Webmaster

Labada Xisbi Mucaarid ee Somaliland oo Sheegay in aanay Saxeexayn Labada Xeer ee Anshaxa Doorashada iyo Ka Saxaafada & Talooyin adag oo ay Komiishanka u Gudbiyeen

Hargaysa 21. September 2017 (SDN/QJ):- Mas’uuliyiin u hadlay labada Xisbi Mucaarid ayaa sheegay in aanay Saxeexayn Xeerka Saxaafada iyo Xeerkii Anshaxa doorashada oo dhawaan la rabo in la Saxeexo Waxayna xuseen in Labadaas Xeer Wixii ka dhinaa ay ku dareen hasa yeeshee diidan yahay sida ay yidhaahdeen Wixii talooyin ah ee ay ku darnay iyagoo…

Read More

Wefti Isugu Jira Madaxda Ismaamuulka Dawlad Deegaanka Qowmiyadda Oromiya Iyo Suldaanka Guud Ee Oromada Oo Kusoo Wajahan Somaliland Iyo Ujeedada Socdaalkooda

Hargaysa 21. September 2017 (SDN/QJ):- Wefti ballaadhan oo isugu jira Madaxda Is-maamulka Oromada iyo salaadiin uu kamid yahay Suldaanka Guud ee qowmiyada oromada ayaa ku soo wajahan caasimadda Somaliland ee Hargeysa waxaanu socdaalkoodani noqonaaya kii ugu horreeyay ee madaxda Is-maamulka Oromadu ku yimaddaan Somaliland, waxaana ujeedada socdaalkani daaran yahay dejinta colaadaha ka dhex qarxay dadka…

Read More

Maraykanka Oo War Ka Soo Saaray Colaadda Soomaalida Iyo Oromada Itoobiya Ee Dadka Badan Ku Dhinteen

Washington 21. September 2017 (SDN/QJ):- Dowladda Mareykanka ayaa u sheegtay Itoobiya in ay baadho 55 qof oo la sheegay in ay ku dhinteen dagaal qowmiyadeed ka dhacay Bariga dalkaasi Toddobaadkii hore. Ugu yaraan 50 kun oo kale ayaa barakacay tan iyo markii dagaalka uu ka dhacay xuduudda gobollada Soomaalida iyo Oromada ee Itoobiya. War qoraal…

Read More

Hogaamiyaha Mayalka Adag Ee Woqooyiga Kuuriya Kim Jong-Un Iyo Kooxda Uu Taageero ee Kubada Cagta Qaarada Yurub!!

London 21. September 2017 (SDN/QJ):- Inkasta oo dunidu mar kasta oo ay magaciisa maqasho markaaba soo xasuusato xukunkiisa mayalka adag iyo dadaalka uu ugu jiro awoodda Nukliyeerka oo dunida kaga jaqaaq siiyey taasina keentay in ay quwadaha waaweyni fadhiga xammili waayaan haddana waa kan Kim Jong-Un, Madaxweynaha da’da yar ee waddanka Woqooyiga Kuuriya oo la…

Read More

Duufaantii Harvey ee Maraykanka ku dhufatay oo Bannaanka Keentay Noole la aqoonsan waayay

Texas 21. September 2017 (SDN/QJ):- Wargeyska The Sun ee ka soo baxa carriga Ingiriiska ayaa sheegay in saynisyahanno u dhashay Maraykanku ay heleen xayawaan aad u weyn, muuqaal cabsi abuurayana leh oo isaga oo bakhti ah yaalla badda xeeligeeda, magaalada Texas ee dalka Maraykanka. Xayawaankan oo sida muuqata ay bannaanka badda u soo tuurtay duufaantii…

Read More

Sucuudiga: Isu Diyaarinta Maalinta Aasaaska Dalkaasi & Diyaarad Shiraac Ka Samaysan Oo Sababtay Dhimasho Iyo Dhaawac !

