Uncategorized

Beesha Ciidagale Wayne Oo Noqday Beeshii Ugu Horeysay Ee Hadhimo Sharafeed U Sameeyay Xulka Kubadda Cagta Ee Gobolka Awdal Balan Qaday Hadii Xulka Badiyo Diyarad ku Galbin Donaan Hargaysa ilaa Borama (Sawiro)

Hargaysa 12Jun13 (SDN) Hadhimo sharafeed loo sameeyay Xulka Kubada Cagta Ee Gobolka  AWDAL, Hadhimo sharafeedkaas oo ay soo qaban-qaabiyeen Gudiga Beesha Ciidagale , taas oo ka qabsoontay Star Hotel  ee magaalada Hargeisa. Waxa kasoo qaybgalay gudiga Beesha Ciidagale, Lataliyaha madaxwaynaha ee arimaha doorashooyinka iyo gudiga golaha deegaanka ee gobolka
awdal.

Munaasibadaas hadhimo sharafeedka ah oo ay ka hadleen, Caaqil Abdirisaq Mohamed Askar, isagoo sheegay inay duco iyo dar-daaran iyo taageeroba la garabtaaganyiin kooxda gobolka awdal. Waxa kale oo isna ka hadlay goobtaas La taliyaha madaxwaynha ee arimaha doorashooyika Mohamed Muuse Abees, kaas oo ku dar-dargaliyay kuna amaanay kaalinta fiican ee ay kaga jiraan koobka gobolada Somaliland.

Sidoo kale waxa isaguna munaasibadaas uga mahad-celiyay hadhimada ay u qabteen dhaliyaradaas xoghaya dawlada hoose ee gobolka Awdal, isagoo sheegay inay beeshanu tahay beeshii ugu horaysay ee gobolka casuunta, abaalkeedana ay u hayaan.

Geba-gebadii munaasibadasi waxa ka hadlay Gudoomiyaha guud ee Beesha Ciidagale Abdirashiid Mohamed Jaambiir Suldaan, waxaanu ku furay munaasibadaas “waan u ducaynayaa kooxda inay noqoto kooxda ku guulaysta koobka ciyaaraha Somaliland, kuna guubaabiyay inanay ku kala qaybsamin qabyaalad iyo maamul-xumo, maamulkoodana ka amarqaataan, kana midho-dhaliyaan hamiga goboka ee ay u joogan caasimada”.

Waxa kale oo uu gudoomiyuhu ka hadlay  “Maadaama oo aanu nahay beel ay haybta wadaagaan yihiin beesha degta gobolka awdal waxaanu balanqaadaynaa haddii xulka gobolku ku guulaystaan koobka inaanu xaflad aan meeqaamkeeda hore loo arag u samayndoono, isla markaana aanu diyaarad gaara ku qaadi doono Hargeisa ilaa Boorama”.

 

Xigasho boramaonline