Tirada Soomaali ay Qoymiyadda Oromadu Ku Xasuuqday Deegaanka Jaadka Haawadaay ee Dalka Itoobiya

Haawaday 14. September 2017 (SDN/QJ):- Ugu yaraan 36 Qof oo Soomaali ah, ayaa habeen hore illaa shalay lagu dilay deegaanka Hawadaay ee Bariga dalka Ethiopia, kuwaas oo ay si badheedh ah u xasuuqeen Dad ka tirsan Qoomiyadda Oromada oo ah Dadka tiro ahaan ugu badan Dalka Itoobiya. Dilalkan ayaa daba socda rabshado u dhexeeyay maalmihii…

Read More

Weftiga Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo Booqday Dekedda ugu weyn Imaaraadka ee Jabal-Cali ee Dubai oo DP World Gacanta ku Hayso

Dubai 14. September 2017 (SDN/QJ):-Wefti ay hoggaaminayso Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo socdaalkeeda uu ku wehelinayey Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Safiirka soamliland ee isku taga Imaaraadka Carabta ayaa kormeer ku gaalaa bixiyey dekeda weyn ee Jabal Cali oo ay maamusho shirkada DP World, Waxaanay soo mareen dhamaan qaybahaasi kala duwan ee Dekedda….

Read More

Sawir Saamayn Yeeshay oo Qiiro ku Abuuray Dunnida Muslimka oo laga soo Qaaday Tacadiyada Qoomiyada Rohinga!!

Bangladesh 14. September 2017 (SDN/QJ):- Waxaa baraha bulshadu si weyn u qabsaday sawir dad badan khiiro ku abuuray oo laga soo qaaday Qaxootiga qowmiyada muslimiinta Rohingya ee soo gaaray dalka Bangaladesh. Sawirka ayaa muujinaya wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah qaxootiga halkaas yimid kaasoo labadiisa waalid oo da’ ah ku soo qaatay dhabarka.  …

Read More

Baarlamaanka Somali oo Isku Raacay inay Gudi Baarlamaan soo Baadhaan Qadiyadii Dhiibistii C.kariin Qalbi Dhagax DAAWO

Muqdisho 14. September 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo kulankoodii shalay dood adag ka yeeshay go’aanka xukuumada ee ka dhanka ahaa Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, ayaa siweyn ugu kala qeybsamay arintan iyo tallaabada ay qaaday xukuumada. Taradii ugu badneyd xildhibaannadii ka hor hadashay baarlamaanka waxaa ay siweyn u soo dhaweeyeen go’aanka xukuumada, iyaga oo…

Read More

Markii u Horaysay oo Haweenay Muslimad ah Loo Doortay Hogaaminta Waddanka Singapore

Singapore 14. September 2017 (SDN/QJ):- Haweeney muslimad ah ayaa madaxweyne loogu doortay dalka Singapore Markii ugu horreysay in ka badan 47-sanno. Halimo Yaqub oo 62 jir oo kana soo jeeda Qowmiyadda Malaay ee looga tirada badan yahay dalkaasi ayaa si doorasho la’aan ugu guuleysatay xilkaasi ka dib, markii ay Guddiga Doorashadda sheegeen inuusan jirin Musharax…

Read More

Madaxweynaha Somalia oo Martiqaad ka Helay Dawlada Qatar Kadib Markii ay Go’aan Dhex Dhexaad ah ka qaadatay Xayiraadi Isbahaysiga Sucuudigu ku soo Rogeen & Kulan Muhiim ah oo uu Ka Baaqanayo

Muqdisho 14. September 2017 (SDN/QJ):- Dowlada Qadar ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ku casuuntay shir gaar ah oo la filayo in bishan uu ka dhaco magaalada New York ee dalka Mareykanka. Sii Hayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohamed oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa labo casuumadood soo kala…

Read More

Gantaalo Casri ah oo Turkigu u soo Iibsaday Difaaca Cirka & Dhaqaalaha Hor dhaca ah ee Kaga baxay

Ankara 14. September 2017 (SDN/QJ):- Dowlada Turkiga ayaa Ruushka ka iibsanaysa Gantaalo Casri ah oo loogu tala galay difaaca cirka, waxaana Heshiiskan labada dowladood kala saxikixdeen uu noqonayaa mid xriirka labada dhinac sii xoojinaya. Ruushka ayaa ogolaaday in dowlada Turkiga ka iibiyaan Gantaalada casriga ee lidka diyaaradaha ee S-400, waxaana hubkan difaaca cirka loogu tala…

Read More

Ma la Socotaa Akhriste in Biyo Cabista badani ay Qofka ka Ilaaliso Labada Nooc ee Cudurka Kansarka ee Ku dhaca Kaadi haysta iyo Xiidmaha?

