admin

    Madaafiic qasaaro geysatay oo xalay ku dhacday degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir

    Muqdisho Dec 22 2012 (SDN)–Madaafiic khasaaro kala duwan geesatay ayaa xalay waxaa laga maqlay Magaalada Muqdisho kuwaasi oo ku dhacay qaarkood Degmada Warta Nabadda ee Muqdisho. Madaafiicda oo aan la garaneyn halka ay kasoo dhaceen ayaa marqura saqdii dhexe ee xalay waxaa laga maqlay Muqdisho iyadoo lasoo wariyay in dhaawacyo kala duwan ay geesteen madaafiicdaasi….

    Read More

      Barlamanka oo kulan looga hadlayo Miisaaniyada ku yeelanaya Xarunta golaha Shacbiga

      Muqdisho Dec 22 2012 (SDN)– Barlamanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya Xarunta golaha Shacabka Soomaaliyeed kaasi oo looga hadlayo miisaaniyada dowladdu ay ku shaqeyn doonto 4-sano ee soo aadan. Kulanka maanta ay yeelanaya barlamanka Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa la filayaa in looga hadlo arrimaha miisaaniyda ku saabsan madaama wasiirka Maaliyada uu qeybiyay dhawaan buugaata miisaaniyada…

      Read More

        Cali Dheere “Hadii aan Kenyaanka Kismaayo lagula dagaalamin weey sheegan doonaan”

        Muqdisho Dec 22 2012 (SDN)– Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose hadii aan lala dagaalamin ay sheegan doonaan Kismaayo inay ka tirsan tahay Kenya. Wuxuu Sheegay in Kenya Soomaaliya horay ay uga qabsatay dhul Soomaaliyeed isaga oo xusay…

        Read More

          Xasan Sheekh oo kulan laqaatay Dhigiisa Kenya Maxay kawada hadleen (Warsaxaafadeed)

          Nairobi Dec 21 2012 (SDN)— Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashu ku tagay Kenya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxeey kulan la yeesheen Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Mwai Kibaki. Wafdiga Madaxweynaha uu hogaaminayo ayaa waxuu ka kooban yahay Wasiiro, Safiiro iyo Diblomaasiyiin. Labada Madaxweyne iyo Wasiiradda labada dal ayaa waxeey…

          Read More

            Wasiirkii ugu horeeyay ee Wasaarada Maaliyada oo maanta Muqdisho lagu Aasay (Sawirro)

            Muqdisho Dec 21 2012 (SDN)– Allha unaxariistee Wasiirkii ugu horeeyay ee Maaliyada Soomaaliya ayaa maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho, kaddib markii uu Todobaadkii hore ku geeriyooday Magaalada London ee dalka Ingiriiska. Meydka Marxuum Cusmaan Axmed Rooble ayaa waxaa laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade halkaasi oo ku sugayeen mas’uuliyiin kala duwan iyo eheladiisa….

            Read More

              Wiil dhawaan laga la laabtay dhalashada Britain oo la tuhmayo in uu gacanta ugu jiro Sirdoonka Maraykanka

              London Dec 21 2012 (SDN)— Qoyska wiil dhawaantan laga laabtay Jinsiyada dalka Ingiriiska ayaa waxa ay sheegeen in wiilkooda uu si qorsoodi ah gacanta ugu jiro hada Sirdoonka Maraykanka oo ka qabatay Nawaaqiga Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Abaaha dhalay wiilkan oo lagu Magacaabo Mahdi Xaashi ayaa u sheegay Wargeyska fadhigiisu yahay London ee thebureauinvestigates…

              Read More

                Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray dalka Kenya wadahadalana la leh Mas’uuliyiinta dalkaasi

                Nairobi Dec 21 2012 (SDN)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya. Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu gaaray Magaaladaasi halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen madaxda sare ee dalka Kenya. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ku soo dhaweeyay…

                Read More

                  Mwai Kibaki oo sheegay in weerarada Kenya ka soo dhaca laga soo abaabulo Somaliya

                  Nairobi  SDN 21 2012 (SDN)— Madaxwayanaha dalka kenya Mwai Kibaki ayaa  sheegay in dalka kenya ay ka dhaceen weeraro argagixiso  oo laga soo maleegay dalka soomaaliya kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay ka danbeeyaan ururka Alshabab oo xiriir la leh urur waynaha Al-Qaacida. Mwai  Kibaki ayaa sheegay inay sii wado doonaan ilaalinta muwaadiniinta kenyaanka ah…

