admin

SHEEKH BASHIIR: Sharciga JINSIGA Qodobbo toos ISLAAMKA uga Hor-imaanaya ayaa ku jira

Muqdisho,29,6,2016 (QJ/SDN) – Hoggaanka sare ee Hay’adda Culummada Soomaaliyeed, ayaa kasoo horjeestay Sharciga Siyaasadda Qaran ee Jinsiga ama Gender, iyagoo Sheegay inay qoraalka sharcigaan ku arkeen qodobo badan oo kasoo horjeeda shareecada Islaamka. Sharcigan ayaa waxaa bishii hore Meel-marisay Dowladd Somalia, waxaana culumadu ay sheegeen in sharcigan uu dalbanayo inay meel-mariso dhammaan Xuquuqaadka haweenka. “Markaan akhrinnay…

Read More

Ururka Xasaradaha Caalamiga ah oo Soo Saaray Warbixin Ka Hadleysa Alshabaab

Muqdisho,28,6,2016 (QJ/SDN) – Ururka falanqeeya xasaradaha caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG) ayaa shalay warbixin uu soo saaray wuxuu ugaga hadlay sababaha Al-shabaab aan weli looga guulaysan inkastoo darafyo badan ay la wada dagaalamayaan. ICG ayaa warbixintaa kusheegtay in Al-shabaab walow lala dagaalamayo meelo badan oo awal ay joogeena laga saaray hadana weeraro ay…

Read More

Ciidamada AMISOM oo la sheegay inaysan wax Mushaar ah Qaadan Lixdii Bilood ee lasoo dhaafay

Muqdisho,28,6,2016 (QJ/SDN) – Warbixin ay Diyaarisay Suxufiyad ka Tirsan BBC-d oo ku timid booqasho Muqdisho, ayaa lagu sheegay in Ciidamada ka hawlgala Soomaaliya ee AMISOM aysan mushaar qaadan muddo lixdii bilood ah. Suxufiyadda aaya xustay in Ciidanka AMISOM oo tiradooda gaarayso 22,000 oo Askari in mushaaraadkooda loo hakiyay arrimo la xiriira dhanka xisaabta. Iyadoo Madaxa…

Read More

DAAWO: Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Isugu Yeedhay Shir-Gudoonka Golaha Wakiilada Iyo Madaxda Axsaabta Qaranka

Hargeysa,28,6,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, Isagoo ka duulaya in goorwalba, talo qaran lagu waajaho habsami u socodka doorashada xor iyo xalaala oo wakhtigeedii ku qabsoonta, ayaa maanta oo ah 28-06-2016, wuxu isugu yeedhay shir guddoonka aqalka wakiilada Somaliland, iyo hoggaanka seddexda xisbi qaran, waxanay yeesheen shir qaatay laba saacadood oo…

Read More

Dad Lagu Laayay Magaalada Gorgor Ee Degmada Gaashaamo iyo Mudaharaad Ka Dhacay Burco

Burco,28,6,2016 (QJ/SDN) – Mudaharad  lagaga soo horjeeday Dad lagu laayay Tuulada Gorgor oo ay laayeen ciidamada liyuu boolisku ayaa ka bilaabmay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, Mudaharaadkani oo ay dhigayaan Dadka degaan ahaan ka soo jeeda Degaanka Jaamac Dubad oo ay dhawaan ciidamada Liyuu boolisku ku laayeen Dad isugu jiray Caruur,Haween iyo Curyaamiin. Dadka…

Read More

DAAWO: Bandoowgii Maanta lagu soo Rogay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool

Laascaanood,28,6,2016 (QJ/SDN) – Bandoow ayaa lagu soo Rogey Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, taasoo ka dhalatay kaddib markii maanta ay Rabshado Kasaare geystey ka dhaceen koonfurta Magaalada. Rabshadahan oo ay sababeen, kaddib markii dabley Hubaysan ay Rasaas ku fureen Gaadhi safar ugu socday deegaanno Hawd-koonfureed, markaasoo Gaarigani uu u maraayay halka lagu magcaabo Xaraar-daayeer oo…

Read More

DAAWO: Telefishanka Aljazeera Oo Warbixin Ka Sameeyay Xasuuqii Dowladdii Siyaad Barre U Gaysatay Shacabka Somaliland

Hargeysa,28,6,2016 (QJ/SDN) – Dhammaantood Dil Oo Qari: Sidaa waxa Ciwaan looga dhigay baadhitaan dheer oo Telefiishanka Aljazeera Ku Sameeyay Xasuuqii Dawladdii Siyaad Barre u geysatay shacabka Somaliland siddeetamaadkii. Baadhitaankan oo lagu baahiyey Barnaamijka Caanka Ah Ee ‘PEOPLE AND POWER’, ayaa soo bandhigay Doorkii uu xasuuqaa ku lahaa General TUKE oo Hadda Garoon-diyaaradeed oo ku yaalla…

Read More

Hay’adda UNESCO Oo Diiday In Laas-geel Lagu Daro Goobaha Caalamka Ee Lagu Xafido Aasaarta Qadiimiga Ah

