamed صلى الله عليه وسلم, ee kusoo bixi jirey Wargeyska Charlie Hebdo,   ayaa ku dhawaaqay in mar dambe  aanu waxba sawiri doonin.

charlWakaaladda Wararka Faransiiska ayaa baahisay war ay kasoo xiganayso maamulka Charlie Ebdo Ninka lagu magacaabo Luz kaasi oo ballan qaadaya in mar dambe aanay sawir gacmeedyo ka sameyn doonin Nabiga.Charli“laga bilaabo maanta Mar dambe sawir gacmeed kama sameyn doono Nabi Muxamed sababtoo ah waxaan ahay Nin quustay”ayuu yidhi Luz.

Wuxuu sheegay in khalad wayn ay ku kaceen sidaasi daraadeed ay ballan qaadayaan in mar dambe aan wargeyskooda lagusoo daabici doonin sawirro iyo qoraallo ka dhan ah muslimiinta.

Wakaaladda AFP ayaa sheegtay in go’aankan uu qaatay maamulka sare ee wargeyska Charlie uu muujinayo isbedel wayn oo ku yimid siyaasadda wargeyska tan iyo markii la aas-aasay oo ay caan ku aheyd ku jeesjeesidda muslimiinta.

Jamaacaadka Jihaadiga ah ee caalamka islaamka ka halgama ayaa hanjabaado kala duwan u jeediyay dadka Faransiiska tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Paris Afar bil ka hor.

Kadib Weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee mujaahidiinta Al Qaacidda ka fuliyeen magaalada Paris ee wadanka Faransiiska ayay boqolaal qof oo hore gaalo u ahaa diinta islaamka soo galeen.

Weerarka loogu aar-gudayay Nabi Muxamedصلى الله عليه وسلم ayaa sabab u noqday in dad badani diinta islaamka soo galaan halka kuwa ku fikirayay in ay xumeeyaan muqadasaadka islaamka ay ka joogsadeen cabsi aawgeed.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed