admin

Prof. Gees oo soo Bandhigay Magacyada Shaqsiyaad Door Wayn ku Lahaa Nabadaynta iyo Dib-u-heshiisiintii Somaliland

Qeybta 47aad ee taxanaha qormada Dharaaro Xusuustood Haregeysa, 17,5,2016 (QJ/SDN) – Prof. Maxamed Siciid Gees oo ka mid ah siyaasiyiinta aqoonyahanka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo bandhigay qaar ka mid ah shaqsiyaadkii doorka weyn ka qaatay nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Somaliland oo toddobaadkan u dabaaldegaysa sannad-guurada 25aad ee maalinta qarannimada iyo dib ula soo…

Read More

Madaxtooyada Somaliland Maxay Ka Tidhi, Ganacsade Boore, Hab Maamuuskii Jabuuti, Martiqaadka Sh. Shariif Iyo Faroole

Hargeysa, 16,5,2016 (QJ/SDN) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay hab maamuuskii weftiga madaxweynaha ee Jabuuti, ganacsade Boore iyo saamaynta uu ku lahaa heshiiskii Dubai, in xukuumaddu ku casuuntay Sh. Shariif iyo Faroole xuska 18may iyo qodobo kale. War saxaafadeed amuurtaa iyo soo laabashadii Madaxweynaha iyo soo dhawayntiisii ka hadlaya oo madaxtooyadu soo…

Read More

Baarlamaanka Soomaaliya oo loogu baaqay inuu Meel-mariyo Hannaanka Doorasho ee 2016-ka

Muqdisho, 15,5,2016 (QJ/SDN) – Bayaan ay si Wadajir ah u soo saareen; Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, IGAD, Mareykanka, Itoobiya, Sweden, Talyaaniga iyo Itoobiya, ayaa walaac looga muujiyay Meel-marin la’aanta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Hannaanka Doorashada dalka ka dhici doonta sanadkan lagu jiro 2016-ka, kasoo uu RW Sharma’arke u gudbiyay baarlamaanka 30-kii Abriil. Beesha…

Read More

Madaxweyne Gaas oo Xilkii Ka Qaaday Taliyaashii Booliska Iyo Birmadka

Garowe, 15,5,2016 (QJ/SDN) –  Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xilalkii ka qaaday taliyihii Ciidanka Booliska Puntland Cadirisaaq Maxamuud Yuusuf Af-guduud iyo Taliyihii ciidanka Birmadka Cismaan Xasan Cuuke . Waxaana Taliyaha Booliska si kumeel-gaadh ah loogu magacaabay Cabdulqaadir Faarax Shire  oo ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska. lama Sheegin sababta xilka looga…

Read More

WAR DEG DEG AH : Maamul Goboleed Cusub Oo Lagaga Dhawaaqay Somaliland Gudaheeda

Xingalool, 15,5,2016 (QJ/SDN) – Deegaanno ka tirsan Somaliland gaar ahaan bariga gobolka Sanaag ayaa lagaga dhawaaqay maamul goboleed cusub oo loogu magic-daray Woqooyi-Bari Soomaaliya. Maamul goboleedkan ayaa la sheegay in ay ka danbeysay kaddib shirar muddooyinkii ugu danbeeyay deegaannadaasi uga socday dadka deegaanka, iyadoona maamulkaasi isla maantaba loo doortay madaxweyne. Waxaana wararkii ugu danbeeyay ee…

Read More

MADAXWEYNE XASAN: Baarlamaanku Waa in uu dar-dar-geliyo Meel-marinta habka Doorash

Muqdisho, 15,5,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud – ayaa Baarlamaanka Federaalka Somalia, ugu baaqay, in iyadoo la eegayo xilliga yar ee harsan loo baahan yahay in la fududeeyo meel-marinta hannaanka dooranshada Sannadkaan lagu jiro ka dhici doonta dalka. Xasan Sheekh, ayaa hadalkaan ka jeediyay kulan gaar ah oo uu maanta ka dhacay Guddiga…

Read More

Dawladda Itoobiya Oo Soo Dhawaysay Heshiiska Dekedda Berbera Ee Imaaraadka Carabta iyo Somaliland

Hargeysa,15,5,2016 (QJ/SDN) – Dawladda Itoobiya ayaa soo dhawaysay heshiiska dekedda Berbera ee dhex maray dawladda Somaliland iyo shirkadda DP world ee dalka Imaaraadka Carabta. Haya’dda dawladda Itoobiya u qaabilsan arrimaha dekedaha ee EMAA ayaa sheegtay in heshiiskaasi muujinayo inuu fursad u yahay dadka shixnadaha kala duwan kala soo dega dekedda Berbera ee Somaliland. Agaasimaha hay’adda…

Read More

Diyaaradaha Caalamiga Ah Oo Laga Mamnuucayo Hawada Kenya

Nairobi,15,5,2016  (QJ/SDN) – Maamulka Duullimaadka Diyaaradaha Maraykanka (US Federal Aviation Administration (FAA) ayaa dabada ka riixaya  sidii ay Ururka Caalamiga ee Duullimaadyadda Rayidka “The International Civil Aviation Organisation (ICAO) ugu dhawaaqi lahaayeen inaanay ammaan ahayn Hawada Sare ee Kenya, loona aqoonsado inaanay ammaan u ahayn inay Diyaaraduhu  ku degaan  Garoomadda Kenya ama dul maraan Hawadda dalkaasi….

