Webmaster

    Madaxweyne C-Kariim Guuleed Iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Gaadhay Magaaladda Baladweyne ee Xarunta G.Hiiraan

    Beledweyne 15.Dec 2015 (SDN/QJ):- Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Odawaa oo ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed, Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Beled Weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Ujeedka Safarka ee Masuuliyintaan ayaa ah in ay xaliyaan…

    Read More

      Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo Sheegay in Xukuumadda Siilaanyo Lagu Sawiray Musuq Maasuq Lagana Yaabo in Bisha April la Joojiyo Mucaawinooyinka DAAWO

      Hargaysa 15.Dec 2015 (SDN/QJ):-Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dawladda Somaliland ee uu Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo lagu sawiray inay tahay dawlad musuq oo kharaab ah, taas oo laga dhaadhiciyay beesha caalamka oo iyana ay suurtogal ka tahay inay tallaabooyin qaadaan horaanta sannadkan. Faysal oo shalay u waramay weriye Badri Koosaar oo ka tirsan Star TV,…

      Read More

        Falanqaynta Miisaanka Siyaasadeed ee Mujaahid C.raxmaan Aw Cali Faarax ku soo Kordhinayo Xisbiga Waddani

        Hargaysa 15.Dec 2015 (SDN/QJ):-Labadii toddobaad ee u dambeeyay waxa la isla dhex marayay warar sheegaya in siyaasiga miisaanka leh ee Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax uu ku biiri doono xisbiga Waddani, isagoo uga dhex tartami doona in loo doorto jagada madaxweyne-xigeen ee xisbigaas. Wararkan ayaa markii ay soo baxeen waxa ay noqdeen kuwo abuuray su’aalo…

        Read More

          Shirarka Muqdisho Oo Wali la isku Mar La’yahay Iyo Shisheeye La filayo Inay soo kala Dhex galaan

          Muqdisho 15.Dec 2015 (SDN/QJ):- Masuuliyiinta Soomaalida ayaa wali ku kala aragti duwan nooca doorasho ee la qaadanayo sanadka 2016, iyadoo mar kale maanta uu dib u dhac ku yimid shirkii madasha wada tashiga qaran ee lagu soo bandhigi lahaa go’aanka ugu dambeeya ee la isku raaco. Warar aan helnay ayaa sheegaya in shalay illaa xalay uu…

          Read More

            Qisada Ninkii Mahdiga Sheegtay ee Ciidankiisu Xaramka qabsadeen iyo Dagaalkii lagaga xoreeyey Waa Qallinkii kamaal A. Cal

            Riyadh 15.Dec 2015 (SDN/QJ):-Juhaymaan Bin Muxammed Bin Sayf Al Cutaybii, waxa uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada ilaalada qaranka ee dalka Sucuudiga oo uu ka mid ahaa muddo 18 sano ah, muddadaas oo uu mar ka mid ahaa ilaalada boqorkii dhowaan geeriyooday ee dalka Sucuudiga boqor Cabdalla bin Cabdalcasiis, oo xilligaas aan boqor ahayn balse…

            Read More

              Ururka Samafalka ee Tabale7 iyo hawlwadeenada ururka ee Casimada Somaliland ee Hargaysa iyo Gobolada oo dhan waxay hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin u dirayaan Wariye Xamse Axmed Salaan oo ka qalin jabiyeyey Jamacad ku tala wadanka Uk ,

              Ururka Samafalka ee Tabale7  iyo hawlwadeenada ururka ee  Casimada Somaliland ee Hargaysa iyo Gobolada oo dhan  waxay hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin u dirayaan Wariye Xamse Axmed Salaan oo ka qalin jabiyeyey Jamacad ku tala wadanka Uk , waxay leyahiin Hambalyo Hambalyo in ilahay Cilmigaas uu bartay ku Anfaco hadanu nahay bahada qurbejoog anaguna…

              Read More

                Ogaaysiis dhaamaan Jaaliiyada ku dhaqan Uk ee ku hadasha afka Soomaliga ka soo qayb gashaan Daah Furka Jaamacada Toon University hospital

                Waxaala ogaysinayaa dhamaan dadwaynaha ku Dhuqan Uk  magalada London UK in  sanadka cusub 2016 lagu soo bandhigi doonaa daahfur loogu talo galay in lagu shaaciyo Dhismaha Jaamacadda/Hospital iyo cilmibaadhista ee ee Toon University hospital and research center, Mashruucan oo mashruucii ugu waynaa ee noocissa ah ama Jamacaddii ugu horeeysay ee nooceeda ah ee laga dhiso…

                Read More

                  Wadahadalada Somaliya iyo Somaliland waxyaabo xal loogu helikaro

                  Si natiijo wanaagsan looga gaadho wadahadalada midhodhalka noqon waayay waxaa haboon in la ogaado mawqifyada labada dhinac kala taagan yihiin siyaasiyiinta labada dhinac ee Somaliand iyo Somalia: Ø  Siyaasiyiinta reer konfutu waxay aaminsanyihiin In dadka degan S/land badankoodu Midnimada ogolyihiin lakiin siyaasiyiinta waqoyigu hortaaganyihiin. Waxaase cad in siyaasiyiinta konfortu aanay diyaar u ahayn inay soo…

                  Read More

                    DHALINYAROOY, WAA MAXAY DIRSOOCANI QO’LO QO’LADAN JOOGTAA?

