Webmaster

Qarammada Midoobay oo Shaacisay in Caddaaladda la Horkeeni Doono Shaqsiyaad Dawladda Soomaaliya ka Tirsan

Nairobi 06.Sep 2016 (SDN/QJ):- Wakiilka Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Michele Kitin, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday in caddaaladda la horgeyn doono masuuliyiin ka tirsan maamulka taagta daran ee Muqdisho oo loo haysto xadgudubyo ay u geysteen warbaahinta maxalliga ah. Ambassador Michele Kiting oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho shalay, ayaa tafaasiil ka…

Read More

Duul Culimo Qastay: Wadaado Dadka Khalkhal Galiyey Markii ay Jihada Loo Tukado ku sheegeen mid Khalad ah iyo Dadkii oo laba Meelood u kala Tukaday!!

Gaalkacayo 06.Sep 2016 (SDN/QJ):- Magaalada Gaalkacyo ee Caasimadda Gobolka Mudug ee dalka Soomaaliya oo ah magaalo siyaasad ahaan kala qaybsan, dhibaatooyinkii dagaalada sokeeye gayaysiiyeen waxa u raacaya kooxo wadaado ah oo dadka deegaankaasi khalkhal weyn galiyey kuwaasi oo falkii ugu layaab badnaa toddobaadkan ka gaystay kadib markii ay masaajidda qaar kaga khudbeeyeen in jihada ay…

Read More

Biyo-Dhaca Warbixin Golaha Guurtida La Hor-Dhigay Oo Dhabar Adayg Iyo Dhego Nugeyl Ugu Baaqday Xukuumadda Dhexe

Hargaysa 06.Sep 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiye ku xigeenka guddida arrimaha gudaha, Nabadaynta Iyo Difaaca  ee golaha Guurtida Somaliland Xildhibaan Ibraahim Ciise Xaaji Buux ayaa tafaasiil ka bixiyey Warbixin Toddoba qoddob ka koobnayd oo ay isaga iyo guddidiisu soo hordhigeen fadhigii golahoodu yeeshay maalintii shalay. Warbixintan oo taabanaysay arrimaha nabadaynta iyo difaaca ayaa sidoo kale uu xildhibaanku…

Read More

Buuga Halgan Iyo Hagar Daamo ee C.laahi Yuusuf Qoray ,Ka Soo Bixistii Xabsiga Itoobiya Iyo Xaaladii Halgankiisa

Hargaysa 06.Sep 2016 (SDN/QJ):- Kolkii ay maydkii dibada u soo saareen, Itoobiyaanku waxay u yeedheen dadkayagii magaalada joogay, kuwaas oo ay ku yidhaahdeen ‘’ninkani waa is diley qaata maydkiisa oo xabaasha’’. Dadkii aadbuu uga naxay oo waxaa xataa shaki galay aqoonsigiisii, oo maydka loo wareejiyay dadku wuxuu ahaa lafo iyo maqaar kaliya. KA SOO BIXII…

Read More

Door Intee Le’eg ayay Iran Ku Lahayd Weeraradii 11 September ?

Washington 06.Sep 2016 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah hoggaamiyayaashii dalka Iran ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen weeraradii 11-kii September 2001 loo geystay dalka Maraykanka, tirada madaxda dalka Iran ee lagu eedeeyay inay kaalin weyn ka qaateen sidii loo hirgalin lahaa weeraradaasi ayaa ah lix xubnood, kuwaasi oo uu ugu horreeyo madaxweynihii dalkaasi ee…

Read More

Gabadh Uu Dhalay Madaxweyne Obama Oo Xashiishad Cabaysa, Warbaahinta Oo Si Weyn Uga Hadashay

Washington 06.Sep 2016 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah Saxaafada dalka Mareeykanka ayaa si aad ah u daba dhigtay gabadha ama Curada Madaxweyne Barack Obama, Malia Obama, oo lagu qabtay iyada oo cabeysa ama Dhuuqaysa maandooriyaha Xashiishada loo yaqaan . Xilli  aabeheed Madaxweyne Obama iyo hooyadeed  Michella ay safar ku maqnaayeen  ayaa waxaa la sheegay in…