Hargaysa 14. September 2017 (SDN/QJ):- Hay’adda daryeelka caafimaadka aasaasiga ah ee dalka Qatar ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in biyo badan oo qofku uu cabbaa ay ka hortag u noqon karto laba nooc oo ka mid ah kansarka. Warmurtiyeed rasmi ah oo ay hay’addu ku faafisay barta ay ku leedahay barkulanka bulshada ee…

Read More

Cinabka oo La Ogaaday inuu Xoojiyo Caafimaadka Maskaxda,Dheef-shiidka, Indhaha,Caloosha,Sanbabada iyo Wadnaha!!

Hargaysa 14. September 2017 (SDN/QJ):- Cinabka oo ka mid ah cuntooyinka xilliga xagaaga soo go’da ee si isku mid ah ay carruurta iyo waayeelkuba u jecel yihiin ayaa ay xeeldheerayaasha caafimaadku caddeeyeen in uu leeyahay faa’idooyin caafimaad oo tiro badan. Qormadan oo uu Wargayska Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa aynu ku eegaynaa qaybaha ugu…

Read More

Sagaal Weydiimood oo Loo aqoonsaday in Dadkii ugu Badnaa ay Sanadka Ku Baadheen Google-ka

London 14. September 2017 (SDN/QJ):- Wargeyska Daily Telegraph oo ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa dhowaan baahiyey warbixin uu ku eegayo su’aalaha ugu badan ee ay dadka dunidu jawaabahooda ka dhex raadiyaan bogga baadhista internet caanka ku ah ee Google. Si’aalahaas oo lagu eegay su’aal kastaa nuxurka jawaabta ay raadinayso iyada oo aan la eegay…

Read More

Golaha amaanka Qaramada Midoobay oo isku raacay Cuno qabatayn Dhinacyo kala duwan leh oo lagu soo rogay Dalka Kuuriyadda Waqooyi

New York 14. September 2017 (SDN/QJ):- Goleha amaanka ee Qaramada midoobay ayaa si mug leh u ansixiyey in cunaqabatayn dheeraad ah lagu soo rogo dawlada waqooyiga kuuriya, ka dib markii bishan sedexdeedii ay tijaabisay qunbulad Haydarojiin ah. Cunaqabatayntan cusub ee lagu soo rogay xukuumada Biyoon-yaan ayaa sheegaysa in dhinaca shidaalka laga galiyo xayiraad iyo suuqgeynta…

Read More

Shirkadda Apple Oo Soo Saaraysa Taleefoonkii Ugu Casrisanaa Ebed Iyo Noocyadda Uu Yahay & Sida ay Farsamadiisu u weyn tahay

Washington 14. September 2017 (SDN/QJ):- Muddo 10 sano ah ayaa laga soo wareegay markii ugu horeysay ee shirkadda Apple ay soo saartay taleefoonada gacanta ee casriga ah, balse 10 guuradeeda awgeed ayaa waxaa hadda lasoo saarayaa kii ugu casrisanaa ebed. Inkasta oo isbadalo badan lagu sameeyay taxanaha taleefoonada Apple ee IPhone loo yaqaano, ayaa haddana…

Read More

Amnest International oo Cod dheer ku Canbaaraysay Isbahaysiga Sucuudigu hogaamiyo ee Gulufka ku haya Dalka Yemen

Washington 14. September 2017 (SDN/QJ):- Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan ilaalinta xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International ayaa dhaleecayn xoogan u soo jeedisay isbahaysiga Sacuudigu hogaamiyo ee dagaalka ka wada gudaha dalka Yaman, iyadoo ku eedeysay in ay duqeyn aan loo meel dayin ka wado dalkaasi. Hayaddu waxa ay intaasi ku dartay in shan weerar oo…

Read More

Raysal Wasaaraha Bangladesh oo Booqashadeedii Kowaad Ku tegaysa Xeryaha ay Ku Sugan yihiin Qaxoontiga Qoomiyada Rohinga

Bangladesh 14. September 2017 (SDN/QJ):- Ra’iisal wasaaraha dalka Bangalo-dheesh Sheekh Xasiino ayaa markii u horaysay booqanaysa xeryaha ay ku sugan yihiin qaxoontiga Rohinga ee ka soo barokacay dalka Mayarmaar, kuwaas oo tiradooda lagu qiyaasay sedex boqol oo kun in ka badan. Hase ahaatee, qaxoontiga Rohinga ayaa si joogto ah ugala kulmaya ciidamada qaranka xukuumada Burma…

Read More

“Dugsiyadii Aan Lacagta Soo Shubin Heli-maayaan Shahaadooyin, Arday Aan Shahaado Haysanna Fasalka Fadhiisan Maayo…” Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka

Hargaysa 14. September 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax, ayaa sheegay inay Sabtida Toddobaadka soo socda ku dhawaaqi doonaan Natiijada Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Sannad-dugsiyeedka 2017-2018-ka. Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax (Daa’uud Gadh-weyne) oo Shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa, ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Waxaanu iclaaminaynaa in aanu Imtixaankii Shahaadiga ahaa…

Read More

Komiishanka Doorashooyinka oo Shaaciyey Dhamaadkii Qaadashada Kaadhka Codbixinta Iyo Isu Diyaarinta Qabsoomida Doorashada oo ay ka Hadhay Mudo Lixdan Cisho ah SAWIRO/DAAWO

Hargaysa 13. September 2017 (SDN/QJ):-Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo maanta ku qabtay Xaflad ay Ku Shaacinayeen Dhamaadka Hawlgalkii qaadashada Kaadhka Codbixiyaha taas oo lagu qabtay Huteel Ambassador ee Magaaladda Hargaysa. Waxaa Kulankaasi ka qayb galay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha wakiiladda, Taliyeyaasha Ciidamada,Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani, Gudoomiye ku xigeeynka 1aad ee xisbiga Kulmiye, Guddoomiye…

Read More

Xisbiga WADDANI oo Xaflad Soo Dhaweyn ah Ku Qaabilay Siyaasiyiin iyo Wax-garad Ka Soo Jeeda Mid Ka Mid ah Beelaha Gobolka Saaxil oo Ka Soo Guuray  Xisbiga KULMIYE SAWIRO

Hargaysa 13. September 2017 (SDN/QJ):-Xaflad ballaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay isla mar ahaantaan Xisbiga WADDANI uu soo dhaweyn ugu sameynaayey Siyaasiyiin, Wax-garad, Aqoonyahan, Haween, Dhallinyaro iyo Madax-dhaqameed tira badan oo ka soo jeeda beelaha Reer Caddaawe ee Ciisa Muuse oo ka soo diga-rogtay Xisbiga KULMIYE isla mar ahaantaana ku soo biiray…

Read More

Magacyada Rag Ka Mid Ah Ganacsatada QAADKA Oo Intooda Badan U Dhasheen Somaliland, Oo Dad Gadooday Oo Qoomiyadda Oromada Ahi Ku Laayeen Magaalada Hawaday Shalay

Hargaysa 13. September 2017 (SDN/QJ):-Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay in ka badan 600 oo qof oo kalena waa ay ku barakaceen rabshado cusub oo ka billowday Bariga Itoobiya. Wararka halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in dhowr qof ay ku dhinteen rabsahdo shalay ka dhacay magaalooyinka ku yaalla Bariga Itoobiya. Tiro kale oo dad…

Read More

“Xisbiyada Uu Loollanku Ka Dhexeeyaa Ha Ku Kalsoonaadaan Dastuurka Iyo Komishanka Qaranka..” Madaxweyne Axmed Siilaanyo DAAWO

Hargaysa 12. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo ayaa Maanta khudbad ka jeediyey Xaflad lagu Daah-furay Barmaamij-siyaasadeedka cusub ee xisbiga Kulmiye taasi oo lagu qabtay Hargeysa. Munaasibaddan oo sidoo kale ay ka qayb-galeen Hoggaanka Xisbiga KULMIYE, taageerayaal iyo Marti-sharaf kale, ayaa waxa Khudbad dheer ka soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland, waxaanu khudbaddiisa ku bilaabay…

Read More

Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Kulan la Qaatay 7-da Xubnood ee Komiishanka Doorashooyinka Qaranku Ka Kooban Yahay & Nuxurka Qodobada laga Wada Hadlay

Hargaysa 12. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha JSL mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabile 7-da Xubnood ee uu ka kooban yahay  Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Komishanku waxay Madaxweynaha warbixin faah-faahsan ka siiyeen habsami u socodka hawlihii diwaan-gelinta, kaadh-qaadashada iyo u diyaar garowga qabsoomida Doorashada Madaxtooyada 13.11.2017. Komishsnku waxay Madaxweynaha si mug iyo miisanba leh ugaga…

Read More