Webmaster

” Inan Yar Oo Qaad Cunaya Noqon Maayo Murashaxa UCID Run Baan idiin Sheegayaa,Aniga Iyo Muuse Biixina Xaq uma laha inuu Meel kasta naga Caayo” Faysal Cali Waraabe DAAWO

Hargaysa 02. October 2016 (SDN/QJ):- Waa Hordhaca Wareysi Kulul Oo Faysal Kaga jawaabayo, Wiilkiisi Uu ku waayay siyaasada Ee DAACISH Iska dhiibay, Sida ay Qoyskiisii u Kala Fogaadeen,Murashax inuu yahay ,Dhawaaq-yadii uu hore Jamaal ugu amaanay iyo Siro kale oo la Xidhiidha khilaafka Xisbiga UCID.

Read More

Madaxweyne Ku Xigeenka Maamullka Khaatumo oo Si Cad Uga Hor Yimid Wada Hadalada u Socda Khaatumo Iyo Somaliland DAAWO

Buuhoodle 02, October, 2016-(SDN/QJ):-Madaxweyne Ku Xigeenka Maamullka Khaatumo Cabdale Maxamuud Haybe (Cagalule) Ayaa Sheegay Inaanay Wax Wada Hadal Ah Oo Ay Somaliland La Galayaan Aanu Jirin. Madaxwayne Ku Xigeenka Ayaa Bulshada Usoo Jeediyey Inay Taageeraan, Midayn Iyo Xorayn, Wuxuuna Sheegay Inaan Marnaba Rajo Laga Dhigan Doonin Somaliland Ayaan La Hadli Doonaa, Wuxuuna Madaxwaynaha Khaatumo Ku…

Read More

Shirweynihii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Waddani Oo Kaabiga Ina Soo Saaray Iyo Muran Kasoo Kordhay Goobta Lagu Qabanayo Oo Xisbiga Laba U Kala Jabiyey

Hargaysa 02. October  2016 (SDN/QJ):- Waxa kaabiga ina soo saaray xilligii rasmiga ahaa ee loo muddeeyey in la qabto shirweynaha  golaha dhexe ee xisbiga WADDAN, kaas oo lagu soo xuli doono murrashixiinta xisbigaas uga qaybgeli doona doorashooyinka madaxtooyada ee qorshaysan 28-ka bisha saddexaad ee sanadka soo socda ee 2017-ka.   Shirweynaha xisbiga, ayaa loo qorsheeyey…

Read More

Qoraa Iyo Abwaan Mudo Ku Siman 45 Maalmood u Xidhan Aragtidiisa oo uu Cabiray iyo Qaabka ay Maxkamadayntiisu u Socoto DAAWO

Hargaysa 02.October 2016 (SDN/QJ):- Siyaasiyiin,Suxufiyiin iyo Marti Sharaf kale ayaa ka qayb qaatay Dhagaysiga Dacwad uu u Xidhan yahay Qoraa,Abwaan iyo Macallin Iskuul Siciid Maxamud Gahayr,Waxaana dacwadiisa dhibane ka aha Sida Xeer ilaalintu Sheegtay Qaranka Somaliland iyadoo markii 3aad la hor keenay Maxkamada Gobolka Hargaysa. Musharax Jamaal Cali Xuseen ayaa Warbaahinta la hadlay kadib markii…

Read More

Heshiis Qarsoodi ah  oo Somaliland Ka Dhan ah oo Dawlada Federaalku La Gashay Isu Taga Imaaraadka Carabta & Caqabadaha Somalia kaga Iman kara Heshiis Mugdi ku Jira

Dubai 02.October 2016 (SDN/QJ):- Berbera , waxa ay dhacdaa meel u dhow gacanka Cadmeed oo ah marinka “ Baab Al Mandab” oo ah goob laga go’doomin karo dekadaha iyo Maraakiibta wadamada Djibouti , Yemen, Saudi Arabia, Masar , Saldannada Cumaan iyo Bahrain.   Berbera waxaa oo ay gacanta ku hayso Somaliland oo Somalia ka go’day…

Read More

“Xaq Baan Uu Leeyahay, Ciddaan Jeebkayga Wax Ka Siinayo” Duqa caasimada Hargeysa, DAAWO

Hargaysa 02. October 2016 (SDN/QJ):- Maayarka Caasimada Hargaysa C.raxmaan Maxamud Caydiid Solteco ayaa Sheegay inuu Xaq u leeyahay Cida uu Jeebkiisa Wax ka siinayo Waxaanu daba Socday Siyaasiyiin ku dhaliilay Lacag buuran oo uu ugu deeqay Gudoomiyaha ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye. https://www.youtube.com/watch?v=Iun-CHDPaRI

Read More

Xubno Cali Khaliif Hogaaminaayo Oo Maanta Dubai Ku Wajahan Iyo Bilowga Wada-hadal U Dhaxeeya Xukuumada Iyo Khaatumo

Dubai 02. October 2016 (SDN/QJ):- Xubno uu hogaaminaayo Cali Khaliif isla markaana ah xubnaha kooxda khaatumo u matalaya wada-hadalka xukuumada Somaliland ay la galayaan ayaa lagu wadaa in maanta ay gaadhaan Dubai oo uu ku sugan yahay waftigii Madaxweynaha Somaliland. Wada-hadal u dhaxeeya Xukuumada Somaliland iyo kooxda Khaatumo oo ay kala hogaaminayaan Madaxweyne Siilaanyo iyo…