Read More

Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa oo Heshiis Dhaqaale Buurani Ku Baxayo la Galay Shirkad Ku Guulaysatay Biyo Qaybinta Hargaysa

Addis Ababa 06.Sep 2016 (SDN/QJ):- Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa  Ibraahim Siyaad Yoonis oo uu wehelinayo Wasiirka Beeraha Somaliland Prof. Maxamed Daahir, ayaa heshiis la saxeexday shirkad laga leeyahay dalka Jarmalka oo ku guulaysatey inay diyaariso nashqadda mashruuca biyo-qeybinta caasimadda.   Munaasibadda saxeexa heshiiska oo ka dhacday magaalada Addis Ababa ee xarunta waddanka Itoobiya shalay, waxa…

Read More

Qarax Goor Dhawayd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Muuqaaladii u Horeeyay ee soo Baxa DAAWO

Muqdisho 05.Sep 2016 (SDN/QJ):- Qarax Xoogan ayaa waxa uu ka dhacay  goor dhaweyd Wadada Maka Al Mukarama Ee Magaalada Muqdisho. Gaari nuuca Raaxada ah oo yaallay Hoteelka Maka Al Mukarama Hortiisa ayaana mar keliya qarxay waxaana halkaasi ku dhawacmay Labo qof oo mid ahaa qof ku dhex jiray Baabuurkaasi kan kalena uu ahaa Darawal Mooto…

Read More

Heshiiskii Dekedda Berbera iyo Shirkadda DP World Oo Goordhaweyd Qalinka Lagu Duugay DAAWO

Dubai 05.Sep 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland Iyo Shirkada DPW ee maalgelinaysa Dekeda Magaalada Berbera ayaa Goor dhawayd oo Maanta ah Si rasmi ah Qallinka ugu Wada Duugay Dhamaystirka Heshiiskaas oo ka dhacay Magaalada Dubai. Heshiiskan ayaa waxaa Somaliland u saxeexay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Sacad Cali Shire, halka shirkadda Dp World uu u saxeexay Madaxa…

Read More

”Mar haday Aqalkayga, Haddii layga Adkaadiyo, Hadaan Raystey Idhaahdaba, Mar lay oohin u Tahay, Bal maxaan Istafiiday? Maansadii Ergo & Dardaarankii Abwaan Gaariye AHN DAAWO

Hargaysa 05.Sep 2016 (SDN/QJ):- Ku Sinaan 24 Sanno ayaa Laga Joogaa Markii allle ha u Naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaariye” Tiriyey Maansada Ergo oo uu Ka Dhex Jeediyey Fagaaraha Khayriyada ee Magaalada Hargaysa Isagoo Wakhtigaas Ceelalyo Nabadeed Sida Baaqna u diraya  Laba Beelood oo Walaalo ah oo Wada Dega Gobolka Saaxil oo Xiligaas ay…

Read More

Gaadiid Lagu Gubay Magaalada Laascaanood,Saldhigii Booliska oo Dadweyne Gadoodsani la Wareegeen,Xarumo la Bililiqaystay Iyo Ciidamada Qaranka oo Guud ahaan Magaalada Laascaanood Maamulkeeda Gacanta Ku Dhigay DAAWO

Laascaanood 05.Sep 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Maalintii Shalay ka dhacay Magaalada Laascaanood in Dadweyne Gadoodsan Iyo Ciidamada Boolisku Isku Dhaceen Isla markaana ay Taasi dhalisay Dhimashada inta la Xaqiijiyey Sadex Ruux iyo Dhaawac door ah. Sidoo kale, waxaa bililiqo xoog leh loo geystey Saldhigga Dhexe ee Booliska iyo Xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud oo labadaba si xoog…

Read More

Wada-hadallada Somaliland Iyo Khaatumo Oo Suurto-geliyey In Ciidammada Qaranku Sugaan Amniga Cali Khaliif Oo Gaadhay Gobolka SOOL

Buuhoodle 05.Sep 2016 (SDN/QJ):- Hoggaamiyeha Kooxda Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh iyo Xubno ka tirsan Kooxdiisa, ayaa Shalay Gaadhay Degmada Widh-Widh ee Gobolka Buuhoodle ee Somaliland, waxaana ku soo dhaweeyay Dadweynaha halkaa ku dhaqan. Galaydh oo aan Socdaalkiisa la sii shaacin, ayaa isaga iyo Weftigiisu Magaalada Widh-Widh kaga qayb-galeen Xaflad loo sameeyay Wasiirka Amniga ee…

Read More

“Cawil iyo Cali Waran-cadde Xilligii Udub si Gaar ah Baanu Saaxiib u ahayn Laakiin [immika] Caloosha ayaan wax ugu hayaa oo Maalin uu Odaygu [Siilaanyo] na Wada Casuumay ayay….” Siciid Sulub Maxamed

Hargaysa 05.Sep 2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Md Siciid Sulub Maxamed, ayaa si qoto dheer uga sheekeeyey dhacdooyin xiiso badan oo soo kala dhex maray isaga iyo wasiirkii hore ee maaliyaddii xukuumaddii madaxweyne Rayaale Md Xuseen Cali Ducaale(cawil), haatanna la-taliye u ah madaxweyne Siilaanyo. Ex. Wasiir Siciid Sulub…

Read More

“Asbaabaha ay Somaliland Dadka Khaatumo u Laynayso Waan Garanaynaa’’ Ku Xigeenka Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo DAAWO

Buuhoodle 05.Sep 2016 (SDN/QJ):- Ku Xigeenka Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Cabdale Maxamud Cali ayaa Sheegay inay Garanayaan Sababta Somaliland u laynayso Shacabka Reer Khaatumo ee Ku dhaqan Magaalada Laascaanood. Hadalka Mas’uulkan ayaa ka danbeeyay Mudaharaad Rabshado watay oo Shalay ka dhacay Magaalada Laascaanood kaas oo Sababay Khasaare Nafeed Iyo Mid hantiyeedba.

Read More

Khilaaf Ka Taagan Diwaangalinta Deegaannada Waqooyiga iyo Arragtiyaha Siyaasiyiinta Iyo Xiisada ay Keeni Karto DAAWO

Hargaysa 05.Sep 2016 (SDN/QJ):- Deegaannada Waqooyiga oo ay ku muransan yihiin Gobolada Awdal iyo Maroodijeex ayaa waxa taagan khilaaf xoogan oo ku saabsan dhinaca ay raacayaan iyo qaabka diwaangalinta looga qabanayo. Deegaannadan oo ah Hulka, Ceel sheekh, Cabdi Geeddi, Ceel la helay, Bildhaalay iyo Damasha,ayaa xayirnaa doorashooyinkii kala dambeeyay ee dalka ka qabsoomay. Wasiirka Wasaaradda…

Read More

“Waxaan Arkay Arday Dhigta Fasalka Labaad Ee Dugsiga Sare Oo Ka Qallin-jabiyey Jaamacad…” Wasiirka Waxbarashada Somaliland

Hargaysa 05.Sep 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi-dheere), ayaa ka deyriyey Heerka Waxbarashada Dalku mareyso. Wasiirka oo ka hadlayey Shir-jaraa’id oo Wasaaraddiisu ku soo bandhigtay Manhajka cusub oo Dalku yeelanayo, ayaa sheegay in Waxbarashadu ka gudubtay Nidaamkii isku dhisnaa isla-markaana gaadhay in Arday ku jira Dugsiga Sare…

Read More

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo Khudbad u Jeediyey Shacabka Reer Arabsiyo+ Kaftan Siyaasaddeed Ku Duray Muuse Biixi iyo Baaq-Nabaddeed oo uu u Direy Beelaha Ku Diriray Deegaanada Ceel-afweyn DAAWO

Gebilay 05.Sep 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo la hadlaayey boqolaal ka mid ah taageerayaasha isbedel doonka ah ee xisbiga WADDANI uu ku lee yahay magaalada Arabsiyo ee gobalka Gabiley, xilli xisbiga WADDANI uu halkaas ku soo dhaweynaayey siyaasiyiin iyo taageerayaal aad u tira badan oo ka soo diga-rogtay xisbiga KULMIYE. Dr.Cabdiraxmaan…

Read More