Bangui Jan. 20, 2014 (SDN/Reuters)- Baarlamaanka dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa maanta Madaxweyne ku-meelgaadh ah u doortay haweenayda maayarka ka ah magaalada caasimadda ah ee Bangui, si ay u hoggaamiso dalkaas oo bilihii u dambeeyay ku jiray dagaalo ku salaysan dhanka diimaha.
Doorashada Catherine Samba-Panza ee Isniinta maantu waxay timi iyadoo Midowga Yurub uu isku raacay inuu 500 oo ciidamo ah u diro dalkaas, si ay gacan uga gaystaan soo-celinta xukunka, siday ku warantay Reuters.
Madaxweynaha cusub Ms. Catherine Samba-Panza oo 59-jir ahi, waxay ku soo baxday wareeg labaad oo codayn ah, iyadoo codad gaadhaya 75 kaga adkaatay Mr. Desire Kolingba oo ah wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Jamhuriyadda Afrikada Dhexe, kaasoo helay 53 cod.
Doorashadeedu waxay timi markii uu cadaadis la saaray ka dib xilka ka degay Mr. Michel Djotodia, Madaxweynihii kumeel-gaadhka ahaa ee ay taageerayeen jabhadda Muslimiinta ee magacooda loo yaqaano ‘Seleka’, kuwaasoo xukunka qabsaday bishii March ee sannadkii lasoo dhaafay. Xilligaas ka dib, waxa bilaabmay xadgudubyo ay ku kaceen dagaal-yahanka Muslimiinta ‘Seleka’, kuwaasoo weeraro aargudasho ah ku maleeshiyaadka Kiristaanka oo lagu magacaabo ‘anti-balaka’, taasoo kicisay qulqulatooyin aan caadi ahayn oo u dhexeeya bulshooyinka kala duwan Kiristaanka tirada badan iyo Muslimiinta laga tirada badanyahay. Mr Djotodia oo xilka ka degay 11-kii bishan aynu ku jiro ee January, waxa uu noqday hoggaamiyihii ugu horeeyay ee Muslimiinta dalkaas ka soo jeeda ee qabta xukunka Jamhuuriyaddooda aan badda lahayn, kadib markii cadaadis caalami ah lagu saaray markii uu ku guuldaraystay inuu soo afjaro dhiigga daadanaya.
Dawladda Faransiiska oo hore u gumaysan jirtay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, waxay durba 1,600 ciidamo ah geysay dalkaas, iyadoo Midowga Afrika geeyeen ilaa 5,000 askari.
Siday ku warantay qaybta dunida la hadasha ee BBC-du, dilalkii diimeed ee u dambeeyay waxay ahaayeen dilka laba bulshada Muslimiinta dalkaas ka soo jeeda oo shalay kooxaha Kiristaanku ku dileen caasimadda Bangui, kadibna ay maydadkooda jidadka ku gubeen.
“Anigu waxaan ahay Madaxweynaha dhamaan dadka [Jamhuuriyadda] Afrikada Dhexe, iyadoo la kala saarayn,” ayay tidhi Mayor Catherine Samba-Panza kadib markii ay hantiday guusha madaxtinimada dalkaas.
“Waxaan ka codsanayaa kooxdayda anti-balaka [kooxda Kiristaanka dalkaas] iyo Seleka [jabhadda Muslimiinta dalkaas] dhalintoodu inaad I dhegaysataan iyo inaad dhulka dhigtaan hubkiina,” ayay tidhi siyaasiyadda u dhalashadeedu Chad tahay, taasoo u guurtay dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe markii da’deedu 18-jirka ahayd.
Kadib guusheeda doorashada, dadku waxay heeso iyo qoob-ka-ciyaar ula soo baxeen jidadka webiga cidhifkooda ee caasimada Bangui, si ay ugu dabaal-degaan xulashada Maxmiyaddii hore [Afrikada Dhexe], taasoo ka dhigaysa haweenayda saddexaad ee hoggaamiye qaran ka ah qaaradda Afrika, kadib Madaxweynaha xilligan ee Malaawi Ms. Joyce Banda iyo Madaxweynaha Laybeeriya Ms. Ellen Johnson-Sirleaf.
Qalaalaha diimeed ee ka socda dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, waxa ilaa haatan ku barakacay ilaa hal milyan oo qof.
Kooxda ugu wayn Kiristaanka ee maleeshiyaadka ‘anti-balaka’ oo hore ugu hanjabay inay ka horjeedsanayaan codaynta, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin natiijada doorashada. “Waa haweenay, taasoo ah ta keeni karta nabadda,” ayuu afhayeenka kooxdaasi Mr. Sebastien Wenezoui u sheegay wakaalada wararka ee Reuters. Laakiin, BBC-du waxay ku warantay in labada dhinacba; anti-balaka iyo Seleka ay aqbaleen doorashadeeda. Haweenaydani waa Kiristaan, balse waxa loo arkaa in siyaasad ahaan dhexdhexaad tahay. June 26-keedii, 1954, waxay ku dhalatay dalka Chad, waxaana iska dhalay aabaheed oo markii hore ka yimi Camaroon iyo hooyadeed oo ka timi Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe [CAR], sidoo kalena waa haweenay guul ka gaadhay dhinaca ganacsiga, siday qaybta dunida la hadasha ee BBC News ku warantay. Madaxweynaha cusub Ms Samba-Panza, waxay sannadkii 2003 hoggaamisay wada-xaajoodkii Qaran ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.
Qurbejoog.com, Bangui
