Qaraxyo lala beegsaday guryo shacab oo ka dhacay Muqdisho
Muqdisho (QJ) – Ugu yaraan todobo qarax ayaa caawa laga maqlay xaafado ku yaala duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadan ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira. Qaraxyadan ayaa ka dhashay miinooyin lagu xiray guryo iyo dhismayaal ku yaalla xaafadda Galmudug, kuwaasoo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ka dhacayay jidka isku xira…
