Webmaster

Jamaal Cali Xuseen Ma Kulmiye ayuu ku Biirayaa Mise Waddani ayuu ku Socdaa?

Hargaysa 27.November 2016 (SDN/QJ):-Wada hadaladii ay Jamaal Cali Xuseen iyo kooxdiisu la bilaabeen xisbiyada KULMIYE iyo Waddani, ayaa ku dhow gunaanad, ka dib afar maalmood oo ay laba maalmoodba xisbi gaar ah la kulmayeen. Si rasmi ah looma garanayo xisbiga ay isugu biyo shuban doonaan midka uu noqon doono, laakiin dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan…

Read More

”Aniga Turkiga Iskuma Wanaagsanin,Marnaba Isku si ulama Dhaqmo dhexna uma aha Somaliland iyo Somalia” Cali Warancade

Hargaysa 27.November 2016 (SDN/QJ):-Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade, ayaa dawladda Turkiga ku tilmaamay mid aan marna dhexdhexaad ka ahayn wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay in xukuumadu ka fiirsan doonto wada hadaladii uu dhexdhexaadiyaha ka ahaa. Wasiirkii hore ee Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Warancadde oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah…

Read More

Xogo Laga Helay Sababta Uu Wasiir Cali Mareexaan Wakhtigan Ugu Soo Beegay Inuu Warbaahinta Ka Sheego Lacag Dayn Ah Oo Uu Kala Wareegay Ex-Wasiir Xirsi

Hargaysa 26.November 2016 (SDN/QJ):-Kadib muusenawgii Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryayntu Cali Mareexaan kula Kufay Doraad Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilanayo oo ay wafti kuwada socdaan Gobolka Sanaag,Waxa isasoo taraya warar hoose oo shaaca ka qaaday in Wasiir Cali Mareexaan mudooyinkii u dambeeyay ku jiray Xaalad adag oo siyaasadeed oo dhawr jiho ka soo…

Read More

Jiido badan oo ka Tirsan Degmada Sallaxley oo ay Galabta ka da’een Raxmaadka Eebbe oo Dad & Duunyaba lagu diirsaday

Hargaysa 26.November 2016 (SDN/QJ):- Roobab lagu diirsaday ayaa ka da’ay deegaano ka tirsan degmada Sallaxley. Sida; Balli-ciise, Dogob-cadka, Baha dhamal, Kaam-tuug, Ina-Guuxaa iyo gudaha magaalada Sallaxley. Dadka deegaanka oo aan qaar kamid ah la hadlay ayaa waxa ay ii sheegeen in sidoo kale Raxmaadka Eebbe ay ka da’een deegaanada Bisad iyo Kaam-Abokor oo ka tirsan…

Read More

Somaliland oo Gacanta ku Dhigtay Askar ka Tirsan Liyuu Booliiska iyo Xog Waranka Talliye Fooxle DAAWO

Hargaysa 26.November 2016 (SDN/QJ):- Ciidanka Booliska Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigeen 7-askari oo ka tirsan ciidanka Liyuu Boolis ee DDSI iyo gaadhi qori saarnaa, kuwaasi oo kusoo xad-gudbay xuduudka Somaliland ee dhinaca degmada Faro-wayne – sida uu warbaahinta u sheegay Taliye-xigeenka ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle. Taliye Fooxle waxa uu sheegay in…

Read More

“Haddaan Siyaasi ahay, Been, Carrab-jalaq, Musuqmaasuq & Khiyaamo-ba Waad igu Arki lahayd..” Maayerka Berbera

Berbera 26. November 2016 (SDN/QJ):- Maayerka magaalada Berbera ahna Guddoomiyaha Golaha deegaanka ee degmadaas Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin), ayaa dhaartii la mariyey markii uu xilka qabtay ka dib mar kale meel fagaare ah kaga dhaartay inaanay jirin wax hanti ah oo uu ummadda ka lunsaday inta uu xilka hayey, isla markaana aanay jirin wax musuq…

Read More

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Maxaabiis isku Deldelay Xabsiga Magaalada Berbera DAAWO

Hargaysa 26.November 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Maxamed Faarax Cadarre oo qaar ka tirsan Saxaafaddu su’aalo ka weydiiyeen Maxaabiistaas, sababta ay isu daldaleen iyo sida ay daryeel u helaan Maxaabiista Xabsiyada Somaliland, ayaa sheegay in Maxbuuska is-del-delay ee geeriyooday uu marka horeba xanuunsanayey, isla markaana meel gaar ah kaga xidhnaa Maxaabiista kale ee Xabsiga…

Read More

Qarax lagu Hoobtay oo Muqdisho Gilgilay, Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Badbaaday iyo Khasaaraha ka dhashay

Muqdisho 26.November 2016 (SDN/QJ):- Ugu Yaraan inta la xaqiijiyey 17 Ruux ayaa ku dhintay, Soddomeeyo kalena way ku dhaawacmeen Qarax wayn oo Sabtidii Maanta gilgilay magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegay inuu ka badbaaday Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Daqiiqado ka hor maray meesha uu Qaraxaasi ka dhacay. Qaraxa oo lagu fuliyey Gaadhi Surff…

Read More

Shirkii wasiirada macdanta maalgashiga iyo khayraadka dabiiciga ah ee CARABTA oo uu ka qayb galay Emsadoor Axmed Safiina Wakiilka Jamacada Carabta iyo Islaamka ee xisbiga wadani

Jedah 26Nov16(Q/J) Shir mudo uga socday wadamada Jamacada Carabta Wasiirada Macdanta iyo Maalgashiga ayaa lagu soo gabagabeyey wadanka Sacuudi Arabia Shirkan oo markii u horaysay ay ka qayb gasho wafdi somaliland oo si heer sare loo soo dhaweyey Emasadoor Axmed Safina oo ah Wakiilka Xisbiga Wadani ee Wadamada Carabta iyo Islaamka oo shirkan ka qayb…

Read More

Warbixin Kooban: Taariikh Nololeedka Madaxwaynihii hore ee Cuba Fidel Castro

Hargaysa 26.November 2016 (SDN/QJ):- Fidel Castro iyo dalkiisu wuxuu go’doon caalamka ka ahaa dhowr iyo Afartan sano. Wuxuu ka mid ahaa odoyaashii hor boodi jiray mabda’ii Shuuciyadda ee (Howl iyo Hanti-wadaaga) wuxuuna cadaw la ahaa dal waynaha Maraykanka oo isna hogaaminayay mabda’ii Hantigoosadka.   Wuxuu aad u soo caan baxay markii uu ka adkaaday jabhad…

Read More

“Caalamku Ma Barraarugo Illaa Xaaladdu Xumaato, Laakiin Waxaynu U Baahan Nahay Nidaam Aynu Kaga War Hayno Xoolaha, Daaqa Iyo Deegaanka..”

London 24 Nov 2016 (SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Dr Sacad Cali Shire, ayaa isagoo ku sugan magaalada London wax laga weydiiyey Abaarta muddada gaaban ee 15-ka bilood ah ku soo noqotay dalka iyo qorshe la’aanta Xukuumadda, Wasiirka oo ka jawaabaya ayaa waxa uu yidhi “Runtii inay Dayrtii baaqatay, Guga roobkiisiina uu teelteel ahaa, sanadkii horrena…

Read More

Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In La Isla Gartay In Doorkan Madaxweyne Loo Doorto Qofkii Somaliland Wax U Qaban Lahaa

Hargaysa  24. November 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Doorkani yahay kii isaga loo dooran lahaa Madaxweynaha Somaliland, maaddaama buu yidhi Daahir Rayaale iyo Siilaanyo-ba oo uu la soo tartamay Madaxweyne ka noqdeen Somaliland. Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay inuu xaq u…

Read More

Madaxweyne Silaanyo oo Kormeeray Waddada Ceeriaabo, Sallaad Roob-doon ahna La Tukaday Dadweynaha Magaalada Ceerigaabo

Ceerigaabo 24. November 2016 (SDN/QJ):-Weftigii Madaxweynuhu hoggaaminayey ee ku guda Jiray Safarkoodii Tabantaabo oo Maalintii lixaad madaxa la galay maanta oo Khamiis ah, xalayna u hoyday degmada Ceel Afweyn, ayaa subaxnimadii hore ee saaka u amba baxay dhinaca ceerigaabo, waxaanay sii kormeeren weftiga madaxweynuhu waddada ceerigaabo iyo burco isku xidha oo shaqo badan laga qabtay…

Read More

Wasaarada Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha oo Beenisay inay isku faro saareen Kharashkii Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland

Hargaysa  24. November 2016 (SDN/QJ):-Shir jaraa`id oo ay wada jir u qabteen Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Mudane, Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Xog ururinta ee Wasaaradaasi Mr. Cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa waxay kaga hadleen warar ay qoreen maalmahan saxaafada dalka qaarkood oo ay ku sheegeen inuu jiro khilaaf…

Read More

Garabka Axmed Muumin Seed Oo Bilaabay Inay Taageerayaashooda Ku Wacyi-geliyaan Inay Xilliga Doorashada Ka Codeeyaan Xisbiga WADDANI

Borama, 24 Noofambar, 2016-(SDN/QJ) – Garabka Axmed Muumin Seed ee Xisbiga WADDANI, ayaa bilaabay Ololeyaal ay Taageerayaashooda Xisbigaa ku wacyi-gelinayaan inay ka codeeyaan Xisbiga WADDANI marka la gaadho Doorashada Madaxtooyada ee loo qorsheeyay inay dhacdo Bisha Saddexaad ee Sannadka dambe. Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Xisbiga WADDANI oo ka mid ah garabka Axmed Muumin Seed Mr….

Read More

Taariikhda Faneed Ee Abwaan Maxamed Jaamac Kayd Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

Hargaysa 24. November 2016 (SDN/QJ):- Ilaahay ha u naxariistee waxaa Shalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaan, macalin, Mu’aluf, Maxamed Jaamac Kayd oo ka mid ahaa Abwaannada Soomaalida ee Caanka ah, kaasi oo muddooyinkii dambe Bukaan socod ahaa, ka markii uu ku dhacay Xanuunka Faaliggu. Abwaan Kayd wuxuu ahaa Macallin Arday badan wax baray, waxaanu macalinimada…

Read More

Wasiir Dawladda Muqdisho Ka Tirsan Oo Sheegay In Somaliland Iyo Soomaaliya Aanay Wada-hadalladu Ka Dhab Ahayn

Muqdisho  23. November 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ku eedeeyey in dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya in aanay dhab ka ahayn wada hadalada u dhexeeyaa, islamarkaana aanay waxba ka ogeyn wada hadaladaasi Gollayaasha iyo hay’adaha kala duwan ee dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya. Wasiir Maareeye ayaa arrintan waxa uu kaga hadlay Wareysi…

Read More