Hargaysa 12.June (SDN) Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Maxamud Maxamed Xuseen Xoog ayaa soo gabo gabeeyay Kulan ay saddexdii biloodba mar isugu yimaadaan wasaarada caafimaadka iyo hay’adaha shaqo wadaagta ay leeyihiin oo ka Socday Huteel Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka oo Madashaasi ka hadlay ayaa tilmaamay ahmiyada uu kulankani leeyahay iyo Sida ay Wasaarad ahaan u danaynayaan in Bah’weynta Caafimaadka dalka in loo qabto Kulan Noocan oo kale ah,Wasiirku Waxa uu Sheegay in Shir Hawleedkan lagaga hadlayay Xanuunada dhinaca Maskaxda,Dhalaanka iyo Hooyada.
Dr Xuseen Maxamud Maxamed Xoog waxa kale oo uu sheegay in kulankani uu ku soo beeg-may waqti ay wasaarada caafimaadka iyo hay’adaha la shaqeeyaa ay wada jir ugu howl-galeen qorshe is-tiraatiijiya oo shan sanadood ah oo hadda la bilaabay guda galkiisa.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
