|

Wariye Caan ka Ahaa Gobolka Bay Iyo Xaaskiisii Oo Xalay Kooxo Hubaysani Gurigooda Ku Dhex Dileen

Baydhabo:April,30,2015(SDN/QJ)-Kooxo Hubaysan, ayaa Habeenkii xalay Aqalkiisa ugu soo daatay, isla-markaana Toogasho ku dilay Wariye Daa’ud Cali Cumar oo kamid ahaa Wariyayaasha ugu caansan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

dhecrWariyaha iyo Xaaskiisa oo degenaa Xaafadda Berdaale ee Magaalada Baydhabo, ayaa la sheegayaa in ragga dilay aqalka ugu soo daateen xilli ay isaga iyo xaaskiisu hurdeen, waxana sidoo kale ay kooxdaasi toogasho ku dileen Qof kale oo dadka deriska kamid ahaa.

Ragga dilka geystay oo tiradooda lagu sheegay ilaa 3-ruux oo hubaysan ayaa ka baxsaday goobtii dilka ay ka geysteen, markii ay is dul dhigeen meydka Wariyaha iyo xaaskiisa.

Allaha u naxariistee Wariye Daa’uud Cali Cumar ayaa wuxuu ka shaqeyn jiray Idaacada Radio Baydhabo ee ku taallo Magaalada Baydhabo.

Sidoo kale isla xalay Magaalada Baydhabo waxaa lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa oo ka shaqeyn jiray farsamada gacanta oo rag hubaysan ay ku toogteen Xaafada Bardaale.

Lama garanaayo cida ka dambeysay dilalkaan xalay ka dhacay Magaaladaasi, iyadoo weli ciidamada ammaanka aysan dad u soo qab-qaban dilalka xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo.

 

Magaalada Baydhabo horay waxaa loogu dilay Nabadoono, Culimo iyo dad kale oo la shaqeeya Maamulka ka dhisan Magaalada Baydhabo.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed