|

Akhri Magacyada Afar Nin Oo Al-shabaab Ku Toogatay Fagaare Bu’aale Ku Yaalla Iyo Eedaha Loo Jeediyey

Bu’aale:Sep,05,2015(SDN/QJ)-Islaamiyiinta Al-shabaab, ayaa Goob fagaare ah ku toogatay Afar Nin oo ay ku eedeeyey arrimo kala duwan oo basaasnimo iyo kicin Ururka ka dhan ahi kamid ahaayeen.

fagFagaaraha ay toogashadu ka dhacday oo ku yaalay degmada Bu’aalle ee Jubooyinka, ayaa waxaa isugu soo baxay toogashada dad farabadan.

Kooxda ayaa sheegtay in Afartaasi ruux ee la dilay ay ka tirsanaayen Dowladda Federaalka, sida ay sheegtay warbaahinta ku hadasha afka Alshabaab.

Qaadiga Maxkamada Kooxda ayaa ku dhawaaqay xukunka raggaan iyo waxyaabaha lagu soo eedeeyay.

Magacyada Raggan la laayey ayaa kala ahaa:

1-Cabdinuur Maxamed Cabdi oo 20 sano jir waxaa lagu eedeeyay inuu ciidamo uqorayay dowladda federaalka.

2-Ciise Xuseen Axmed oo 50 sano jir ahaa waxaa lagu eedeeyay in Alshabaab uu ku kicinaayay dadka shacabka.

3-Faarax Cabdule Cali oo 63 sano jir ahaa, waxaa lagu eedeeyay inuu ahaa basaas.

4-Maxamed Axmed Cali oo 20 jir ah waxaa lagu soo eedeeyay inuu ahaa basaas.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed