Webmaster

Qabanqaabada Soo Dhaweynta Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Waddani Amb.Maxamed Cali Aw-cabdi Oo Si Weyn Looga Dareemayo Magaalada Borama

Boorama 01. November 2016 (SDN/QJ):- Waxa Magaalada Borama Ee Xarunta G.Awdal Si Weyn Loga Dareemayaa Dhaqdhaqaaqa Soo dhaweynta Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Waddani Amb.Maxamed Cali Aw-cabdi Iyada Oo qabanqabada Soo dhaweyntaasi ay wakhtigan tahay ta ugu hadal haynta badan Borama. Wafti Uu Hogaaminayo Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee…

Read More

Maxaa Ka Jira In Ciidammada Laanta Socdaalka Mushaharkooda Laga Jaro Lacago Lagu Bixiyo Deyn Uu Galey Taliyihii Hore?

Hargaysa 01. November 2016 (SDN/QJ):- Ciidamadda Laanta Socdaalka Somaliland ayaa la sheegayaa in Mushaharooyinkooda laga Jaro lacago lagu Bixiyo deyn la sheegay inuu galey Taliyihii hore ee ciidamadaasi Korneyl Maxamed Cambaro. Qaar ka mida saraakiisha laanta Socdaalka oo magacyadooda ka gaabsaday arrimo la xidhiidha amniga shaqadooda ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in mushaharkooda laga jaro…

Read More

Xisbiga Waddani oo Olole Taageero Ka Wada Deegaano Badan oo Ka Tirsan Gobolka Togdheer DAAWO

Hargaysa 01. November 2016 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Magaalooyin door ah oo ka tirsan Gobolka Togdheer Waxay ka sameeyeen Dhoola Tusyo Siyaasadeed Kuwaas oo la Rumaysan Yahay inuu dabada ka riixayo Hogaamiyaha Cusub ee Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan. Waxaanu Xisbigani xafiisyo ka furtay Degaanada Shanshacadde, Balicalanle, Gaatama, Gaadlayaal oo dhammaantood…

Read More

Magaalo Xeebeedka Berbera Iyo Booliiska oo Toogtey Nin Dirawal ah

Berbera 01. November 2016 (SDN/QJ):- Wararka ka imanaya gobolka Saaxil ayaa sheegaya in ciidamadda  ka hawl-gala kaantaroolka  dhinaca  Berbera uga soo baxa  degmadda Sheekh  ay toogteen nin baabuur watay. Wararku waxaa ay sheegayaan in ninkaasi la Toogtay Xalley kadib markii ciidamada Kaantaroolku ay xabad ku fureen. Waxaa la sheegayaa in Gaadhigaasi ay saarnayeen Dadkale oo…

Read More

Maxaa Kasoo Baxay Kulamadii Imaaraadka Ku Dhex Maray Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya?

Muqdisho 01. November 2016 (SDN/QJ):- Wararka ka soo baxaya dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in uu soo gabo gaboobay kulamo si hoose dalkaasi ugu yeesheen Madax katirsan Dowlada Imaaradaka Carabta iyo Madaxda Maamul goboleedayda dalka Soomaaliya ka jira. Kulamada ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta oo ahaa kuwa albaabada ay u xirnaayeen ayaa la sheegay in…

Read More

Gabadh Laga Soo Furtay Budhcad-badeed Somaaliyeed oo Laba Sano Afduub ay Ku Haysteen oo Ka Warrantay Siday ula Dhaqmi Jireen

Cadaado 01. November 2016 (SDN/QJ):- Masuuliyiinta Maamul-gobolleedka Soommaaliyeed ee Galmudug, ayaa shalay Warbaahinta ugu soo bandhigtay dagmada Cadaado ee xarunta Maamulkaas, Gabadh Ajaanib ah oo Ciidammo ka tirsan kuwa Galmudug ku soo furteen howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.   Haweeneydaas ayaa muddo labo sano ah u afduubneyd Koox Budhcadbadeed ah oo…

Read More

Xaalad Abaareed oo Ka Taagan Deegaanada Somaliland Iyo Madaxweynaha Siilaanyo Oo Ku Baaqay Salaad Roob-doon Ah

Hargaysa 01.Novembar 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa guud ahaan Dadweynaha reer Somaliland ugu baaqay in Arbacada Toddobaadkan la iskugu soo baxo Salaad Roob-doon ah, maaddaama oo meelo badan oo Dalka ka mid ah ay ka jirto Abaar. Sidaana waxa sheegtay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL oo Qoraal Ogeysiis ah Dadweynaha…

Read More

Dawladda Jabuuti oo ka digtay Halis ay Al-Shabaab ku waxyeellaynayso doorashooyinka Soomaaliya

Jabuuti 01. November 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa ka dig halis ay sheegtay inay Kooxda Al-Shabaab la maaggan tahay inay ku waxyeellayso doorashooyinka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Wasiirka Wasaarrada arrimaha dibedda Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf ayaa muujiyay werwer dawlad ahaan ka qabaan in Al-shabaab meelaha qaar caqabad ku noqdaan hanaanka…

Read More

Xisbiga Dimuquraadiga ah ee Maraykanka oo Dhagar Siyaasadeed Ku Sifeeyay Baadhista FBI ku hayso Emailadii Hillary Clinton Xili la isu diyaarinayo Doorashada Madaxweyne

Washington 01. November 2016 (SDN/QJ):- Xisbiga Dimoqraadiga dalka Mareykanka ayaa ku tilmaamay go,aanka Hey’ada Mukhaabaraadka Gudaha Mareykanka ee FBI-da ay dib ugu baadhayso email-ada Hillary Clinton mid siyaasadeysan. Hogaamiyaha Kooxda laga tirada badanyahay ee Golaha Sanetka Mareykanka Harry Reid ayaa sheegay in agaasimaha Hey’ada FBI-da James Comey jagada uu hayo u adeegsanayo inuu saameyn ku…

Read More

‘’Dalkan yar ee Somaliland uma baahna tolaay reer hebelow kursiga I saara, iyo in ummada lagu abaabulo is-xulifaysiyo beeleysan’’ Siyaasi C.kariin Axmed Mooge

Hargaysa 01.Novembar 2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii Ku Xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Cabdikarin Axmed Mooge ayaa u soo Jeediyey Murashixiinta iyo Hogaanka Sadexda Xisbi ee Somaliland inay ka fogaadaan in Sifo qabiilnimo ay Bulshada kaga raaridaan Mabaa’diida ay Xambaarsan Yihiin,Isagoo Xusay in Hadii Dariiqaas Beelaysan ay raacaan Madaxda Xisbiyadu inay dhaxalsiinayso Mujtamaca Somaliland Kala Furfurnaan…

Read More

Dawlada Itoobiya oo Sii Daysay Maxaabiis loo Xidhxidhay Banaanbaxyada Dalkaasi Ka Dhacay

Addis Ababa 01.Novembar 2016 (SDN/QJ):- Ciidamada ammaanka Itoobiya ayaa xabsiga ka sii deysay illaa 2,000 oo Qof, kuwaasoo la xidhay inta lagu guda jiray markii dawladda dalkaasi dhawaaqday xukunka deg deg ah, iyadoo dadkan lagu soo eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen rabshadaha ka socday qeybo ka mid ah dalka. Wasiirka Difaaca Itoobiya Siraj Fegessa ayaa…

Read More

Xulka Xaysimo Oo Ka Dul-talaabsadday Dhiggiisa Sanaag Iyo Kulamadda Berri Ee Awdal Iyo Saaxil

Hargaysa 31.October 2016 (SDN/QJ) :-Kulamada wareega labaad ee sideed dhamaadka ciyaaraha gobolada Somaliland ayaa maanta ka bilawday  garoonka Hargaysa Stadium waxaana kulan adag isaga hor yimi xulalka gobollada Sanaag iyo Xaysimo oo ka wada tirsan Group A waxayna labada xul gobol kulankan ciyaarayeen iyaga oo soo guuldaraystay kulamadii wareegii hore.   Xulka gobolka Xaysimo ayaa…

Read More

Komiishanka Doorashooyinka oo Sheegay in Doorashadu Xiligeedu Ku Dhacayso,Dhaqaalihii Lagu Fulin lahaa oo Gebi dheer ka Laalaada & Su’aalo Jawaabtoodu adkaatay DAAWO

Hargaysa 31.October 2016 (SDN/QJ):- Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Sheegay in aanay Jirin Wax iska bedelay Xiligii loo asteeyay Qabsoomida Doorashada Madaxtooyada,Waxaa kale oo ay Iftiimiyeen Dhaqaalaha ku baxaya Hawsha Kaadh qaybinta, Daabacaada Warqadaha Codbixinta iyo Sida ay u dhacayso Doorashadu. Komiishanka Doorashooyinka ayaa dhinaca Kale Mugdi geliyey Dhaqaalihii Doorashada ku bixi lahaa inta ay ka…

Read More

‘’Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Wuxuu Ku Fashilmay Talaabadiisii Kowaad ee uu Ku Soo Saarayay Murashixiinta Jagooyinka Madaxtinimo’’ Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland DAAWO

Hargaysa 31.October 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ahna Ku Simaha Madaxweynaha Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici Iyo Mas’uuliyiin Kale ayaa ka qayb galay Xaflad Magaalada Gebilay loogu sameeyay Maayaradii Hore ee Magaalada Gebilay iyo Xildhibaanadii Hore ee Golihii Deegaanka Gebilay oo Ku Biiray Xisbiga Kulmiye.

Read More