Webmaster

Tiradii ugu Badnayd oo Kor u dhaaftay Sadex Kun Iyo Shan Boqol oo arday oo Ku Dhacay Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Somaliland & Sababta Keentay oo Guddida Imtixaanaadka Qaranku ka Hadleen DAAWO

Hargaysa 17. September 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habane, ayaa ku dhawaaqay natiijada imtaxaanaadka shahaadiga ah oo markii ugu horaysay ay dhaceen arday saddex kun iyo shanboqol ka badan Somaliland. Ardaydan dhacday ayaa kala ahaa 1711 arday oo ka dhacay fasalka afraad ee dugsiga sare, halka dugsiga hoose dhexe fasalka sideedaadna ay ka dhaceen…

Read More

Shan Caruur ah oo Walaalo ah Iyo Sadex Qof oo Kale oo Ku Naf waayay Dab ka Kacay Xero ay ka degen yihiin Magaaladda Kismaayo & Sababta Keentay!!DAAWO

Kismaayo 17. September 2017 (SDN/QJ):-Shan Carruur oo la sheegay inay ahaayeen Walaalo iyo Saddex Qof oo kale ayaa ku Geeriyooday Dab ka kacay Xero ay ku nool yihiin Dad Barakacayaal ah oo ku taalla Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland. Dabkan ayaa sidoo kale la sheegay inuu dhaawac ka soo gaadhay Hooyo Da’ ah oo…

Read More

Idaacada BBC Somali oo Raali gelin ka Siiyay Shacabka Somaliland War Khaldan oo ay Xalay ka Faafiyeen DAAWO

Hargaysa 17. September 2017 (SDN/QJ):-Idaacada BBC laanteeda afka soomaaliga ayaa Raaligelin Buuxda waxay Galabta ka bixisay War ay ka baahisay Rabashadaha ka taagan Ismaamulka Oromada Itoobiya oo ay Sheegtay in Colaadaasi ay ka bilaabantay magaaladda Hargaysa ee Caasimada Somaliland. Warkan oo ahaa Mid been abuur ah isla markaana xaqiiqada ka fog ayaa waxaa ka hawl…

Read More

Somaliland oo ka Hadashay Qaadka Miirooga ee la Keenay Suuqyada Hargaysa & Isbedelka uu Ku Keenayo Xidhiidhkii Ganacsi ee u dhexeeyay Somaliland iyo Itoobiya & Wasiir Ku Haftay ka Jawaabista Qadiyadan DAAWO

Hargaysa 17. September 2017 (SDN/QJ):- Waxaa dhawrkii Cisho ee u danbeeyay Suuqyada hargaysa la Keenay qaadka Miirooga oo qaar ka mid ah Ganacsatada Somaliland ay ka keeneen dalka Kenya kadib markii rabshado dad badani ku dhinteen ay ka dhaceen Magaaladda Haawaday ee Oromada Itoobiya oo Somaliland qaadku uga iman jiray. https://www.youtube.com/watch?v=butVBzco4tY

Read More

Gudoomiye C.raxmaan Cirro iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Si diiran loogu soo dhaweeyay Magaaladda Burco & Dulucda Safarkiisu Daaran Yahay DAAWO

Burco 17. September 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro iyo Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa Socdaal ku tegay magaaladda Burco. https://www.youtube.com/watch?v=rjQ_v-qVnKw

Read More

Xisbiga Waddani oo Toban Kun oo Dhallinyaro ah Ka Hawlgalinaya Ololaha Doorashada ee ay galayaan DAAWO

Hargaysa 17. September 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa shaaciyey in Xisbiga WADDANI uu diyaar garoobay olalahii Doorashada Madaxtooyada Somaliland, isla mar ahaantaana ay qaabeeyeen sida oo kale na ay qorsheeyeen qaabka ay u galayaan Ololaha Doorashada isaga oo sida oo kale na badka soo dhigay in ay…

Read More

Khilaaf Xoogan oo ka Dhex qarxay Wasaaradda Cusub ee Dhaqanka Iyo Dalxiiska iyo Shaqaalihii Wasaaradaas oo Cabasho la hor tagay Hay’ada shaqaalaha dawlada DAAWO

Hargaysa 17. September 2017 (SDN/QJ):- Waxa uu khilaaf xoogani ka dhex qarxay Madaxda ugu saraysa ee Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland kaas oo u dhexeeya Wasiirka wasaaradda dhaqanka iyo Dalxiiska iyo agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi oo Wasiirku xafiiskiisa ka xidhay.

