BOQORKII BULOODAY! – W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin
Sida sheekooyinkeena dhaqanku tilmaamaan, habardugaagag boqorkooda waa libaaxa. Libaaxa waxa loo boqray wuxu leeyahay tilmaamu u gaar ah oo uu kaga mudnaaday habar dugaaga intiisa kale, sida awood, geesinmo, garasho, iyo dulqaad. Waa tilmaamaha hogaanka wanaagsan ee aan dad iyo duunyadu ku kala baydhin. In kasta oo uu awood badan leeyahay, boqorka habardugaagu waa noole….
