Webmaster

    Cuqaal ka Tirsan Degmada Axmed Dhagax ee Caasimada Hargaysa oo baaq u jeediyay Dhalinyarada Degmadaasi

    Hargaysa 02.Jan.(SDN) Cuqaal iyo Wax ka tirsan bulshada ku  dhaqan degmada Axmed Dhagax ee Caasimada Hargaysa ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargaysa waxay u soo jeediyeen Guud ahaan Shacabku inay dhan uga soo wada jeedaan ilaalinta nabadgalyada isla markaana ay ka feejignaadaan wax kasta oo wax u dhimaya nabadgalyada dalka. Chief Caaqil…

    Read More

      Wasiirka Wershadaha iyo Weftigii uu hogaaminayay oo soo gaadhay Magaalada Boorama,Kadib Markii ay Socon Weyday Waan Waan ay ku joogeen degmada Saylac.

      Hargaysa 02.Jan. (SDN) Weftigii uu hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Wershadaha ee Somaliland Mudane C.risaaq Cali Cismaan oo Maalmihii u danbeeyay booqasho hawleed ku joogaay Degmada Saylac ayaa soo gaadhay Magaalada Boorama . Xubnaha  weftigu soo mareen Deegaamada Caasha Cado,Ceel Gaal,Geerisa iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Salal,halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay iyagoo warbixino…

      Read More

        Madaxweynaha Somaliland oo ku booqday askartii ku dhaawacantay Shilkii baabuur Cisbitaalka iyo Madaxweyne ku xigeenka oo ka qayb galay Aas balaadhan oo loo sameeyay intii ku dhaawacantay Shilkaas

        Hargaysa 02.Jan (SDN) Madaxweynaha Jamhuriyada S/land Mud, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta Cisbitaalka Guud ee Hargeysa ku booqday  Askartii  ka tirsanayd ciidanka Booliska  ee maalintii shalay ku dhaawac-may  shilkii Gaadhi eek a dhacay  Degaanka Hallaye ee   Bariga Magaalada hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu  soo maray Waadhadhka  la dhigay Askartaasi dhaawaca ah ,waxaanuu halkaasi war-bixin kaga…

        Read More

          Aqalka Wakiilada Mareykanka oo ansixiyay nidaam canshuureedka dalkaasi

          Washington Jan 02,2013(SDN)-Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa waxa uu ansixiyay nidaam in dhawaalaba lagu muransanaa oo ku taxaluqa canshuurha ee dalkaasi. Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa qaba in dadka maalqabeenada ahi ay bixiyaan canshuuraha qeybtada kaga soo beegma,halka xisbiga mucaaridka Jamhuuriga ayaa is hotaagay wax canshuur korosi ah oo lagu sameeyo maalqabeenada iyo shirkadaha ganacsiga. Aqalka…

          Read More

            Maanso:jawaabtii heestii cabdi-qaboojiye ee jawaabtii abwaan ilko-jiir

            Waa gabay jawaab u ah fanaanka reeroobay ee lagu magacaabo cabdi qaboojiye ee sida indho la,aanta ah u difaacaya adeerkii siilaanyo Dalkii  wada saqiiryoo Sumcadii halowdoo Gabalkii socdaaliyo Subaxii yimaadaba Goboladan sokeeyiyo Saaxil iyo ber bera iyo Salal iyo hargeisiyo Kolay tahay sanaag bari Ama sool agteedii Sas baa laga dareemoo Siigaa   asqaysoo Sawaxan baa…

            Read More

              Hambalyo:Arooska Qaringa ee Boqorka iyo Boqoradda Xuseen Xasan Ismaaciil Qarayare & Istaahil Warsame Mire

              Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir, Xaaji C/kariim Xuseen Yousuf (Cabdi Waraabe) , Suldan Cawil Maxamed Fiiqle,Gudomiyaha Xisbiga UCID Eng.Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe) , Maayer Xigeen Caasimadda C/Casiis Maxamed Xaashi,Ex Mministry of Planing Dr Cali Ibraahim Maxamed,W/Xigeenka Warfaafinta C/laahi Maxamed Daahir(Cukuse),Gudoomiyaha Solja Xasan Maxamed Yousuf ,Taliyaha Laanta Socdaalka Gabilay C/rashiid x.Axmed Xasan ,Saxafi C/raxiim Ismaaciil…

              Read More

                Baraamij ka baxay Sanadka Cusub Tv Qaranka Somaliland oo muran ka dhaliyey Jaliyada Somaliland ee Uk Markii Wariye Bushaare Bandeey Suaalo Maryan Mursal Waydisay ku Sabsan Somaliya

                London  January 2, 2013 Bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan Uk ayaa wax laga yaabo ku tilmamay baraamij ka baxay tvga qaranka somaliland oo faniinta reer london isagu yimadeen oo lagu maamusayey sanadka cusub ayaa waxa baramijka dadihinasay Wariye Bushaare Bandeeyoo ka tirsan  wariyasha ka hawlgalaga tvga Qaranja ayaa wax laga yaabo ku tilmamay inn…

                Read More

                  Hargeysa: Wasiirka Daakhiliga iyo Taliyaha Booliska oo faahfaahiyay Shil Baabuur oo Murugo ku beeray Ciidanka iyo Xukuumadda, Akhri xaddiga khasaaraha

                  Hargeysa Jan. 01, 2012 (SDN)- Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Cabdullaahi Fadal Iimaan, ayaa faahfaahin ka bixiyay shil baabuur oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay duleedka dhinaca Bariga ee caasimadda Hargeysa oo sababay dhimashada askar ka tirsanaa ciidanka iyo dhawr qof oo shacab ah. Taliyaha oo galabta warbaahinta kula hadlay cusbatalka Hargeysa, waxa uu sheegay…

                  Read More

                    Kala-baydh: Gaadiid ay leedahay Shirkadda 571 oo Jaadkii saarnaa ku dul-gubtay iyo wararkii u dambeeyay ee muranka Cashuur-kordhin ay Xukuumadda Somaliland soo rogtay

                    Hargeysa 01, January 2013, (SDN)- Gaadiid ay leedahay shirkadda ugu wayn shirkaddaha Jaadka soo geliya Somaliland, Puntland iyo Koonfurta Somalia ee la yidhaahdo Alla-aamin 571, ayaa galabta daadiyay Jaadkii saarnaa oo ku dul-gubtay, ka dib markii ay ilaa xalay ku xanibnaayeen Kastamka tuulada Kala-baydh oo u dhexaysa Wajaale iyo magaalada Gabiley. Siday ilo xogogaal ahi…

                    Read More

                      Raysal Wasare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibada Somaliya iyo Wasiirka Arimaha Dibada ee Somaliland oo wada hadal uga bilaab Mayo London

                      London January 1, 2013 (SDN) Warar xogagala oo ay heshay shabakada qurbejoog.com ayaa waxa la filayaa maalinta sabtida ay kulmaan Raysal wasare ku xigeenka Dawlada Fedralka Somaliya Marwo Foosiya Xaji Adan iyo Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Omaar waxa la filaya inuu kulankani ka dhaco xarunta wasaarada arimaha dibada ee wadankan Britain shirkan ayaa waxa…

                      Read More

                        Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac oo Mar kale doortay Maayarkii iyo Maayar Xigeenkii ay hore u doorteen+Xildhibaanada Beesha Ciise oo fadhiga ka soo xaadirin

                          Hargaysa 01,Jan.(SDN) Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac ayaa maanta  fadhi ay yeeshaan ku doortay  maayarka  cusub iyo maayerku xigeenka  degmadaas. kullankan  oo uu Goob joog ka ahaa Gudoomiyaha gobolka Salaal  Nuur  Cismaan  Guuleed ayaa waxaa ka soo xaadiray  Toban xildhiiban oo ka mid ah  Todoba iyo Tobaanka xildhibaan  ee golaha cusub ee degmadu…

                        Read More

                          Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo dhambaal hambalyada Sannadka Cusub Caawa u Diray Shacabka Somaliland

                            Hargaysa 31.Dec.(SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu hambalyo ku saabsan munaasibada dhalashada sannadka cusub ee 2013-ka u dirayaa dhamaanba shacbi weynaha reer Somaliland, munaasibada bilowga sannadka cusub awgeed oo ka mida munaasibadaha fasaxa qaran. Madaxweynuhu waxa  uu hambalyo u dirayaa ayaa Qoraalkan oo uu Soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Axmed…

                          Read More

                            Hambalyo Aroos oo ku socota boqorka C/raxmaan Cabdillaahi Sheekh Yoonis iyo boqorada Sahra Ibrahim Maxamuud Caraale

                            Aabo Ibrahim Maxamuud Caraale, hooyo Kinsi Cumar Cabdi, Aamina Ibrahim Maxamuud Caraale, Xamda Ibrahim Maxamuud Caraale iyo saygeeda Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo caruurtooda; Hanad, Filsan, iyo Liibaan; Xamse Ibrahim Maxamuud Caraale, Sabaax Ibrahim Maxamuud Caraale, Hibo Ibraahim Maxamuud Caraale, Yoonis Ibrahim Maxamuud Caraale; iyo dhamaan qoysaska reer Caraale iyo reer Maxamed Diiriye waxay tahniyad…

                            Read More

                              Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Dhaqangaliyay Miisaaniyada Qaranka ee 2013

                              Hargaysa 31.Dec (SDN) War-saxaafadeed Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Dr. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu maanta xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1492/122012 ku dhaqan-geliyey miisaaniyad qaranka ee sannadeedka 2013-ka. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay:  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;   Markuu Arkay:  Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;   Markuu Arkay:              Go’aanka Golaha Wakiilada, Go’aan Lr. GW/G/KF-20/584/2012…

                              Read More