Hargeysa,27,6,2016 (QJ/SDN) – Warbixin lagu baahiyey wargeyska Modern Ghana, ayaa  lagaga  hadlay xaalada muuqaalada ku xardhan deegaanka Laas-geel, waxaana lagu bilaabay:“Qarniyo ayaa ka dambeeyey muuqaalada casaan iyo cadaanka ee ku xardhan buuraha Somaliland kana mid yihiin lo’ deerro, gerri, iyo ugaadhsato leeb iyo qaanso wata. Wakhtigan sawirrada Laas-geel ee ku yaal dalka aan aqoonsiga haysan…

Read More

Wasiir Kaysar Oo Been Abuur Ku Tilmaamay Warar laga Baahiyay

Hargeysa,27,6,2016 (QJ/SDN) – Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Amb.Kaysar Cabdillaahi ayaa waxba kamajiraan kutilmaamay war xalay lagu daabacay Shabakadda Gaaroodinews oo kusaabsanaa kulan isturxaan saarid iyo Tuhun saar ahaa oo loogu garnaqay Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse iyo isaga. Tuhunkaas oo kadhashy Xabbad lagu riday guriga Wasiir Kaysar. Wasiir Ku-xigeenka Qorshaynta…

Read More

SULDAAN MAXAMED: “Madaxdhaqameednimadu Maaha Wax Suuqa Laga Soo Iibsado, Iyo Cumaamad Xamar Taalla”

Hargeysa,27,6,2016 (QJ/SDN) – Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay niman Muqdisho jooga oo sheegtay in ay ka mid yihiin madaxdhaqameedka reer Somaliland isla markaana dawladda Soomaaliya ee caalamku waardiyeeyaan ay sheegtay in ay soo xulayaan xubno maqaar saar ah oo magaca Somaliland ku fadhiista kuraasta baarlamaanka…

Read More

SAWIRRO: 1,820-Arday oo Ka Qalin-jabisay Jaamacadda Jigjiga Ee DDSI

Jigjiga,27,6,2016 (QJ/SDN) – Madaxwaynaha DDSI ahna gudoomiyaha boordhiga maamula jaamacada jigjiga mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka kaqaybgalay munaasabada wareegii 8, aad ee qalinjabinta jaamacada jigjiga oo ay kaqalinjabinayeen in kabadan 1,820 arday oo isugu jira 635 gabdho ah iyo 1,185 wiilal ah oo dhamaysatay shahaadada heerka degreega 1, aad iyo waliba Masterka mudo 3…

Read More

Caaqil Axmed Cabdilaahi (Cidhib-barakale) Oo Hargeysa Ku Geeriyooday iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Tacsiyeeyay

Hargeysa,27,6,2016 (QJ/SDN) –  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawlada iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Boqorada, Ugaasyada, Salaadiinta, Cuqaashada, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Axmed Cabdilaahi…

Read More

Qarax Ismiidaamin Ah Oo Goordhaweyd Ka Dhacay Hotel Naasa-Hablood ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho,25,6,2016 (QJ/SDN) – Qarax Ismiidaamin ah ayaa goor-dhaw waxaa lala beegsaday Hoteel Naasa Hablood One oo ku yaalla Isgoyska lambar Afar ee Magaalada Muqdisho ee Xarunta Somalia. Weerarka ayaa loo Adeegsaday Gaari Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo Qaraxa kaddibna la maqlay rasaas aad u xooggan, illaa haddana lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan. Sidoo…

Read More

Dagaal Markale Ka Qarxay Deegaanka Dharkayn-Geeyo Ee Gobolka Sool iyo Dad Ku Dhintay

Laascaanood,25,6,2016 (QJ/SDN) – Ugu yaraan Toddoba qof ayaa ku geeriyooday halka ay 10-kalena ku dhaawacmeen dagaal dhex-maray laba Beelood oo ka dhacay Deegaanka Dharkeyn-geenyo ee Hoos-tagta Degmada Gaashaamo ee Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya. Dagaalka ayaa yimid kaddib markii odayaasha labada dhinac ee dagaallamay ay ku fashilmeen inay heshiis ka gaaraan wadahadallo ku saabsanaa dagaal billowgii…

Read More

Ingiriiskii Oo Sagootiyey EU, Mustaqbalka Midnimada Dhinac Kasta Oo Su’aalo Ka Taagan Yihiin

London,25,6,2016 (QJ/SDN) – Dadkii Ingiriis waa ay hadleen, waxa aanay caddeeyeen doonistoodda ah in ay ka baxaan Midowga Yurub. Waa go’aan taariikhi ah, iyo dhacdo ugub ku ah Midowaga Yurub oo tan iyo sannadkii 1957kii markii la aasaasay ku hawlanaan jiray kala hufidda codsiyada dalalka doonaya in ay xubno ka noqdaan, laakiin dalka Ingiriiska oo…

Read More

FAYSAL CALI WARAABE: “Ma Jirto Sabab aynu Ugu Dabbaal-degno 26-june Ee Illaahay Ha U Naxariisto”

Hargeysa,25,6,2016 (QJ/SDN) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa tilmaamay inaanay  Meesha ku jirin in Shacabka Somaliland ay Xusaan Maalinta 26june taas oo ku sifeeyay maalin aan Shacabka Somaliland mudnaan u ahayn Balse ay tahay maalintani maalin Somaliland la aasay. Dhanka kale, Faysal Cali Waraabe waxa uu ka hadlay Boqortooyada…

Read More