Read More

Madaarka Berbera, Haamaha Shidaalka Iyo Warshadda Sibidhka Oo Noqday Qaybta Ugu Dambaysa Mashaariicda Xukuumadda Siilaanyo Rabto Inay Ku Faasaxdo Imaaraadka

Hargaysa 02. October  2016 (SDN/QJ):- Iyada oo maalmihii ugu dambeeyey waftigii Madaxweyne Siilaanyo ee ku sugnaa waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu kulammo gaar gaar ah la lahaa masuuliyiin xukuumadeed, madax ka tirsan shirkadda DP-World ee dhawaan xukuumaddu heshiiska rasmi ah la saxeexatay iyo ganacsato kale ayaa la sheegay in lagu soo qaaday mashaariic dhawr ah oo…

Read More

Musdambeedka Musharraxa Kulmiye Oo Kulan Codsi Taageero Ah La Yeeshay Xildhibaano Iyo Siyaasiyiin Kasoo Jeeda Degmada Axmed Dhagax & Shuruuda ay Hor dhigeen

Hargaysa 02. October  2016 (SDN/QJ):- Warar hoose oo wargeyska Foore soo gaadhay ayaa shaaca ka qaaday in Khamiistii aynu soo dhaafnay ay guri kuyaala Magaaladda Hargeys kulan Qado ah kuyeesheen koox Musdabeed siyaasadeed u ah Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Xaafadda Axmed Dhagax,kuwaasi oo la…

Read More

Hargaysa:Askar Katirsan Waaxda Dab-Demiska Oo Muddo Dheer Jeelka Ka Caweynaysa Iyo Qaar Kale Oo Shaqadii Laga Caydhiyey

Hargaysa 02. October  2016 (SDN/QJ):- Ugu yaraan saddex askari oo katirsan ciidamada dab-demiska Somaliland, ayaa xabsiga la dhigay, waxana shaqadii ay hayeen laga caydhiyey saddex kale, kuwaas oo xadhigooda iyo caydhintooda ay warar kala duwani kasoo baxayaan.   Sida ay sheegayaan wararka soo gaadhaya wargeyska Hubaal ee ku saabsan ciidamadan katirsan dab-demiska Somaliland, waxa uu…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo Oo Saxeexay Heshiis Ay Dawladda Imaaraadku Saldhig Ciidan Kaga Dhisanayso Magaalada Berbera, Buqcadda Saldhiga Noqon Doonta Oo La Qorsheeyey Iyo Ganacsade Caan Ah Oo Qayb Dhulkiisa Ah Lacago Loogu Beddelo Doono

Dubai 02. October 2016 (SDN/QJ):- Warar cusub oo ku saabsan waftigii uu hoggaaminayey madaxweyne Siilaanyo eek u sugnaa dalka Imaaraadka carabta, ayaa soo baxaya, kuwaas oo ku saabsan saxeexyo xaasaasi ah oo ay waftigu qalinka duugeen. Xogaha ku saabsan dhaqdhaqaaqyada waftigan ee soo gaadhaya wargeyska Hubaal, ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo waftigiisu la kulmeen saraakiil…

Read More

Tababarayaal Kubada Cagta ah oo Eedaymo Culus u jeediyay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Cayaaraha Somaliland DAAWO

Hargaysa 02.October 2016 (SDN/QJ):- Xubno ka mid ah Tababarayaasha Kubada Cagta ayaa dhaliil xoogan u soo Jeediyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyaradda,Ciyaaraha iyo Dalxiiska Waxay tababaraayaashani sidoo kale Saluugeen Qabashada Wareegii u danbeeyay ee Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland oo Wasaarada Ciyaaruhu Iclaamisay inay qabanayso dhamaadka Bishan October ee aynu ku guda Jirno https://www.youtube.com/watch?v=LoOJmNoIOTk

Read More

Shacabka Somaliland oo Baafinaya Meel uu Hanti Dhawrkii Qaranku Jaan iyo Cidhib dhigay

Hargaysa 02. October  2016 (SDN/QJ):- Shacabka Somaliland ayaa baafinaya hanti dhawrkii guud ee qaranka Maxamuud Aw Cabdi (dheere) oo tan iyo intii la magacaabay aan lahayn isaga oo ka shaqaynaya adeegyadii loo diray ee uu shacabka u hayey. Mudane Maxamuud Dheere ayaa ku mashquulsan tamashlaynta Berbera iyo daawashada saraha dhaadheer ee Hargeysa sidoo kale waxa…

Read More

Mas Cideedka Wasaarada Duulista Oo Su,Aalo Mixnadaysan Ku Boobay Masuul Ka Tirsan Xukuumada Somaliland

Hargaysa 02. October  2016 (SDN/QJ):- Mascideed lagu soo Barbariyay wasaarada duulista Somaliland ayaa xilligan shaqadii qaranka ka Hayay kaga mashquulay Aflagdaaynta, Hagardaamaynta iyo Xajiimaynta Horumarka xukuuumada Somaliland, xilli ukamid Yahay dawlada Afhayeenka Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland Ismaaciil Cali Axmed waa masuulka wasaarada duulista Hawada uu qaabilsan dhinaca xidhiidhka Saxaafada iyo dadweynaha, waxaa si Nidaamka, …

Read More