Riyadh 21. September 2017 (SDN/QJ):- Guud ahaan dad ku nool dalkaasi Sucuudiga ayaa waxay ku hawlan yihiin u diyaar garawga xuska maalinta aasaaskii boqortooyada dalkaasi, dad badan ayaa waxay u dalxiis tagaan goobaha dalxiiska ee kala duwan halka dadka qaarna ay noloshooda halis u galiyaan sidii ay u samayn lahaayeen waxyaabo la yaaba amase ku…

Read More

Nin Cuntooyinka Fudud Ku Iibiya Waddooyinka Newyork Oo Jaamacado Ka Jeediyay Muxaadarooyin Oo Codsi & Ballan Qaad Ay U Fidiyeen Jaamicado Kale !

New York 21. September 2017 (SDN/QJ):- Dedaalku waa arrin aad u muhiim ah sidoo kalena waxa hubaal ah in qofka si dhab ah u dedaala uu hadafkiisa gaadhayo.     Xaatim Al-jasmi waxa uu u dhashay Dalka Masar waxay da’diisu tahay 48 jir waxa uu leeyahay huteel uu ku sameeyo cuntooyinka fudud waxa aanu ku…

Read More

Khasaaraha Ka Dhashay Dhul Gariirkii Ku dhuftay Mexico oo Kor u Kacay & Dabaqyo dhaadheer oo dhulka galay

Mexico 21. September 2017 (SDN/QJ):- Wararka ka imanaya dalka Mexico ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay dhul-gariir xooggan, oo cabbirkiisa lagu qiyaasay illaa 7.1 Magnitude. Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa ku soo waramaysa in dhimashadu ay haatan marayso illaa 134 qof. Dhul-gariirka ayaa sababay inay burburaan dhismayaal kala duwan oo ku yaalla caasimadda dalkaas, haatanna…

Read More

Booliska Uk oo Gacanta Ku dhigay Laba Nin oo Kale oo Ku eedaysan Weerarkii Banbaano ee Xarunta Tareenada London

London 21. September 2017 (SDN/QJ):-  Booliska Ingiriiska ayaa sheegey in ay soo xidheen laba nin oo kale oo lala xidhiidhinayo inay qayb ka ahaayeen danbiileyaashii ka danbeeyay weerarkii bombaano ee toddobaadkii hore ka dhacay xarunta tareenada London, halkaasoo ay ku dhaaawacmeen 30 qof. Masuuliyiinta Britain ayaa sheegey in dadka la xidhay ay kala yihiin, nin…

Read More

Sannad Wanaagsan Iyo Curashada Sannadka 1439 ee Tirsiga Islaamka ee Hijriyada oo Maanta Kowsatay & Somaliland oo Shaqaalaha dawlada fasaxday

Hargaysa 21. September 2017 (SDN/QJ):-  Waxaa Khamiista Maanta Kow ah Sannadka cusub ee 1439 ee Taariikhda Hijriyada,Waxaana Guud ahaan dunnida islaamka iyo gaar ahaan Somaliland maanta laga soo dhawaynayaa Curashada sannadkan cusub. Shaqaalaha dawlada ayaa la shaaciyey inay maanta fasax ka yihiin hawlihii shaqo ee ay qaranka uga mas’uulka ahaayeen si loo weyneeyo Sannadkan Cusub…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo oo Ka  Qayb galay Qallin Jebinta in Ku dhow Kun iyo Laba Boqol oo arday oo ka baxay Jaamacada Hargaysa DAAWO

Hargaysa 20. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ay Weheliyaan Xubno kamida Golaha Wasiirada ayaa ka qayb galay Xaflada ay ku qalin Jebinayeen 1,126 Arday oo ka baxay Jaamacada Hargaysa. Munaasibada qalin jebinta waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Hargaysa Dr Maxamud Yuusuf Muuse oo Sheegay in ardaydan qallin jebisay ay…

Read More

Dareenada Ku Xeeran in Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Saaxada Siyaasada Somaliland uu Wax Cusub ku Soo Kordhiyo!!

Hargaysa 20. September 2017 (SDN/QJ):- Waxa loo wada dheg taagayaa kulan uu golaha dhexe ee xisbiga UCID isugu iman doono Sabtida oo lagu soo saari doono murashaxa madaxweyne-xigeen ee doorashada garab istaagi doona Md. Faysal Cali Waraabe oo ah murashaxa madaxweyne ee xisbiga. Dadka siyaasadda Faysal la socday bilihii u dambeeyay ayaa aaminsan in Faysal Cali…

Read More

Dowlada Somalia oo ka hadashay in loo diiday Codkii ay lahaayeen Shirka Qaramada Midoobay

New York 20. September 2017 (SDN/QJ):- Qoraal kasoo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guteres ayaa lagu caddeeyey inaysan wax cod ah dhiiban karin afar dal ay ku jirto Soomaaliya kuwaa oo bixin Lacagaha Qaaraanka ee ku waajibka ah dhamaan dalalka xubnaha ka ah UNka. Guteres qoraalka kasoo baxa ayaa shardi looga dhigay dalalkaasi iney bixiyaan…

Read More

Nuxurka Go’aan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Somalia kaga Joojiyey Codayntii Shirkii Guud ee Qaramada Midoobay & Sababaha ay Codkeeda Ku weyday

Hargaysa 20. September 2017 (SDN/QJ):- Wargeyska Geeska Afrika, ayaa helay qoraal uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Dr. Antonio Guteres,  codaynta shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda New york uu kaga hor istaagayo Soomaliya iyo saddex wadan oo kale. Qoraalka uu xogyaha guud qoray oo ku taariikhaysan 7 September, wuxuu u diray madaxweynaha…

Read More

Labada Xisbi Mucaarid ee Ucid Iyo Waddani oo Qaadacay Xeerka anshaxa Doorashadda Iyo eedaymo ay u Jeediyeen Komiishanka Iyo Xukuumadda DAAWO

Hargaysa 20. September 2017 (SDN/QJ):- Labada Xisbi Mucaarid ee Ucid Iyo Waddani ayaa gebi ahaanba ka baxay Heshiis ku Saabsan Xeerka anshaxa Doorashada Madaxtooyadda oo kulan ku saabsan ay la lahaayeen Komiishanka Doorashooyinka,Ururada Saxaafada. Waxay ku doodeen Mas’uuliyiinta Labada Xisbi Mucaarid in Xukuumadu dabada ka riixayso Xeerkan isla markaana ay rabto inay xubno ku yeelato…

Read More

Suuqyada Somaliland oo laga la’ Yahay Khudradii ay Bulshadu Isticimaali Jirtay & Saamaynta Qoysaska ay ku Yeelatay !!DAAWO

Hargaysa 20. September 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Dhawrkii cisho ee u danbeeyay Suuqyada somaliland laga dareemayaa Khudaartii ka iman jirtay dalka Itoobiya oo laga la’ yahay suuqyada somaliland Kadib Rabshadihii ka Dhacay Kililka Oromada Itoobiya oo ay ka iman jirtay Khudrada ugu badan ee Suuqyada Somaliland laga isticimaalo.

Read More

Komishanka oo Qabtay Kulan lagaga Dooday Anshaxa Saxaafaddu u gudbin doonto Wararka Xisbiyada Wakhtiga doorashada Madaxtooyada DAAWO

Hargaysa 20. September 2017 (SDN/QJ):-Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa Hargeysa ku qabtay kulan lagaga doodayo Anshaxa Warbaahintu ku baahin doonto ama u gudbin doonto Wararka Xisbiyada UCID, Waddani iyo Kulmiye wakhtiga Ololaha iyo xilliga doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan 13-ka 11-aad 2017. Kulankaas oo Guddiga doorashooyinku ku qabteen Huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxaa ka qaybgalay,…

Read More