admin

SAWIRRO: Daacish oo sheegtay inay xero Tababar ka Furatay Soomaaliya

Muqdisho, 27,4,2016 (QJ/SDN) – Kooxda Islaamiga ah ee ISIS/Daacish ee ka dagaallama Waddamada Suuriya iyo Ciraaq ayaa muuqaalkii u horreeyay oo ay uga hadlayaan Somalia soo bandhigay, kaasoo ay ku xuseen inay saldhig ay ku tababaraan dagaal-yahanada kusoo biira ka furteen Soomaaliya. Waxaa muuqaalka ay soo bandhigtay kooxda ISIS/Daacish kasoo muuqday, Sh. C/qaadir Muumin oo…

Read More

Dadweyne Cadheysan oo Hoteel uu Buuhoodle ka degenaa ku weeraray Madaxweynaha Khaatumo

Buuhoodle 27,4,2016 (QJ/SDN – Dadweyne cadheysan ayaa saaka hoteel uu Buuhoodle ka Deggenaa Madaxweynaha Maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galeydh ku Weeraray, inkastoo aanay jirin wax khasaare ah oo weerarkaas ka dhashay. Wariyayaasha ku sugan Buuhoodle ayaa kusoo warramaya in hotelkii uu daganaa Prof.Cali Khaliif Galleydh ay weerareen dad cadheysani isla markaana ay rasaas ku…

Read More

Somaliland: Halista Caafimaad Ee Taawarrada Shirkadaha Isgaadhsiintu Ku Hayaan Shacabka Iyo Guryo Looga Qaxay Hargeysa

HargeyTsa, 27,4,2016 (QJ/SDN) – Dadka ku Geeriyooday Guryaha ku yaalla Degmada Ibraahim Kood-buur ee Magaalada Hargeysa, ayaa Geeriyadooda loo nisbeeyay Xanuuno ay ka qaadeen  Shoocaaca ka soo baxa Taawarrada Guryahooda ku dhow, sida ay sheegeen Dad wax ka ogaa Xanuunnada ay u geeriyoodeen Dadkaasi. Guryaha Taawarradu ku dhow yihiin ee Qaarkood Dadku ku dhinteen, ayaa…

Read More

Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Guddiga Diiwaangelinta Ururada

Hargeysa, 26,4,2016 (QJ/SDN) – Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa  ansixiyey  muddo kordhintii uu Madaxweynuhu u sameeyey Guddida Diwaangelinta urrurada siyaasada iyo ansixinta asxaabta qaranka Somaliland iyo xubno lagu kordhiyey guddida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa. Fadhiga shalay ee ay Golaha Wakiiladu oo uu shir guddoominaayey Guddoomiyaha Wakiiladu Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa iyada oo…

Read More

Madaxtooyada Oo Kulankii Cirro Iyo Wasiirul Khaarajiga Kenya Ka Dib Dirtay Wasiir Sacad Cali Shire

Hargeysa, 26,4,2016 (QJ/SDN) – Madaxtooyada Somaliland ayaa magaalada Nayroobi ee dalka Kenya u dirtay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, iyadoo madaxtooyadu si aan toos ahayn uga jawaabaysa kulankii uu guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro dhawaan la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Marwo Aamina Maxamed. Madaxtooyada Somaliland oo u muuqata inaanay jeclaysan kulankaas oo doodo iyo…

Read More

Maxkamadda Oo Mudaysay Xaraashka Fooqa Xawaaladii Qaran

Hargeysa, 26,4,2016 (QJ/SDN) – Maxkamadda gobalka Maroodi-jeex ayaa mudaysay wakhtiga la bilaabayo xaraashka dhismaha xawaaladii Qaran Express oo ah dhisme fooq ah oo ku yaala badhtamah amagaalada Hargeysa. Qoraal Naadin Xaaraash ah oo uu soo saaray guddoomiyaha Maxkamadda gobalka Maroodi Jeex Md. Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa wuxuu u qornaa sidan “Maxakamada gobolka M/jeex Hargeysa  waxay…

Read More

Dawladaha Somaliland, Somaliya Iyo Turkiga Oo Isla Qaatay Wakhtiga La Bilaabayo Wada Hadalada

Haregysa, 26,4,2016 (QJ/SDN) – Dawladaha Somaliland, Somaliya iyo Turkiga, ayaa isla qaatay in bisha dambe ee bay si rasmi ah loo bilaabo wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Somaliya oo muddo hakad galay. Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, dawladda Turkiga oo ku  dedaalaysa inay wada hadaladu dib u furmaan, ayaa wasiirka khaarajiga…

Read More

DHAGEYSO: Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland oo Maanta la Dhaariyay

Garowe, 25,4,2016 (QJ/SDN) – Guddiga Doorashooyinka Puntland oo ka kooban sagaal xubnood oo shalay cod aqlabiyad ah ku  Ansixiyeen Baarlamaanka Puntland, ayaa waxaa maanta dhiirri-geliyay Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin Cumar Camey. Madasha lagu dhaarinayay  Guddiga Doorashooyinka Puntland, ayaa waxaa Goob-joog ka ahaa Guddoomiyha Golaha Wakiillada Puntland, Axmed Cali Xaashi iyo xubin ka socodey Maxkamadda Sare….

