Webmaster

Dawlada Imaaraadka oo Caasimadda Somaliland ee Hargaysa u Soo Dirtay Wefti Madaxweyne Muuse Biixi Kala Xaajoonaya Hirgelinta Saldhiga Mileteri ee Berbera

Hargaysa 09. January 2018 (SDN/QJ):-Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland u soo dirtay wefti sare oo kulan la yeelan doona Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay ka wada hadli doonaan arrimaha saldhiga milatari ee Berbera. Weftigan oo shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa, ma jiro wax war ah oo ay dawladda Somaliland ka soo…

Read More

“Shirkan Waa Mid Lagaga Tashanayo Sidii Dalku Cunto Ku Filan U Soo Saaran Lahaa” Kulan Loo Furay Aqoon-yahanka Beeraha Somaliland oo Lagaga arrinsanayo sidii Dalku u gaadhi lahaa Isku Filnaansho dhanka Cuntada ah DAAWO

Hargaysa 09. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed ayaa furay shir ay aqoonyahanka takhasuska u leh Beeruhu kaga arinsanayaan sidii dalku u gaadhi lahaa isku filnaansho dhanka cuntada ah. Shirkan oo socon doona muddo sadex cisho ah laguna qabtay xarunta Wasaaradda horumarinta Beeraha ayaa waxa ka soo qayb galay Aqoon yahan badan…

Read More

“Rajada Aan Qabo Waxa Ay Tahay In Ardayda Waxbaratay Ay Aqoontooda Wax Ugu Qaban Karaan Dalka” Madaxweyne Farmaajo

Garoowe 09. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khudbad u jeediyey ardayda wax kabarata jaamacdaha Puntland ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo mustaqbalka dalka maadaama ay kordhayaan xarumaha waxbarasho ee dalka. Madaxweyne Farmaajo oo ardayda kula hadlay Hoolka Jaamacadda Bariga Afrika ee Garoowe ayaa yiri “Rajada aan…

Read More

Maxkamadda Gobolka Saaxil Oo Maanta Bilowday Dhageysiga Difaaca Dacwad Ciqaab ah Oo Maayarka Berbera Ku Soo Oogay Wariyayaal, Xili Dhulkii Cabashada Laga Baahiyey Madaxweynuhu Xayirey DAAWO

Berbera 09. January 2018 (SDN/QJ):-Maxkamadda Gobolka Saaxil ayaa Maanta fadhi ay yeelatay Waxay ku bilowday kal fadhigii labaad ee dacwad uu Maayarka Magaaladda Berbera ku soo oogay laba ka mid ah Weriyeyaasha ka hawlgala Magaalo Xeebeedka Berbera,kadib markii bishii hore baahiyeen dhul la isku haysto oo ku yaala Magaaladda Berbera kaas oo uu markii danbena…

Read More

Buug Dunida Oo Dhan Xiise Geliyey ee Cadho Iyo Dab ee Ka Qaylisiiyey Madaxweyne Donald Trump Waxaa Turjumay Kamaal A.Cali

Hargaysa 09. January 2018 (SDN/QJ):-Inta badan ee dadka dunida ku dhaqani waxa ay maalmihii u dambeeyey si joogto ah u maqlayeen hadalhaynta buugga soo baxay shalay 6 dii January 2018 ka ee ka warramayey, shakhsiyadda iyo caafimaadka maskaxda madaxweyne Trump iyo guud ahaan xaaladaha ku xeeran madaxweynenimadiisa. Qormadan oo aynu maalmaha soo socda kaga sheekayn doonno…

Read More

“Al-shabaab Markii Culays Kaga Yimi Muqdisho Waxay U Soo Talaabeen Puntland……” Madaxweyne Farmaajo

Garoowe 09. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga magaalada Garoowe ayaa sheegay in deegaanno ka tirsan Puntland soo galleen sida uu hadalka u dhigay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo baxsad ka ah duqeymaha cirka. ‘’Dhibta Al-shabaab ay ku hayaan Koonfur meel walba wuu yaalaa, hadda waxaa ay bilaabeen markii ay…

Read More

Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Punt land oo Hakiyey Gaadiidka Shacabka ee isaga Gudbi Jiray Somaliland Iyo Punt Land!!

Garoowe 09. January 2018 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne oo warbaahinta kula hadlay magaaladda garoowe ayaa sheegay in Puntland ay hakisay nooc walba gadiidkii ka imaan jiray degaanada Maamulka Somaliland, islamarkaana aysan jiri doonin gaadiid hadda kadib ka gudbidoono Puntland una gudbidoona Somaliland. Waxa uu sheegay tilaabadaan inay Puntland  kaga jawaabayso daandaansiga maamulka Somali-land…

Read More

Hanti dhawraha Guud ee Qaranka Somaliland oo Wacad ku Maray inuu Baadhis Xoogan qaadi doono DAAWO

Hargaysa 09. January 2018 (SDN/QJ):-Axmed Yuusuf Dirir Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka ayaa Maanta Waxa uu si rasmi ah xilkii ugala Wareegay Hanti dhawrihii Hore ee Qaranka Siciid Saleebaan Mire. Hanti dhawraha Guud ee Qaranka oo uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Si Xeel dheer uga waramay Siyaabaha loola dagaalami karo Musuq maasuqa oo ah aafo…

Read More

‘’Waxaa Jirta Gaadiid dawladu lahayd oo lala Baxsaday Qaar Waxaanu ku Wareejinay Hay’adihii lahaa,Qaar Booliska ayaa Gacanta Ku hayaa Laakiin Lix Baabuur ayaa Maqan’’ Hanti dhawrihii Guud ee Qaranka DAAWO

Hargaysa 09. January 2018 (SDN/QJ):-Hanti dhawrihii Hore ee Qaranka Siciid Saleebaan Mire oo Maanta xilkii ku Wareejiyey Hanti dhawraha Cusub ee Qaranka ayaa Sheegay in Gaadiid ay leedahay dawladu lala baxsaday Kuwaas oo qaarkood ay dib ugu wareejiyeen hay’adihii dawlada ee lahaa halka ay ciidankuna dhawr gaadhi gacanta ku hayaan Waxaanu intaas ku daray inay Maqan…

Read More

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland oo Sheegay in Somaliland aanay u Dulqaadan Doonin Farogelin lagu Sameeyo Xudduudkeeda DAAWO

Hargaysa 09. January 2018 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa Maanta ka hadlay Dagaalkii ka dhacay deegaanka Tuko raq ee Gobolka Sool Waxaanu eedayn balaadhan Ciidamadda Maamul goboleedka Somaliyeed ee Punt Land . Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Waax uu sheegay in Ciidamadda Qaranka Somaliland iyagoo gudanaya Waajibaadka saaran ay gaadheen Deegaanka Tuko-raq…

Read More

Suldaanka Guud Ee Beesha Awdal Oo Ka Hadlay Dagaalkii TUKARAQ Iyo Gardarrada Soomaaliya DAAWO

Hargaysa 09. January 2018 (SDN/QJ):-Suldaanka guud ee Beelaha Gobolka AWDAL ee Somaliland Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil, ayaa si adag uga hadlay Faro-gelin qaawan oo Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul-gobolleedka Puntland oo is-bahaysanayaa ku hayaan Somaliland. Suldaan Saleebaan wuxuu ka hadlay Dagaal Maanta ka dhacay Magaalada Tukaraq ee Gobolka Sool, halkaasi oo Ciidammada Qaranku ka qabsadeen Ciidamo…

Read More

Baadhitaanka ku socda Madaxweyne Trump oo Marxalad Cusub oo Xasaasi ah galaya!!

Washington 09. January 2018 (SDN/QJ):-Sharciyaqaanada ama Qareenada Madaxweynaha Maraykanka ayaa wadahadal la leh baareyaasha doonaya inay su’aalo waydiiyaan Madaxweynaha, arrintaas oo qayb ka ah baaritaanka ay waddo waaxda Caddaaladda. Saraakiil ka tirsan aqalka cad ayaa Wargeyska Washington Post u sheegay inay macquul tahay in Robert Mueller oo baaritaanka wada uu su’aalo waydiiyo Madaxweynaha maalmaha soo…

Read More

Madaxweynaha Iiraan oo ku Baaqay in La Qaado Xayiraadda Baraha Bulshad!!

Tehran 09. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa sheegay in dhamaan mas’uuliyiinta la dhaleeceyn karo, isago sidoo kale sheegay in dibadbaxayaasha Iran ay ka careysan yihiin arrimo ka badan dhaqaala xumada ay ka cabanayaan. Rouhani ayaa wuxuu ku baaqay in la qaado xayiraadda lagu soo rogay baraha bulshada. Dibadbaxyada oo bilowday muddo ku dhow laba…

Read More

Qaabkii ay Saaka ula wareegeen Ciidamadda Somaliland Kastamka Deegaanka Tuko raq oo Fadhiisin u ahaa Ciidan taabacsan Punt land DAAWO

Tuko-raq 08. January 2018 (SDN/QJ):-Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa Maanta Weerar ku qaaday Deegaanka Tuko-raq ee Gobolka Sool oo ay ku sugnaayeen Ciidamo Taabacsan Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Punt land isla markaana u ahayd Goob Kastan Cashuureed,Waxaana Wakhtigan deegaankaasi ku sugan Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka.

Read More

” Waqti Yar Ayay Nagu Qaadaneysaa In Aan Garoowe Qabsanno” Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo Dowlada Soomaaliya Eedeyn Culus u Jeediyey DAAWO

Hargaysa 08. January 2018 (SDN/QJ):-Hogaamiyaha xisbiga mucaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa si kulul uga hadlay dagaalka haatan kala dhaxeeya Puntland isaga oo ku goodiyay in ay waqti ku qaadaneyn in ay qabsadaan magalaada Garoowe ee maamulka Puntland. Isaga oo waramayay Eeyal TV waxa uu sheegay sid auu hadalka uu u dhigay in dagaalkaas…

Read More

Taliska Ciidamda Puntland oo Cadeeyaay In Awood Kula Wareegen Ciidamada Qaranka Somaliland Deegano ay Hore U Joogeen

Garowe 08. January 2018 (SDN/QJ):-Taliyaha ciidamada Maamulka  Puntland Jen, Jimcaale Jaamac Takar ayaa ka hadlay dagaal dhexmaray Ciidamada Jamuuriyada  Somaliland iyo Kuwa Maamulka Puntland , kaas oo ay Ciidamda Somaliland ku qabsadeen deegaanada Tukaraq iyo Fadhadhyaale oo ay horey u joogeen ciidamada Maamulka Puntland. Taliyaha ayaa sheegay in waxa dhacay ay ahayd dagaal qorsheysan oo ay…

Read More

Ciidamadda Somaliland oo la Wareegay Deegaanka Tuko-raq Isla Markaana Baacsaday Ciidanka Punt land iyo Khasaaraha Dagaal ee ka Dhashay DAAWO

Laascaanood 08. January 2018 (SDN/QJ):-Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa Waxay saaka gaadheen Deegaanka Tuko-raq ee Gobolka Sool Waxaanu Halkaasi Dagaal Saacado Socday uu ku dhex maray Ciidamadda Qaranka Somaliland iyo Kuwa Maamul Goboleedka Punt land. Ciidamadda Qaranka Somaliland ayaa gebi ahaanba la wareegay Deegaankaasi oo ay hore uga arrimin Jireen Maamulka Punt land,Maamulka Gobolka Sool ayaa Sheegay…

Read More

Xukuumadda Somaliland oo Ka Hadashay Dagaal ka Dhacay Deegaanka Tukoraq ee Gobolka Sool oo u Dhexeeya Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Kuwa Maamul Goboleedka Punt Land DAAWO

Hargaysa 08. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta JSL Mudane:Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-Barwaaqo) ayaa maanta si adag uga hadlay xaalada ka jirta xadka u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland ee dalka Somaliya .

Read More