|

Brazil oo Hantidey Fifa Confederation Cup 2013 Markii Ay Spain Ku Sagootisey 3-0 By Jaahuur.

Rio-De-janerio-June-30-2013-qurbejoognews-.com-Ottawa-Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu maanta  ula qaxaynaa xagaaiyo carigaa Brazil iyo koobkii Fifa Confederation Cup oo lagu kala faataxaystey markii Brazil aay 3-0 ku dubatey Spain.

Akhyaarta ciyaartan oo aad u xiisa baneyd waxaa ka soo qeybgaley dadweyne garoonka soo buux dhaafiyey oo kor u dhaafey 70,000 iyo dabcan taageerayaasha labada dhinac ee waraabowga qaba.

Haddaba labadan xul oo Semi finalkii ka soo kala badiyey xulka Uruguay iyo xulka talyaaniga ayaa labadii cissho ee aynu soo dhaafney isu miciya lisanaayey.

Haddaba ciyaartan oo la wada sugayey ayaa ku bilaabanteey weerar aan kala g’o lahayn oo ay labada xulba isku qaadeen,walow Spain oo lagu  yaqaney isku dhiib-dhiib gaban oo aan jaanisba la siinin taas oo Brazil u suurta galisey iney si xalad leh ku badiyaan.

Asxaabtey ciyaarta qeybteedii daqiiqadii 2-aad ayaa Brazil waxaa gool aad u quruxbadan u saxeexay FRED kii labaadna waxaa daqiiqaddii 44-aad u raaciyey NEYMAR isla kii Qalbijabkana waxaa ku sagootey FRED,walaow ay Spain iska khasaariyeen rigoore Penelty daqiiqaddii 55-aad.

W/Qorey Jaahuur

qourbejoognews.com

jjaahuur@hotmail.com

 

 

 

 

 

Comments are closed