Uncategorized

Calanka Somalia Oo Laga Dejiyey Gedo, Ka Ethiopia Oo La Sudhay iyo Shacabka Oo Gadooday

Buula-Xaawo:02-jan-2014 (SDN)-Wararka Saaka Laga Helayo deeganka Bohol-Garas oo ka tirsan gobalka Gedo, ayaa sheegaya in ciidamada Etoobiyaanka ah ee Halkaas ku sugani ay Dejiyeen Calankii somalia ee Halkaas ka Taagnaa, isla-markaana ay Sudheen Midka Ehiopia.

sudhayShacabka Deegaanka  ayaa markii ay warkan heleen si weyn uga cadhooday, waxana Goobta ka Dhacay Dagaal iyo Gacan ka hadal dhex maray Ciidanka ajaanibka ah ee Calanka Dejiyey  iyo Shacabkii Goobahaaas ku noolaa.

Ma cadda khasaarasha ka dhashay rabshadaha ka dhacay deeganka Bohol-Garas, waxaana la sheegayaa in arrinta ay soo dhexgaleen maamul ka dhisan halkaas balse aan awood badan lahayn.

Si kastaba deeganka ayaa weli waxaa ka taagan xiisad u dhexeeya dadka shacabka ah iyo ciidamada Ethiopia, waxaana weli deeganka ka sudhan calanka Ethiopia.

 

Tallaabadan ay ciidanka Ethiopianka ahi qaadeen ayaa ah mid ka hor imanaysa umadnimada iyo Qaranimada somalia, waxana ay caddaynaysaa in waddanka ay haystaan oo ka taliyaan ciidanka Ehiopia, iyagoo sida ay haatanba yeeleen calankooda ka dhex taagaya ciidda somalia.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com