Addis Ababa:02-Jan-2013(SDN)-Midowga Afrka ayaa si kulul u cambaareeyey Qaraxyadii Xalay lala Eegtay Hutel Jazeera ee Magaalada Muqdisho oo keenay Dhimasho iyo dhaawac badan.
War-saxaafadeed ka Soo Baxay xafiiska Danjiraha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Saalax Annadif ayaa si kulul loogu cambaareeyay qaraxyadii loo adeegsaday gawaadhida oo xalay ciidamadu ku fashiliyeen bannaanka hore ee Hotelka Jasiira.
War-saxaafadeedka Midowga Afrika oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakadda Caalamiga ah ee Qurbejoog.com, ayaa u dhignaa Sidan:
“Laba gaadhi ayaa ku qaraxday banaanka hore ee Hotelka Jasiira xilli ay halkaasi ku sugnaayeen ciidamada dowlada oo iyagu ku guuleystay iney fashiliyaan qaraxyadaasi, dowladuna waxa ay dadaal ugu jirtaan daryeelka dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadaasi’’ Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.
Danjire Annadif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka lagu qaaday Hotelka Jasiira, isagoo xusay in bishii September ee sanadkii 2012 hoteelkaasi lala beegsaday qaraxyo noocan oo kale ah, xilligaasi oo uu ku sugnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhinaca kale waxa la filayaa in dunida kalena sidan oo kale u cambaarayso weerarkaas oo ahaa kii ugu khatarsanaa ee dhawaanahan laga fuliyo magaalada Muqdisho, isagoo muujiyey in wali ammaanka Muqdisho uu meel halis ah marayo.
S.D.N