                  Read More

                    Xasan Sheekh oo maanta la kulamay wafdi ka socda dowladda Norway

                    Muqdisho Dec 20 2012 (SDN)— (Warsaxaafadeed) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xarunta Villa Soomaaliya kula kulmay Wasiirka Horumarinta ee Dowladda Norway Mudane Heikki Holmas. Kulankaas ayaa waxaa kale oo ka soo qeyb galay Safiirka Norway ee Soomaaliya iyo saraakil sar sare ee ka tirsan Madaxtooyada. Madaxweynaha ayaa ka hadlay in…

                    Read More

                      Madaxweynaha Soomaaliya oo caawa dalacsiiyay Saraakiil ka tirsan Xiidanka xooga dalka

                      Muqdisho Dec 20 2012 (SDN)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa munaasabad ka dhacday xarunta Villa Somomaaliya ku dalacsiiyay sagaal sarkaal oo ka tirsan ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya. Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Cabdi Xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka S/Gaas Ge. Cabdulqaadir Sh. Cali…

                      Read More

                        Wasiirka Maaliyada East-mole oo Mudisho soo gaartay lana kulanta madaxda dowladda

                        Muqdisho Dec 20 2012 (SDN)— Wasiirka Maaliyada dalka East-mole ayaa maanta soo gaartay Magaalada Muqdisho,iyadoona kulamo la qaadatay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya. Markii aya ka soo dagatay garoonka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan iyo xubno kale oo ka socday wasaaradiisa. Soo dhaweynta kaddib ayaa waxaa…

                        Read More

                          Munaasabad lagu xusyay 69-sano guuradii ka soo wareegatay Aasaska Ciidanka booliska oo Muqdisho ka dhacday

                          Muqdisho Dec 20 2012(DN) Munaasabad lagu xusayay 69-sano guuradii ka soo wareegatay Aasaska Ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho. Xaflad si weyn loo soo agaasimay islamarkaana ay ka soo qeyb galay madaxda dowladda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda ciidamada booliiska aya waxa ay ka dhacday dugsiga tababarka…

                          Read More

                          Isku Aadka tartanka Uefa Champions League wareega 16-ka oo la soo saaray

                          Nyon Dec 20 2012 (SDN)–Isku aadka wareega 16ka Uefa Champions League ayaa la sameeyey iyadoo uu ka dhacay magaalada Nyon, ee dalka Switzerland maanta oo Khamiis ah. Kooxda heysata horyaalka Primera Division Real Madrid ayaa wajihi doonta kooxda Ingiriiska ah ee Manchester Uniyed, Cristiano Ronaldo ayaana kusoo laaban doona garoonkii uu ku barbaaray ee Old…

                          Read More

                          Raheem Sterling oo ogolaaday in uu qalinka ku duugu hesiis cusub oo uu kooxdiisa Liverpool kula sii joogayo

                          Liverpool Dec 20 20120 (SDN)— Xidiga da’yar ee Raheem Sterling una ciyaara kooxda Liverpool ee ka dhisan horyaalka Ingiriiska ayaa waxa uu ogolaady in uu heshiis cusub oo 5-sano ah uu u saxiixo kooxdiisa. 18-sano jirkan ayaa lafilayaa in uu qalnka duldhigo 5-sano oo heshiis kaasi oo ka soo hormari doona Ciida Kirismiska. Sterling ayaa…

                          Read More

                            Dadka reer Koofur Kuuriya oo haweynay Madaxweyne u doortay Marii ugu horeysay

                            Seoul Dec 20 2012 (SDN)– Haweyneydii ugu horeysay Taariikha ayaa ku guuleytay in ay noqto Madaxweynaha dalka Koofur Kuuriya kaddib doorashooyin kadhacay dalkaasi. Park Geun-hye ayaa loo doortay in ay noqoto Madaxweynaha Rasmiga ah ee dalka Kuuriyada Koofureed waxaana looga fadhiyaa in ay wax ka qabto dhibaatooyin dhaqaalo xumi ee ka jira dalkaasi. Haweynedan la…

                            Read More