Read More

“Inta Uu Jiro Hal Qof Oo Shacabka Ogaadeeniya Ah Oo Dhibaataysani Nama Dhibayso Geeridu” Qalbi Dhagax DAAWO

Muqdisho 17. September 2017 (SDN/QJ):- Waraysigii ugu dambeeyay intaan la qaban Taliyahii Ciidanka ONLF Cabdikariin Sheekh Muuse “Qalbi Dhagax” ayaa waxaa uu si adag ugu hadlay in aanay dhibayn dhibtay ay duurka ugu jiraan in uu hal qof oo Ogaadeeni dhibaataysan yahay.   Waraysigan ayaa noqoday  mid aad loogu xasuusto Qalbi Dhagax. https://www.youtube.com/watch?v=CecwF7d2oEw

Read More

Dawlada Dhexe ee Federaalka Itoobiya oo Shaacisay inay Boqolaal ka Tirsan Qoomiyada Oromada Xabsiyada u Taxaabtay Kuwaas oo Lug ku leh Dadkii Soomaalida ahaa ee Lagu laayay Haawaday

Addis Ababa 17. September 2017 (SDN/QJ):- Waxa la xidh-xidhay  Boqolaal qof oo  ka mid ah dad ku eedaysan  inay masuul ka ahaayeen dhimashada iyo barakaca ka dhashay xurgufta u dhexaysa degaannada  qowmiyadaha  Soomaalida iyo Oromada, sidaas waxa  shaaciyay  Jimcihii Wasiirka Isgaadhsiinta ee Itoobiya, Dr. Negeri Lencho Siday faafisay wakaalladda wararka  Itoobiya ee ENA, Wasiirka Arrimaha…

Read More

Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qeyb Galay Qalin Jabinta Dufcadii 5aad Ee Jaamacadda Tima-cade ee Magaalada Gabiley SAWIRO

Hargaysa 17. September 2017 (SDN/QJ):-Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland  iyo Wafti uu hogaamiyey ayaa ka qeyb galay Xaflada Qalin Jabinta Jaamacada Timacade ee Magaalada Gabiley oo ay ka qalin jabiyeen Dufcadii 5aad.   Munaasibad balaadhan oo loo sameeyey qalin jabinta Ardayda Timacade ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi…

Read More

Madaarada Somaliland oo Isugu soo ururay Gegida Dayuuradaha ee Caasimadda Somaliland ee Cigaal International Airport!!!

Hargaysa 17. September 2017 (SDN/QJ):- Madaarada Somaliland ee shaqaynaya ayaa u muuqda inay ku soo urureen wakhtigan garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa, ka dib markii ay dawladda Somaliland madaarka Berbera ku wareejisay dawladda Imaaraadka Carabta oo ka samaysanaysa saldhig milatari. Warar uu Wargayska Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in wasaaradda duulista iyo hawada Somaliland madaarka…

Read More

Guddoomiye ku-xigeenka Buuhoodle Oo Ka Hadlay Lacago Faalso Ah Oo Ganacsatada Lagu Dhacay Lagana Keenay Somalia!!

Buuhoodle 17. September 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Buuhoodle Jaamac Dheeg Cartan, ayaa ka hadlay  sicir barar iyo lacago faalso ah oo aad u saameeyay ganacsiga Buuhoodle isla markaana uu tilmaamay in ay sababtay in ganacsigii gobolku  uu istaagay oo dadkii meheradaha lahaa ay sheegeen in aanay waxba iibinayn, kadib markii lagu dhacay lacago faalso…

Read More

Macluumaad Wejiyo badan leh oo Ku saabsan Muslimiinta Rohinga ee Dalka Myanmar ee Xasuuqa ba’an lagu hayo

Myanmar 17. September 2017 (SDN/QJ):- Rohinja waa isir laga tiro badan yahay oo muslim ah, kana mid ah ah muwaadiniinta dalka Miyanmar oo aqlabiyadda dadkiisu ay aaminsan yihiin diinta Buudhiisam ka loo yaqaann. Inta badan ee dadka Miyanmar waxa ay cadow ku yihiin dadka muslimiinta ah oo ay u arkaan in ay yihiin dad diinta…

Read More

Gargaar Cunto oo Loo Diray Muslimiinta Rohinga ee Dalka Myanmar

Burma 17. September 2017 (SDN/QJ):- Dalka Indunisiya ayaa Gargaar Cunto ah u direy Muslimiinta Rohinga ee ka barakacay Gobolka Raakhiin ee dalka miyan-maar ka dib markii lagula kacay tacadiyo isugu jira dil iyo bara kicin,. Muslimiinta laga tirada badan yahay Rohinga ayaa waxay tacadiyo isir gumaad ah kala kulmeen Ciidamada dalka Miyanmaar iyo dadka Buudiiska…

Read More

Tuunisiya oo u Fasaxday Haweenka inay Guursan Karaan Ragga aan  Muslimiinta aheyn!!

Tunis 17. September 2017 (SDN/QJ):- Dawladda Tunuusiya ayaa meesha ka saartay sharci dumarka u diidayay in ay guursadaan ragga aan Muslimiinta ahayn. Arrintan ayaa timid bil ka dib markii madaxweyne Beji Caid Essebsi uu ku baaqay in meesha laga saaro sharcigaas. Hadalkaas ayuu ku soo daray khudbaddii uu ka jeediyay maalinta qaran ee dumarka dalkiisa….

Read More

‘’Ma Haboona sii Socoshada Khilaafka Maraykanka Iyo Ruushku’’ Wasaaradda arrimaha Dibada Maraykanka

Washington 17. September 2017 (SDN/QJ):- Wasaaradda arimaha dibadda dalka Mareykanka ayaa sheegtay in aanay haboonayn inay sii socdaan khilaafaadka u dhexeeya dalka mareykanka iyo Ruushka. Af-hayeen u hadashay wasaaradda arimaha dibadda dalka mareykanka ayaa waxay sheegtey in Xoghayaha arimaha dibadda dalka mareykanku uu aaminsan yahay in khilaafka siyaasadeed ee labada dal u dhexeeyaa ay haboon…

Read More

‘’Marnaba Ogolaan mayno In Gobolka Kurdistaan uu Noqdo dawlad Madax Bannaan’’ Madaxweyne Ordugan

Ankara 17. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Turkiga Mr: Rajab Dayib Ordugaan oo shir jaraa’id ku qabtay caasimada dalkiisa ee Ankara ayaa sheegay in dawlada Turkigu marnaba ogolaanayn in gobolka Kurdistaan noqdo dawlad ka madax banaan fadaraalka Ciraaq. Mr: Ordugaan waxa uu intaasi ku daray in aftida laga qaadi doono dadweynaha gobolka kurdistaan tahay mid aan…

Read More

Ingiriiska Iyo Talyaaniga oo Heshiis ku Gaadhay Joojinta Tahriibayaasha Ka Yimaada Liibiya!!

Roma 17. September 2017 (SDN/QJ):- Dalalka  Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa ku heshiiyey in laga shaqeeyo sidii looga joojin lahaa dalka Liibiya Tahriibinta dadka ee sharci darrada ah ee marinka ka dhigtey. Safiirka dalka ingiriiska ee dalka Liibiya u fadhiya oo kulan kula yeeshay Caasimada dalka Libiya dhigiisa dalka Talyaaniga u fadhiya Liibiya ayaa waxa uu…

Read More

Ugu Yaraan 25 Ruux oo ku Geeriyooday Badhtamaha Qaarada Africa kadib isku dhacyo dhex maray laba maleeshiyo Beeleed

Bar ya 17. September 2017 (SDN/QJ):- Qaramada midoobay ayaa sheegtay inay shan iyo labaatan Qof ugu yaraan ku dhinteen Kumanaan qof-na ay ku bara kaceen dagaal qowmiyadeed oo ku dhex maray labo maleeshiyo  Dalka Badhtamaha afrika. Warar kale oo ku saabsan dagaalkaasi ayaa waxay iyana sheegayaan in Toban qof ay ku dhinteen Konton kalena ay…

Read More