admin

Daawo:- Sheekh Barbaraawi Oo Si Kulul Uga Hadlay Booqashadii Anderson Cooper Ee Somaliland

Hargeysa, 11,5,2016 (QJ/SDN – Sheekh Cabdillaahi Xassan Xaashi [Barbaraawi] oo ka mid ah culimada ducaadda ah ee magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay booqashadii suxufiga lagu magacaabo Anderson Cooper oo dhawaan soo gaadhay magaalada Hargeysa. Aderson Cooper ayaa ah nin la qabo [Gay] isla markaana faafiya fikradda Liwaadka ama waxa loo yaqaanno “Gay Marriage”. https://www.youtube.com/watch?v=8uxZF5fQc0g

Read More

Suuqyada Hilibka Laascaanood oo Xidhan; Sababtu waa Sicir Barar

Laascaanood, 11,5,2016 (QJ/SDN) – Suuqyada hilibka ee magaalada Laascaanood ayaa xiran kadib markii kawaanleyda magaaladaasi ay shaqo joojin sameeyeen. Arintaa ayaa waxay ka dambeysay sicir barar la sheegay inuu magaaladaa iyo magaalooyin kale oo Soomaaliya ah uu ka dhacay. Sicir bararkaas ayaa waxaa uu sidoo kale saameeyay saylada xoolaha nool lagu kala iibsado ee Laascaanood….

Read More

CARTE: Waa in laga digtoonaado in Hantida Qaranka la Lunsado Xilliga lagu jiro kala guurka

Muqdisho, 11,5,2016 (QJ/SDN) – Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ka digtay in xilliga kala guurka la boobo hantida Qaranka, iyadoo daba-yaaqada sannadkan la filayo inay dalka ka dhacdo doorasho lagu soo xulnayo baarlamaan iyo madaxweyne cusub. RW ku xigeenka Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte ayaa hadal uu ka jeediyay xaflad ay xilalka kula kala wareegayeen Guddoomiyihii hore ee…

Read More

“Ninkan Wariyaha Ah Ee Dhaqan Xumada Waday Hay’adii Keentay Iyo Cidii Aqbashayba Waa In La Maxkamadeeyo” Wasiir Khaliil

Hargeysa, 11,5,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa ka hadlay nin suxufi ah oo u ololeeya guurka dadka isku jinsiga ah oo todobaadkii ina dhaafay dalka lagu soo dhaweeyey isla markaan kulamo la yeeshay qaar ka mid ah masuuliyiinta dawladda oo ilaa heer madaxtooyo gaadhsiisan. Masuuliyiinta Wasaaradda diinta awqaafta ayaa soo jeediyay…

Read More

Philippine Oo Dooratay Madaxweyne Cusub

Davao, 10,5,2016  (QJ/SDN) – Rodrigo Duterte duqa magaalada Davao ee koonfurta Philippine ayaa lagu wadaa inuu noqdo madaxweynaha dalkaasi, kadib markii uu helay codadka ugu badan ee doorashadii shalay dhacday. Rodrigo, wuxuu helay ku dhawaad 6 malyuun oo cod, oo ka badan codadka ninka isaga ku soo dhow oo ah, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha…

Read More

Xukuumadda Soomaaliya oo Bilawday Qorista Shaqaale Soomaali ah oo Loo Dirayo Sacuudiga

Muqdisho, 10,5,2016 (QJ/SDN) – Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday bilaabashada diiwaan gelinta shaqaale Soomaali ah oo loo dirayo dalka Boqortooyada Sucuudiga. Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi mudane Cismaan Libaax Ibraahim oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in shirkado Soomaaliyeed loo fasaxay billaabista diyaarintii shaqaalaha loo…

Read More

Meydadkii Dadkii Ku Dhintay Badda Mediterranean-ka oo Xeebaha Greece Kusoo Caariyay

Athans, 10,5,2016 (QJ/SDN) – Meydadka qaxooti badan oo tahriibeyaal ah oo dhawaan ku dhintay badda Mediterranean-ka ayaa kusoo caariyay xeebaha Greece. Arintaas ayaa walaac xooggan ku abuurtay dawlada iyo shacabka dalkaasi Greece. Greece ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka ay sii maraan tahriibeyaashu marka ay kusii jeedaan qeybaha kale ee Yurub. Dad badan oo meydadkoodu…

Read More

Al-Shabaab Oo Fashilisay Weerar Ay Ku Qaadeen Ciidamo Maraykan Ah

Muqdisho, 10,5,2016 (QJ/SDN) – Xarakada Al-Shabaab, ayaa sheegay inay ka hor-tageen weerar ciidammo Mareykan ah oo watay diyaarado ay xalay doonayeen inay ku qaadaan deegaanka Toora-Toorow oo ka tirsan degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellada Hoose. Warar ay Al-shabaab ku baahisay barahooda ayay ku sheegtay in illaa 10-askaro oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ay kasoo degeen…

Read More

“Doorasho Ayaa Inagu Soo Socota, Waxaan Asxaabta Kula Dardaarmayaa Tartan Nadiif Ah”

Hargeysa, 10,5,2016 (QJ/SDN) – Xaaji Cabdikariim (Cabdi Waraabe), ayaa ka hadlay gaabiska ka muuqda Diiwaangelinta kaadhka cod bixinta ee Gobolka Maroodi-jeex, waxaanu dadka ku booriyey in aanay dhayalsan kaadhka diiwaangelinta oo ay qaatan. Xaaji Cabdikariim (Cabdi Waraabe), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya,…

Read More

SAWIRRO: Kulan Ay Caawa Soo Qaban-qaabisay Guddida Sahan-Barwaaqo Oo Laga Soo Saaray Go’aammo Lagu Dar-dargelinayo Diiwaangelinta

Hargeysa, 9,5,2016 (QJ/SDN) – Kulan ballaadhan oo lagaga hadlayay sidii loo dar-dargelin lahaa diiwaangelinta Gobolka Maroodi-jeex gaar ahaan degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ayaa caawa ka qabsoomay magaalada Hargeysa, kulankaasi oo ay soo qaban-qaabisay Guddida Guud Ee Sahan-Barwaaqo. Kulan oo ahaa mid si wayn la iskugu waydaarsaday aragtiyo iyo falan-qayn ku aadan sidii loo…

Read More

Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland oo Markale Digniin u Dirtay Madax-dhaqameedka

Hargeysa, 9,5,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka Wasaarada arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran-cadde Isaga oo tixraacaya Wareegtadii Sumadeedu ahayd WAG/Xw/86/72/2015 kuna taariikhaysan 11/01/2015 oo kazoo baxday xafiiska wasiirka Arrima gudaha ujeedadeeduna ahayd joojinta caleemo saarka cuqaasha iyo salaadiinta soo badanaya. waxaa uu wasiirka ku wargalinayaa dhamaanba Badhasaabada Dalka Iyo Taliyaha Ciidamada Boliska JSl . in…

Read More

Wasiir Cali Warancade Oo Ciidamada Booliska, Sirdoonka Iyo Laanta Socdaalka Ku Amray In Shacabka La Waydiiyo Kaadhka Muwaadinka Iyo Ka Ajaanibka

Hargeysa, 9,5,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland  mudane  Cali Maxamed Waran-cadde   ayaa manta Soo Saaray Wareegto  uu  ku  amrayo  Ciidamada Boliska , Laanta Socdaalka iyo  Sirdoonka Qaranka Somaliland . Halkan hoose ka akhriso warqad kasoo baxday Xafiiska Wasiir Waran-cadde

Read More

WASHINGTON POST: NISA waxay si khasab ah ku askareysaa caruurta ka soo baxda Al-shabaab

Muqdisho , 9,5,2016(QJ/SDN) – Wargeyska Washington Post ee kasoo baxa Maraykanka ayaa warbixin dheer ka qoray sida dhaqaalaha Maraykanka ay siiyaan Dowladda Somalia loogu adeegsado in carruurta ay basaas u noqdaan hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA. Warbixinta ayaa lagu xusay in sannooyin badan ay Carruurtaasi ahaayeen kuwo ay hub iyo tababar siiyeen Alshabaab,…

Read More