Read More

DHAGEYSO: ‘’Waxa dhawaan la Qaban doonnaa Shirka Maal-gashiga Ina-Guuxaa oo cid walba u furan’’ Cali Sanyare

Hargeysa, 14,5,2016 (QJ/SDN) – Wasiir hore Cali Ibraahim Maxamed [Sanyare] ahna guddoomiyaha Guddida Mashruuca Waddada Cad ee Hargeysa illaa Ina-Guuxaa ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan la qaban doonno shirka Maalgashiga magaalo Xuduudeedka Ina-Guuxaa. Cali Sanyare waxa uu sheegay in magaalada Ina-Guuxaa oo ah magaalo xuduudeed muhiim u ah dhanka ganacsiga ee waddamada Somaliland iyo…

Read More

DHAGEYSO: “Nagama suurowdo inaan Weerarro ka abaabulno xeryo ay ku nool yihiin Qoxooti”

Muqdisho, 14,5,2016 (QJ/SDN) – Al-shabaab ayaa markii u horreysay ka hadashay go’aanka Xukuumadda Kenya ku xidhayso Xerada Qoxootiga Dhadhaab, halkaasoo ay sheegtay in laga soo Abaabulo Weerarrada laga geysto Kenya, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay in Xeryaha Dhadhaab aysan ka abaabulin weerarrada ay ka geysato Kenya. Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Sh. Cali Maxamuud Raagge oo la…

Read More

Cabdiraxmaan Boore Oo Cadeeyay Doorka Uu Ku Lahaa Heshiiska Dekedda Berbera

Hargeysa,14,5,2016 (QJ/SDN) – Cabdiraxmaan Boore, ayaa qoraal uu baahiyay wuxuu si aan toos ahayn ugu cadeeyay doorka uu ku lahaa heshiiska dekedda Berbera ee Imaaraadka Carabta, isagoo siyaasiyiinta Somaliland ee heshiiska diidana u soo diray farriin. Dawladda Somaliland ayaa hore u sheegtay inaanu Cabdiraxmaan Boore wax lug ah ku lahayn heshiiska dhex maray Imaaraadka Carabta iyo…

Read More

Ismaaciil Buubaa Oo Qaabkii Madaxweyne Siilaanyo Loogu Qaabilay Djibouti Ku Sababeeyay Weftigii La Socday Oo Aan Aqoon U Lahayn Baratakoolka Dawladaha

Haregysa, 14,5,2016 (QJ/SDN) – Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa ka hadlay dooda ka dhalatay qaabkii ay dawladda Djibouti u qaabishay Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu khaladka koowaad saaray dadkii la socday Madaxweyne Siilaanyo oo uu tilmaamay inaanay waxba ka fahansanayn baratakoolka dawladaha. Md. Buubaa, wuxuu sheegay in qaabka looga hadlay soo dhawayntii Djibouti loogu sameeyay Madaxweyne Siilaanyo…

Read More

DHAGEYSO: ‘’Shilalka Gaadiidku Waa Dagaal Ummadda Baabiinaya’’ Sheekh Cismaan Cali Xuseen

  Hargeysa, 13,5,2016 (QJ/SDN) – Sheekh Cismaan Cali Xuseen oo ka mid ah culimada ducaadda ah ee magaalada Hargeysa ayaa maanta khudbaddii jimcaha kaga hadlay shilalka gaadiidka oo baryahan danbe kusoo badanayay Somaliland. Sheekhu waxa uu is dul taagay masuuliyadda ay leedahay darawal-nimadu, isagoona sheekhu khudbaddiisa ku daray waxay diinta islaamku ka qabto qofka gaadiidka…

Read More

Imaaraadka oo xayiraad safar dul dhigay RW India kadib markii uu Soomaalida bahdilay

Dubai, 13,5,2016 (QJ/SDN) – Raysal Wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi ayaa ku tilmaamay Gobolka Kerala inuu ka liito dalka Soomaaliya marka ay timaado dhimashada caruurta yar yar hadalkaas oo ka caraysiiyey dadweynaha Gobolkaas oo iyagu muujiyey sida ay uga xunyihiin in la barbar dhigo dalka dagaalada sukeeye la degeen ee Geeska Afrika. Cadhada ka dhalatay hadalka Mr. Modi…

Read More