                    BISMILAAH— waagii dilaacaba  nabarbaa i damqanayoo dhegi waxa ay diidaa  maqalkay ku duxayee waa maxay dakaankiyo  dudmadiyo afbuurkiyo erayada diiciifkee foodlaydu diidee cirrowgeenu doorbiday? Mahad eebe ka dib, waxaa igu kalifay inaan maqaalkan isaga ah qoro, markaan arkay halka manta bulshadu marayso iyo sida bulshadeenii ugu milmeen cudurka qabyalada qudhunka ah iyo fikirka maangaabka ah,…

                    Read More

                      OGEYSIIS MUHIIM AH

                      Waxaa la ogaysiinayaa shacab weynaha reer Somaliland ee ku dhaqan cariga UK inay si mug iyo miisaanle uga soo qayb galaan xafled balaadhan oo loogu talo galay mushruuca dhismaha Wadada Cad. Xafladan oo isugu jirta warbixin iyo dhaqaale ururin waxaa inoogu martiya (via teleconference) gudoomiya gudida dhismaha Wadada Cad Md Cali Ibraahim Maxamed(Cali Sanyare). Wixii…

                      Read More

                        DIB U HABAYNTA CADAALADA IYO DADAALKA GUDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE WAXA CAQABADAHA HORTAAGAN KA MID AH XAFIISKA XEER ILAALINTA OO AAN DIYAAR U AHAYN REFORM IYO CASRIYAYN.

                        Waxa dhamaanteen hadaynu bulshada reer Somaliland nahay aynu aad uugu diirsanay isbadalada iyo dadaalka uu muujiyay gudoomiyaha maxkamada sare Qaryaqaan Aden haji cali,balse waxa dadaalkiisa ku gadaaman caqabo fara badan waxana caqabadaa ka mid ah xafiiska xeer ilaalinta iyo xeer ilaaliyaha guud oo ah dadkii nidaamkii hore ku ababay ayna ku dag tahay  casriyaynta iyo…

                        Read More

                          10 -ka Jaamacadood ee ugu Sareeya Jaamacadaha Ruushka ayaa ogolaaday in Ardeyda reer Somaliland ay dalka Ruushka wax ka bartaan iyaga oo isticmaalaya Passporka Somaliland

                          Waxaa farxad weyn oo Ardeyda reer Somaliland u soo hoyatay ah in Dalka Qadiimka ah ee ruushku uu u ogolaaday in dalkooda ay Vise ardeynimo ah ku soo galaan oo wax ka bartaan Ardeyda reer Somaliland iyaga oo isticmaalaaya passporka Somaliland. Fadlan maqaalkan hoose websideyada noo geliya oo sii fidiya. Tusan iyo Tixgelin Tebiye: A/rahman fidhinle UK…

                          Read More

                            “Somaliland Badbaado ayay u baahan tahay,Aniga Iyo Suldaan Cumarba Hadii Xukuumaddu Faraha dhigi weydo Waxbaanu sheegi” Suldaan Xiirey DAAWO

                            Hargaysa 14.Dec 2015 (SDN/QJ):- Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo ah Afhayeenka Salaadiinta Somaliland Isla markaana lagu Tirin Jiray Shakhsi u Xagliya Xukuumadda Talada haysa ayaa Markii u horaysay Sheegay in Somaliland u baahan tahay Badbaado,Waxaa kale oo uu Xusay inuu bedka soo dhigi doono Siro uu Sida uu sheegay ka hayo Maamulka Madaxweyne Siilaanyo. https://www.youtube.com/watch?v=uP8Wu2BzRRE

                            Read More

                              Gudoomiye Muuse Biixi Maxaa ka raacay Dagaalkii Dhaboolaq ee Xiligii Halgankii SNM DAAWO

                              Hargaysa 14.Dec 2015 (SDN/QJ):- Mujaahid Baashe Cabdi Godane oo ka Mid ahaa Halgamayaashii Ururkii SNM ayaa soo Qufay Siro uu Sheegay inuu ka hayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaasi ugu tartami doona Doorashooyinka Madaxtinimo ee la filayo inay Somaliland ka qabsoomaaan Horaanta Sannadka 2017. https://www.youtube.com/watch?v=248DZxkexT4 Sidoo kale Mujaahid Ooto Biixi ayaa…

                              Read More

                                Tafiirtii uu Ka Tegay General Maxamed Caynaanshe Guuleed oo Siyaad Barre Dil ku fuliyey oo Magaalada Burco Si diiran loogu soo dhaweeyay DAAWO

                                Burco 14.Dec 2015 (SDN/QJ):- Laba nin oo aqoon yahano ah Isla markaana ah Tafiirtii uu ka tegay alle ha u naxariistee Generaal Maxamed Caynaanshe Guuleed oo Kacaankii Siyaad bare ku fuliyey Toogashadii u horaysay ee uu sameeyay markii uu inqilaabka ku qabsaday dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Somalia ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyay…

                                Read More

                                  Gollaha Wasiirada Puntland oo ka hadlay xad gudub ay Sheegeen in Somaliland Ku hayso Qaybo ka Mid ah Dhulka Puntland

                                  Garowe 14.Dec 2015 (SDN/QJ):- Golaha Wasiiradu waxaa ay si qota dheer ugaga hadleen xad gudubka ay sheegeen in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka wadaan qaybo ka mid ah dhulka Puntland gaar ahaan Sida ay yidhaahdeen waqooyiga Gobolka Sool iyo Koonfurta Gobolka Sanaag, halkaasoo Xukuumadda Somaliland keentay shirkado shisheeye oo qaabilsan arrimaha macdanta iyo barista shidaalka. Hadaba,…

                                  Read More