Webmaster

    Madaxweynaha Maamulka Punt land oo Cisbitaalka Ku soo Siyaartay Askar Ku Dhaawacmay Shil Baabuur

    Garowe 26.July 2014 (SDN/QJ)- Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Cisbitaalka Weyn ee Magaalada Garoowe ku booqday Dhaawaca  askar katirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland oo gaari ciidan uu kula dhacay Afaafka Hore  ee xarunta UN-ku ay ku lee yihiin magalada Garowe abaare 7:00 Subaxnimo. Saddex Askari oo kamid ahaa Ciidanka Dowladda Puntland gaar…

    Read More

      R.W Cabdiweli: “Dowladda Isutagga Imaaradka Carabtu waxay jawaab deeqsinimo leh ka bixiyeen baaqii xukuumadda oo ku wajahnaa abaaraha”

      Muqdisho, July, 26, 2014 (SDN/QJ)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa maanta ka guddoomay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta deeq raashin ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee saameeyeen abaaraha iyo cunto-yarida ka jirta qeybo kamid ah gobollada dalka. Raashinka deeqda ah ee saaran 40-ka baabuur oo Xamuulka ah…

      Read More

        Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo Ogolaaday in Radio Jowhar dib u Howlgalo, Si Ku meel gaar ahna u degenaado xafiiskeeda

        Muqdisho 26.July 2014 (SDN/QJ)- Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa soo dhoweeyay go’aanka Maamulka gobolka Shabeelada Dhexe uu ku ogolaaday in Idaacadda Radio Jowhar dib loo howlgeliyo kadib 24 Saac oo ay Hawada ka maqneyd. Kulan ay manta ay qaateen masuuliyiinta Idaacada iyo Maamulka gobolka ayaa la iskula ogolaaday in Idaacadda xarunta si…

        Read More

          Wasiir-u-dawlihii Nabadeynta Bariga Somaliland Oo Isu Dhiibay Kooxda Khaatumo

          Widhwidh:July,26,2014(SDN/QJ)-Wasiiru-dawlihii hore ee Arrimaha Bariga Somaliland Keyse Cabdi Yuusuf, ayaa mar kale dib ugu noqday Fallaagadii uu hore uga soo goostay ee Khaatumo. Wasiir Keyse oo  muddooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa Magaalada Widhwidh ee Gobolka Buuhoodle, ayaa maalintii shalay u ambabaxay Deegaanada Miyiga Tuulada Saaxdheer ee Bariga Gobolka Sool, waxana uu sheegay inuu ka mid…

          Read More

            Jinkii Wasaaradda Warfaafinta Oo Mar kale Oodda Soo Jabsaday, Wasiir Cukuse iyo Agaasimihiisa Guud Oo Isku Maandhaafsan Arrimo Xaasaasi ah.

            Hargeysa:July,26,2014(SDN/QJ)-Waxa Mar Kale Dibadda u soo Baxay Khilaafkii iyo is qab-qabsigii ay caanka ku ahayd wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, iyadoo Haatan Wasiirka iyo Agaasimihiisa Guud Madaxa iskula jiraa. Sida ay noo xaqiijiyeen Xubno ka tirsan Wasaaraddu, waxa taagan Is af garanwaa ka dhashay Arrimo qaran oo  Hawlaha wasaaradda la xidhiidha kuwaas oo Labada…

            Read More

              Dagaal Khasaare Keenay Oo Dhex Maray Ciidamo Ka Wada Tirsan Militeriga somalia

              Afgooye:July,26,2014(SDN/QJ)-Ciidamo Ka wada Tirsan Militeriga Somalia, ayaa isku gacan saaray Dagaal Deegaanka Gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalkan ayaa sida la xaqiijiyey keenay Khasaare iskugu  jira Dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ku yimi, iyadoo dagaalkuna socday Xalay Ilaa iyo Saaka. Ugu yaraan 10 Qof ayaa dagaalka ku geeriyootay ,waxaana ku dhaawacmay in kabadan intaasi,kuwaas oo u badan…

              Read More

                Taliska Ugu Sarreeya Ciidanka Militeriga Somalia Oo Dhaliilay Shaqada Ciidamada AMISOM Ee Somalia Ku Sugan

                Muqdisho:July,26,2014(SDN/QJ)-Taliska ugu sarreeya Ciidanka xoogga Somalia Gen. Indha-qarshe, ayaa dhaliilo dusha  ka saaray Ciidanka AMISOM eek a barbar dagaallama ciidamada somalida. General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), ayaa wuxuu muujiyay inaanay Amisom daacad ka ahayn dagaalada maanta dalka ka soconaya, ee lagula jiro Ururka Al Shabaab.   Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka, ayaa sheegay inay Amisom masuul…

                Read More

                  Guddoomiye-ku-xigeenkii ee Togdheer Oo Soo Guryo Noqday, Kuna Gooddiyey Tallaabooyin Ka Dhan ah Xukuumadda Siilaanyo

                  Hargeysa:July,26,2014(SDN/QJ)-Guuleed Daahir Samatar ooh ore u ahaan jirey Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Togdheer, isla-markaana si weyn uga soo horjeeda Siyaasadda xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ka soo laabtay safar uu dibadda ugu maqnaa, isagoo sheegay inuu u xaydan yahay sidii tallaabo looga qaadi lahaa hannaanka xukuumaddani dalka ku hoggaamiso.  Guuleed Daahir oo ka yimi Dalka Qadar, ayaa si…

                  Read More

                    Garowe: Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka oo Gawaadhida Kala Baxaya Nombarka,Sababtu waa Maxay?

                    Garowe 26.July 2014 (SDN/QJ)- Ciidanka Taraafikada Wadooyinka Magaalada Garoowe Ee Caasumada Dowlada Puntland ayaa waxay xalay  Soo ban dhigeen Wajji Cusub oo ka duwan wajigii Horre oo lagu yaqaanay , iyadoo lagu Jirro u diyaar garowga Ciida Bisha Ramadaan waxayna Soo bandhigeen  in Gawaarida Ay ka shakiyaan iyo kuwa aan Canshuurnayn Taarikada Kala baxaan islamarkaana…

                    Read More

                      Muuqaal Naxdin leh oo Laga Duubay Daqiiqado Yar Kadib Markii la Toogtay Marxuumad Saado Cali Warsame DAAWO

                      Muqdisho 26.July 2014 (SDN/QJ)- Allaha u naxariistee Saado Cali Warsame oo dhawaan lagu dilay Muqdisho ayaan helnay muuqaal muujinaya iyada oo Meyd ah oo ku dhex jirta gaarigii lagu dhex dilay. Haddaba Muuqaalkaasi oo soo gaaray warbaahinta  ayaa muujinaya dareen xanuun badan oo ku tusinaya meydka Saado Cali kadib markii la dilay. Waxaana muuqaalka ku…

                      Read More

                        Mareykanka oo sheegay in Ciidamada dalka Ruushku duqeyn ku bilaabeen Ukraine

                        Washington July 26,2014(SDN/QJ)-Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada Ruushku bilaabeen in ay madaafiicda goobta ku garaacaan fariisimada ciidamada Ukraine isla markaana a isku diyaarinayaan in ay guddaha u galaan Ukraine. Ruushka ayaa sheegay in Mareykanku been sheegayo oo ay ciidamada Ukraine duqeymo ka geysteen tuulooyin dalkaa ku yaal. Col Steve Warren oo ah afhayeenka taliska ciidamada…

                        Read More

                          Xabad Joojin 12 Saacadood ah oo ka dhaqan galaysa Qasa si Gargaar aadminimo loo gaadhsiiyo dadka Jilicsan

                          Gaza 26.July 2014 (SDN/QJ)- Maamulka Israa’iil iyo ururka Xamas ayaa ogolaaday in 12 saac ay hakiyaan dagaalka, si gargaar bani’aadannimo laa gaarsiiyo Qaza. Xabbad joojinta ayaa ka bilaabmeysa saaka oo Sabti ah,Mar sii horreysayna, Israa’iil ayaa diiday qorshe xabbad joojin joogto ah oo uu Mareykanka soo hindisay. Dhanka kale, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban…

                          Read More

                            Afur Dhoola Tus ah oo Kulmiyay Madaxweyne Siilaanyo iyo Qaybo ka Mid ah Jaaliyada Uk ee Magaalada London, Iyo Madaxweynaha oo Xaaladiisa Caafimaad ka Hadlay

                            London 26.July 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo Fasax Caadi ah ku Jooga Magaalada London ayaa Habeenkii Xalay Kula Afuray Mid ka Mid ah Huteelada Magaaladaasi Xubno door ah oo ka tirsan Jaaliyada Somaliland ee Magaalada London . Madaxweynaha oo ay Wehelinayeen Marwadiisa,Wasiirka Waxbarashada,Safiirka Somaliland ee dalka Uk, Madax ka…

                            Read More

                              Madaxtooyada Somaliland oo Markii Kowaad ka hadashay Caafimaadka Madaxweyne Siilaanyo

                              Hargaysa 26.July 2014 (SDN/QJ)- Madaxtooyadda Somaliland ayaa si adag u beenisay war lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta oo sheegayay in xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo liidato isla markaana Madaxweyne Ku xigeenku heegan geliyay dalka. Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa warkaasi ku tilmaamay mid been abuur ah oo ay faafiyeen qaar…

                              Read More