Xildhibaan Siciid Libaaxo Oo Meel Adag Iska Taagay Xeerka Duulista Hawada Iyo Mudanayaasha Oo Si Weyn u Taageeray Soo Jeedintiisa
Hargeysa:Sep,09,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa si adag uga hadlay Xeerka Duulista Hawada Somaliland oo dooddiisu ka socota Golahaas, waxana uu soo jeediyey in dib loogu noqdo, isla-markaana lafo-gur dheeri ah lagu sameeyo. Xildhibaan Siciid libaaxo oo dood dheer oo mudanayaashu maalintii shalay ka yeesheen Xeerkaas si faahfaahsan uga…