Read More

RW Cumar oo xilkii ka qaaday wasiirkii Boostada Isagoo Wasaaradaas Wasiir Cusub u Magacaabay

Muqdisho, 25,4,2016 (QJ/SDN) – RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa ka qaatay xilkii Wasiirkii Boostada iyo Isgaarsiinta Somalia, Guuleed Xuseen Qaasim, kaddib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa. Sharma’arke ayaa xilka Wasiirka Boostada iyo Is-gaarsiinta u magacabay Wasiir cusub oo lagu magacaabo, Maxamed Jaamac Mursal, sida lagu xusay Wareegatada RW Somalia uu soo saaray. Kulan uu…

Read More

Aqoonyahan Maxamed Xagar OO Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax Utaagan Kamid Noqoshada Xubnaha…

Minneapolis 25, 4,2016 (GM) – Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Xagar oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan inuu kamid noqdo xildhibaanada dowlada federaalka ah ee Soomaaliya. Musharaxa ayaa sheegay in markii uu arkay dhibaatada ka jirta dalka ee aan kala joogsiga lahayn inuu go’aansaday ama uu ka qayb qaato sidii…

Read More

DEG DEG: Heshiis Laga Gaadhay Xiisaddii Banka Qool-cadey ee Degmada Sallaxley

Hargeysa, 24,4,2916 (QJ/SDN) – Warar hor u dhac ayaa naga soo gaadhaya deegaanka banka Qool-cadey oo uu ka socdo shir saddex geesood ah kaasi oo u dhaxeeya dadka deegaanka, madax-dhaqmeedka iyo xukuumadda Somaliland. Shirkaasi oo xal loogu raadinayo xiisaddii halkaasi ka taagnayd. Wararku waxay sheegayaan in shirkaasi laga gaadhay heshiis kaasi oo ay isla qaateen…

Read More

Fadhigii Golaha Wakiilada Ee Maanta Oo Laga Hor Akhriyay Xeerka Hanti Dhawrka Qaranka

Hargeysa1, 24,4,206 (QJ/SDN) – Fadhigii saaka ee golaha wakiilada JSL oo uu gudoominayay gudoomiyaha golaha wakiilada mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa waxa ugu horayn quraanka akhriyey Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal ka dibna waxa uu gudoomiyuhu Xoghaynta ku wargeliyey in mudanayaasha loo qaybiyo labada nuqul ee Xeerka Hantidhawrka Guud ee Qaranka (Nuqulkii xukuumadu soo gudbisay…

Read More

RW Somalia oo sheegay in loo baahan yahay in la dhiso ciidammo Gacanta ku dhiga Amniga guud ee dalka

Muqdisho24,4,2016,  (QJ/SDN) – Ra’iisul  Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib safarro uu ku tagay Turkiga iyo Ruushka, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhiso ciidammo Qaran oo hanta Amniga guud ee Soomaaliya. RW Sharma’arke ayaa xusay in Ruushka uu kala hadlay sidii loo xoojin…

Read More

Lix Nin oo isku Qarxiyay Maanta Waddada isku xirta Magaalooyinka Baydhabo iyo Buur-hakaba

Baydhaba, 24,4, 2016 (QJ/SDN) – Ciidamada Maamul-goboleedka Koonfur-Galbeed, ayaa maanta fashiliyeen qaraxyo la doonaayay in weeraro looga gaysto Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay. Ciidamada, ayaa waxay saakay isu gadaameen guryo ku yaala inta u dhaxeyso wadada isku xirta magaalooyinka Baydhabo & Buurhakaba, gaar ahaan Deegaanka Raydable. Waxayna amar ku bixiyeen inay isa soo dhiibaan…

Read More

Daawo:- Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Xaaladda Banka Qool-cadey ee Degmada Sallaxley

Hargeysa, 24,4,2016 (QJ/SDN) – Guddoomiyaha aqalka wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro ayaa maanta ka hadlay xaaladda banka qool-cadey, isagoona gudoomiyuhu baaq nadadeed u diray dadka deegaanka. Sidoo kale gudoomiyuhu waxa uu xukuumaddda Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay in arrinta banka Qool-cadey ay si masuuliyadi ku jjirto u waajahdo.

Read More

Xaaladda Banka Qool-cadey Oo Maanta Degan iyo Doorkii Suldaan Cumar iyo Guddoomiye Xassan Yuusuf

Hargeysa, 24,4,2016 (QJ/SDN) – Xaaladda deegaanka Banka Qool-cadey ayaa maanta ah mid degan, kaddib wada-hadal shalay dhex maray shacabkii gadoodsanaa iyo xukuumadda Somaliland. Xaaladda Banka ayaa maanta ah mid aad u wanaagsan iyadoona wararkii u danbeeyay ay sheegayaan in halkaasi uu maanta ka furmay shir saddex geesood ah oo u dhaxeeya xukuumadda, dadka shacabka ah…

Read More

Faahfaahinno Dheeraada oo kasoo baxaya dagaalka Banka Qool-caday iyo Ciidan Millatari Oo Goobta Gaadhay

Hargeysa, 23,4,2016 (QJ/SDN) –  Faahfaahinno dheerada ayaa kasoo baxay dagaalka la sheegay in uu ka socdo deegaanka Banka-Qoocaday ee degmada Sallaxley, halkaasi oo uu dagaal ku dhex-marayo Ciidanka dowladda Somaliland iyo dadka deegaanka. Ugu yaraan 5 ruux ayaa dagaalka ku dhaawacmay sida ay sheegayaan ilo-wareedyo madax-bannaan oo halkaasi ku sugan, waxaana wararka qaar ay sheegayan…

Read More