|

Barnaamij Xiiso leh oo Ku saabsan Kulan ay Bulshada ku dhaqan Tuulada Toon iyo Jiidaha ku Xeerani ku Shaaciyeen in laga Bilaabo Maanta ay Hoos tagi doonaan Caasimada Hargaysa DAAWO

Hargaysa 31.Oct 2014 (SDN/QJ)- Waxaa Maanta Tuulada Toon ka qabsoomay Kulan Balaadhan oo ay isugu Yimaadeen Waxgaradka,Aqoon yahanka iyo Dhallinyarada Jiidaha ku Xeeran Tuuladaas oo ay ka Mid Yihiin Deegaamada Sharmaake, Galoole, Iyo Ubaale kaas oo ay ku Shaacinayeen Go’aan Nuxurkiisu ahaa in Wixii haatan ka bilowda ay hoos tagayaan Caasimada halkii markii hore laga Xukumi Jiray Degmada Sallaxley.

Qaybihii kala duwanaa ee Bulshadii Kulankaasi  ka qayb qaadatay ayaa iska daba maray inay Deegaan ahaan Markii hore hoos tagi jireen Caasimada hargaysa balse Xiligii la magacaabay Degmada Sallaxley si Caadifadaysan loo hoos geeyay Deegaankan oo aan Maanta Booqasho ku tagnay waxaa ka Muuqday Dib u dhacyo dhinacyo kala duwan taabanaya arrinta ugu weyn ee laga arkayo ayaa ah in aanu Jirin Xarun Caafimaad oo Bulshada gargaar loogu fidiyo.

Tusaale ahaan Tuulada Toon waxaa ku yaala Kastam Cashuurtiisa ay qaado degmada Sallaxley kamana Muuqato Wax dadka Jiidaas ku dhaqan loo qabtay.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed