“Author Archive”
Stories written by akguled

Xukuumadda Somaliland Oo Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ku Wareejisay Maanta Lacagtii Doorashada Madaxtooyada Lagu Geli Lahaa Oo Dhan Afar Milyan Oo Doolar DAAWO

Hargaysa 22.October 2016 (SDN/QJ):- Kulankan lacagta lagula kala wareegay oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland ayey ku kulmeen xubno ka mid ah golaha wasiirada oo ay hoggaaminayeen Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiir Samsam Cabdi Aadan waxaana halkaasi ugu horaynba ka hadashay Wasiir Samsam Cabdi Aadan oo lacag dhan 4Milyan oo doolarka Maraykanka ah […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xisbiga Waddani oo Doortay Murashixiinta Jagooyinka Madaxweyne Ku Xigeen Iyo Gunaanadka Shirkoodii 1aad ee Golaha Dhexe

Hargaysa 22.October 2016 (SDN/QJ):- Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa maanta soo gebagebeeyey shirweynihii koowaadoo socday muddo sadex maalmood ah, waxaana si rasmi ah loogu doortay Musharaxa jagadamadaxweynanimada, gudoomiyaha xisbiga iyo jaada hogaamiyaha Xisbiga oo ku cusub nadaamka xisbiga.   Shirweynaha oo saaka mar kale ka sii ambaqaadmay Hotel ambassador  ee magaalada Hargaysa waxaa ka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

‘’Xisbiga KULMIYE-na kuma soo biirayo, mana imanayo nin umaddiisa khiyaameeyey oo Xamar tegay oo kusoo hungoobay” Maxamed Kaahin oo ay la Xumaatay Ku Biiristii Prof Buubaa ee Xisbiga Waddani Halka uu Sacab Badan u Tumay Prof Samatar Iyo Sifir Markii ay Galeen Xisbiga Kulmiye DAAWO

Hargaysa 21.October 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md.Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shaaciyey in xisbiga KULMIYE ay ka go’an tahay sidii horumarka dalka meel sare loo gaadhsiin lahaa, isla markaan aanay u oollin inay wakhti badan ku lumiyaan qolayaha aan faa’iidada badan lahayn. Guddoomiye Maxamed Kaahin oo hadal kooban u jeediyey xildhibaanno iyo siyaasiyiin […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Kulmiye Oo Qaaday Dhabbihii Xisbigii Udub Ku Jabay, Bilaabayna Munaasibado Waraabe U Taag Ah Oo Loo Qabanayo Ashkhaas Hore Uga Mid Ahaa Iyo Masuuliyiin Dawladeed DAAWO

Hargaysa 21.October 2016 (SDN/QJ):- Xisbi Xaakimka Kulmiye ayaa sas iyo Jahawareer ka qaaday Munaasibadaha isdaba joogga ah ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ku qaabilayo taageerayaasha cusub eek u soo biiraya Xisbigaasi,waxaanay shalay masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye Munaasibad ugu qabteen Xildhibaano hore ugu soo biiray Xisbiga KULMIYE oo Ururadii doorashada lagaga adkaaya ka mid ahaa,waxaanay Arintaasi […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Shirkii Kowaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani oo Lagu Falanqeeyay Barnaamijka Xisbiga Iyo Lafo Gurka Xildhibaan C.qaadir X.Ismaaciil Jirde DAAWO

Hargaysa 21.October 2016 (SDN/QJ):- Shirkii golaha dhexe ee Xisbi mucaarad ka ah ee WADDANI oo ay ka soo qayb-galeen marti sharaf kala duwan iyo ergooyinka golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI,kuwaas oo tiradoodu kor u dhaafaysay ilaa 550 ergay. Xisbiga WADDANI ayaa shirkaas ku soo bandhigay barmaamij siyaasaadeedkiisa uu ku gelayo doorashada fooda inagu soo haysa,waxaana […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Loollanka Labada Musharrax Ee Mansabka Madaxweyne Xigeenka Xisbiga Waddani Oo Meel Xasaasi Ah Maraya Iyo Gudi Isu Xilqaantay Inay Labada Murashax Kala Reebaan Ka Hor Codaynta

Hargaysa 21.October 2016 (SDN/QJ):- Labada musharax ee u tartamaya kursiga madaxweyne ku xigeenka xisbiga waddani axmed muumin seed iyo Dr Maxamed Cal Cabdi ayaa loolankooda Labadii Caano maal ee u Danbeeyay si weyn looga dareemayay Shirkii koowaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI, Waxaana si weyn loo saadaalinayaa inuu Labadaasi nin uu dhex maro Tartan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Bulshada Gobolka Hawd Oo Ka Biyo Diiday Hadal la Soo Wariyey Inuu Gudoomiye Cirro U Soo Laqimay Xoghayaha Guud ee Waddani

Hargaysa 21.October 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Md. Maxamed Cabdilaahi(uurcadde), ayaa shaaca ka qaaday xilliga rasmiga ah ee uu guddoomiye Cirro wareejin doono kursiga guddoomenimo ee loo ballan qaaday xildhibaan Cabdiqaadir Jirde. Waraysi uu Xoghaye Uurcadde siiyey idaacadda BBC-da, ayuu sheegay in heshiis hoose laga gaadhay xilliga rasmiga ah ee uu Cirro ka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Sharciga Anaga Ayaa Dhigna. Runtii Waxaynu Dhaxalnay Oo Aynu Ka Guuri Kari Weynay.” Daawo Xildhibaaan Rayte DAAWO

Hargaysa 21.October 2016 (SDN/QJ):- Halkan hoose ka daawo muuqaalka Warka Xildhibaan Rayte oo khudbad ka jeediyey goobta uu ka socdo shirka Golaha dhexe ee xisbiga Waddani ee Hargeysa.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

 “Qarankani Waxa Uu U Baahan Yahay Is Baddal Siyaasadeed Oo Ku Dhisan Barnaamij Siyaasadeed Oo Ka Turjumaya Baahiyaha Qarankan Waxaana Soo Wada WADDANI…” ……Aqoonyahan Xamse C/raxmaan Khayre

Hargaysa 21.October 2016 (SDN/QJ):- Qaar Ka Mid Ah Labeenta Dhallinyarada iyo Aqoonyahanka kasoo jeeda Gobolka Gabiley oo uu hormuud u yahay Aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa si weyn uga dhex muuqday Furitaankii shirweynaha 1aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo xafladdiisa Ballaadhan shalay lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa. Aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan Khayre […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

 Dawlada Federaalka Somalia oo soo saartay Liiska Sida Beelaha loogu qeybiyey Kuraasta Aqalka Hoose & Qabiilo qasab looga dhigay AKHRI

Muqdisho 21.October 2016 (SDN/QJ):- Dowlada Somali ayaa soo saartay Dukumenti ay ku qoraan yihiin sida ay beelaha Somaliyeed u kala leeyihiin Kuraasta Barlamaanka Somalia iyo waliba Qabiilada ay qasabka ku tahay in ay haween u soo sharaxaan kuraastoda Aqalka hoose. Dukumentigaan ayaa waxaa sidoo kale lagu cadeynayay qaybta haweenka ee Boqolkiiba 30 % iyo sida […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »