Faysal Cali Waraabe Oo Markii U Horreysay Qiray In Jamaal La Soo Saaray Xisbiga UCID, Kana Sheekeeyay Ballan Uu Kaga Yimid Qoyskiisa Qurbaha Deggan

Hargaysa 16.Sep 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa markii u horreysay qiray in Jamaal Cali Xuseen uu Xisbiga la soo saaray markii ay dhaceysay Doorashadii Golayaasha deegaanka ee Somaliland ka dhacay Sannadkii 2012-kii, laakiin heshiiskii ay Musharraxa Madaxweynaha ugu doorteen aanu hirgelin, sidaa daraadeed xaq loogu leeyahay in lagula…

Read More

Maxay Dhakhaatiirta Qalliinku Isaga Bedeleen Lebbiska caddaa? (Xogta Dahsoon) DAAWO

Hargaysa 16.Sep 2016 (SDN/QJ):-Xilyadii hore dhakhaatiirta Qalliinku waxay xidhan jireen lebbiska cadaanka ah ee caafimaadka taasoo calaamad u ahayd nadaafadda, laakiin bilowgii qarnigii labaatanaad ee taariikhda miilaadiga ayaa nin dhakhtar ahi oo qalliinka ka shaqeeyaa waxa uu gashaday dhar midabkiisu cagaar yahay isagoo aaminsanaa in midabka cagaarka ahi uu u roon yahay daymada isha qofka…

Read More

“Nooma Socon Karo Wadahadalku Lamana Wadi Karno Cid Aan Xeerinayn Oo Aan Wax Xidhaaba Jirin…” Wasiirka Arrimaha Gudaha Prof Faratoon

Laascaanood 16.Sep 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay Koox Dablay Hubaysan ah oo niskii dambe ee Habeennimadii Ciiddu soo galaysay ee Isniinta weerar ku qaaday Guri  ku yaalla magaalada Laascaanood  oo ka mid ah goobaha ay ka socotay diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha, waxaanay Kooxdaasi qafaasheen Askari ka tirsan Ciidanka Booliska, isla…

Read More

Xildhibaano iyo Waxgarad ugu Baaqay Bulshada Degmada Widh Widh inay Maalmaha Hadhay ka Faa’iidaystaan oo Is Diiwaangeliyaan DAAWO

Widh Widh 16.Sep 2016 (SDN/QJ):-Xildhibaan C.kariin Faarax Budeeye oo ka Tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida isla markaana Mudooyinkii u danbeeyay ku Sugnaa Deegaano ka Tirsan Gobolka Buuhoodle ayaa ugu Baaqay Bulshada ku dhaqan Degmada Widh Widh inay ka faa’iidaystaan maalmaha ka Hadhay hawsha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka.

Read More

Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland Oo Lagu Dhaliilay Inaan Adeega Liisamadda Baabuurta Lagu Bixin Ceerigaabo

Ceerigaabo 16.Sep 2016 (SDN/QJ):-Ciidamada nabadgeliyada wadooyinka   ee   magaaladda Ceerigaabo ayaa shalay   xabsiga u taxaabay dirawaladda gaadiidka  yar yar  ee loo yaqaano  Bajaajta, ee   ka dhex shaqeeya magaaladaasi. Taliyaha   qeybta booliska ee gobolka   Sanaag Gaashaanle C/casiis Sheekh Ismaaciil,   oo warbaahinta  la hadlay  ayaa  sheegay in dirawaladda gaadiidkaasi  Bijaajta ee ay  soo xidheen aanay lahayn  lambarkii baabuurta,…

Read More

Xildhibaan Reer Holland ah oo Diiday inuu Gacan qaado Ra’iisal Wasaaraha Yuhuudda, Laabtana ku xidhay Calanka Falastiin!!

Hargaysa 16.Sep 2016 (SDN/QJ):-Ra’iisul wasaaraha Waddanka Yuhuudda Benjamin Netanyahu Xili uu Todobaadkii Tegay booqasho ku maraya dalka Holland ayaa weji gabax xoog leh kala kulmay xildhibaan ka tirsan baarlamanka dalkaasi Holland oo salaanta ka qaadi waayay kadib markii uu xildhibaankaasi diiday in uu gacan qaado. Xildhibaan Tunahan Kuzu oo saf kula jira siyaasiyiin kale oo…

Read More

Cuqaal iyo Dhalinyaro ka soo Jeeda Magaalada Boorama oo Madaxweyne siilaanyo Go,aankiisii uu ku kala qaaday Labada Doorasho ku Taageeray DAAWO

Boorama 16.Sep 2016 (SDN/QJ):-Waxgaradka,Iyo Qaybaha Bulshada ee Gobolka Awdal ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Ku hambalyeeyay Go’aankii uu ku Kala qaaday Labada Doorasho ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiiladda. https://www.youtube.com/watch?v=QcUgi1fKhHU&feature=youtu.be

Read More

Edna Aadan Oo Naqdiday Bayaankii Urur-Goboleedka Igad ay ka soo Saareen Magaalada Muqdisho & Soo Bandhigida Qodobo ay Ku Gabood Faleen DAAWO

Hargaysa 16.Sep 2016 (SDN/QJ):-Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, ayaa nasiib-darro ku tilmaantay go’aankii madaxda dalalka ku bahoobay ururka IGAD ay ka soo saareen shirkii ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya oo ay ku dafireen jiritaanka xuduudaha iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Drs. Edna Aadan oo ka mid…

Read More

DAAWO:-“Ma noqonaayo madaxweyne ku xigeen marka wax-yar loogga baahdo loo diraayo Boorama, se waxa aan tegi doonaa buuhoodle iyo Laascaanood.”.Murashax Cabdiraxmaan Aadan

Hargaysa 16.Sep 2016 (SDN/QJ):- “Anigu ma ihi madaxweyne ku xigeen ka socda gobalka awdal, se waxa aan ahay madaxweyne ku xigeen ka socda dhammaan goballada somaliland oo dhan. Waxa aan ballan-qaadayaa in ay dhammaan goballada oo dhammi ay ii sinnaadaan, ma noqonaayo madaxweyne ku xigeen marka wax-yar loogga baahdo loo diraayo boorama, se waxa aan…

Read More

Dowlada Sacuudiga oo shaacisay tirada dadka sanadkan ku dhintay waajibaadka Xajka (Imisaa Soomaali ah)

Makkaha 16.Sep 2016 (SDN/QJ):-Boqortooyada Sucuudiga ayaa shaacisay tirada dadka ku dhintay sanadkan gudashada waajibaadka xajka oo shalay lagu soo gebagebeeyey magaalooyinka barakeysan ee wadankaas.   Agaasimaha Waaxda Adeegga Dadweynaha ee Xajka Fahad Abuu Daalib ayaa sheegay in 47 Xaaji ay ku dhinteen Xajkii Sanadkan kuwaasoo intooda badan ahaa dad da’ ahaa. Xujaajta geeriyootay ayaa u…

Read More

Safiirka Britan u fadhiya Sacuudiga oo Islaamay, sanadkana gutay waajibaadka Xajka (Daawo Sawirro)

Hargaysa 16.Sep 2016 (SDN/QJ):-Safiirka dowlada Ingiriiska u fadhiya dalka Boqortooyada Sucuudiga Simon Collis ayaa qaatay diinta Islaamka, isagoo sanadkan ka mid ahaa Muslimiintii gudatay waajibaadka Xajka. Simon ayaa Islaamay kadib muddo dheer oo uu ka shaqeynayey Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingiriiska. Xaaska danjire Simon Collis oo horey u heysatay diinta Islaamka ayaa ugu hambalyeysay ninkeeda…

Read More

Dhacdo La Yaab Leh : Ilmo Yar Oo Ku Hoos Dhintay Kursi Ay Ku Fadhiisatay Gabadhii Masuulka Ka Aheyd !

Hargaysa 16.Sep 2016 (SDN/QJ):-Lagama yaabo caqliga qofka bani-aadamka ah inuu sawirto dhacdadan oo kale waxaana is weydiin leh sidee ayuu qof weyn oo ku fadhiistay kursi yar oo loogu talagalay inay carruurtu ku ciyaarto, isna uu ku fadhiisto oo uu dareemi waayo in ilma yari ku hoos jiro ?.   waxa kale oo is weydiin…

Read More

‘’Xidiguhu Cabdooyow Halkii Xalay Ma Joogaan’’ Cali Guray

Hargaysa 16.Sep 2016 (SDN/QJ):-Israaiil oo taageeradii milatari ee ugu badnayd abid ka heshay Dalka Maraykanka(38 billion) Xaaladda Bariga Dhexe ayaa sabab u ah. Xulafadii maraykanka ee carbeed ee wadamada khaliijku iyaga oo markii horeba danahooda istraatejiga ah aan aragti ka lahayn gaar ahaan dhincyada dhaqaalaha iyo amniga ayanay maantana meel ku lahayn waxna ka ahayn…

Read More

Xeer iyo Xal iyamaa uu Madaxweyne Siilaanyo Ku go’aan Qaatay!!!?

Hargaysa 16.Sep 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Sabtidii todobaadkan ayuu go’aan ka gaadhay caqabadaha hor yaalla doorashooyinka madaxtooyadda iyo wakiiladda ee hore ugu mudaysnaa inay ku qabsoomaan dabo-yaaqada Bisha March 2017-ka. Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa  uu go’aamiyay in la kala qaado doorashooyinka madaxtooyadda iyo ta Golaha Wakiiladda, maadaama oo doorashadda golaha…

Read More

Somaliland wants to secede — will it be Africa’s 55th country?

Somaliland President Ahmed Mohamed Silanyo recently claimed that more than one million citizens, out of the country’s population of 3.4 million, had signed a petition calling for the international community to recognise Somaliland. Since 1991, and the collapse of the Siad Barre regime in Somalia, the region has declared itself independent. But should it? The examples of the secession of…

Read More

“Arooskii La Arko Iyadoo Baabuur Badan Lagu Galbinayo Waa in La Xidhaa” Axmed Madoobe

Kismaayo 15.Sep 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo saaray awaamiir cusub oo lagu mamnuucayo in gawaari fara badan lagu galbiyo aroosyada ka dhacaya magaalada Kismaayo. Axmed Madoobe ayaa sheegay in hada kadib aroosyada ka dhacaya magaalada Kismaayo kaliya lagu qaadi karo labo gaari, waxa uuna intaa ku daray cidii…

Read More

Mucaaradka Tanzania: Dalka wuxuu galayaa gacanta nidaam kaligii-talisnimo ku dhisan

Tanzania, 15.Sep 2016 (SDN/QJ):- Hogaamiyaha mucaaradka dalka Tanzania, Edward Lowassa ayaa muujiyay walaac uu ka qabo hogaaminta madaxweyne John Pombe Magufuli, wuxuuna sheegay in dalkaasi uu si tartiib ah u galayo gacanta nidaam kaligii-talisnimo ku dhisan. Edward Lowassa, oo kaalinta labaad galay doorashadii madaxtinnimada ee dalkaasi ka dhacday sanadkii aan soo dhaafnay ayaa BBC-da u…

Read More