SOMALILAND: Guri ku gubtay magaalada Hargeysa Oo Ay Ku Geeriyoodeen Saddex Caruur Ah

Hargeysa,23,7,2016 (QJ/SDN) – Taliyaha ciidanka dab-demiska Somaliland Axmed Maxamed Xasan [Sawaaxili] ayaa ka warbixiyay guri la sheegay in uu ku gubtay xaafadda idaacadda ee magaalada Hargeysa – iyadoo halkaasiay ku geeriyoodeen sadex caruur ah . waxaana Taliyuhu uu sheegay in uu gurigaasi gubay saddexda caruurta ah aabahood oo xanuunka dhimirka qabay. https://www.youtube.com/watch?v=CC4uMN-r9t0

Read More

XIL. KIJAANDHE: ‘Muuse Biixi Waa Murashaxayga Maanta, Waana Taageersanahay, Waana Dhisayaa’

Hargeysa,23,7,2016 (QJ/SDN) – Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) guddoomiyaha guddida arrimaha dibadda ee golaha wakiilada Somaliland isla markaana ka mid ahaa murashaxiintii Isbahaysiga Xisbiga KULMIYE ayaa maanta si cad u sheegay in uu ka baxay isbahaysigii isla markaana uu taageersanyahay Guddoomiyaha ahna murashaxa xisbigaasi mudane Muuse Biixi Cabdi oo markii hore ay kala mawqif ahaayeen,…

Read More

SAWIRRO: Qaar ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda NILE Academy oo ka baxay Magaalada Muqdisho

Muqdisho,23,7,2016 (QJ/SDN) – Iyadoo ay maanta ku eg-tahay Muddadii ay Xukuumadda Soomaaliya u Qabatay inay Somalia uga baxaan shaqaalaha NILE Academy inay dalka kaga baxaan, ayaa waxaa ka baxay qaar shaqaallaha hay’addan ka mid ah. Hay’adda Nile Academy oo ah Hay’ad aan Dowli ahayn ayaa Muqdisho ku leh Xarumo caafimaad iyo kuwo Waxbarasho, iyadoo Hay’addaan…

Read More

Dawladda Ingiriiska Oo Sheegtay Inay Dawladda Somaliland Siinayso Tababar Ku Saabsan Wanaajinta Xidhiidhka Saxaafadda

Hargeysa,23,7,2016 (QJ/SDN) – Dawladda Ingiriiska ayaa soo bandhigtay heerka uu marayo dagaalka ay dawladda Somaliland kula jirto saxaafadda madaxbanaan. Warbixinta lix biloodlaha ah ee ay dawladda Ingiriisku ka soo saarto xaalada xuquuqal insaanka adduunka, ayaa waxa sannadkan dhinaca Somaliland hadheeyay xiisadda ka dhex oogan saxaafadda iyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Waxay dawladda Ingiriisku gunaanadka warbixinteeda ku…

Read More

Sheekh Aadan-Siiro Oo Ka Hadlay Ujeeddada Afgembigii Dhicisoobay Ee Turkiga

Hargeysa,23,7,2016 (QJ/SDN) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Xaaladda Dunida Muslimiinta ee Xilligan iyo Afgembigii Dhicisoobay ee Toddobaadkii hore ka dhacay Dalka Turkiga. Sheekh Aadan-Siiro oo Jimce walba khudbadaha uu jeediyo ku soo dara Xaaladaha ku soo kordha Dalka iyo Waddamada Dibadda, ayaa sheegay in Turkigu…

Read More

Turkiga Oo Sheegay In Ay Aqbaleen Baasaboorka Somaliland Kana Hadlay Wada Hadaladii Somaliland iyo Somalia

Hargeysa,23,7,2016 (QJ/SDN) – Qunsulka Turkiga u fadhiya Somaliland  Muzaffer Yuksel ayaa sheegay in ay aqbaleen Baasaboorka Somaliland, isagoona xusay in Fiisihii ugu horreeyay ay siiyeen madaxda dalka oo uu ugu horreeyo madaxweyne Siilaanyo. Sidoo kale, Qunsulku waxa uu ka hadlay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya u socday oo uu sheegay inay dib u bilaabmi doonaan…

Read More

Itoobiya, Jabuuti iyo Shiinaha oo Wada-jir u Fulin Doona Mashruuc Ku Kacaya $4 Bilyan

Addis-ababa,23,7,2016 (QJ/SDN) – Dawlada Itoobiya ayaa sheegtay in dhawaan la bilaabi doono mashruuc ku saabsan gaaska dabiiciga ah kaasoo ay ka wada shaqeynayaan hirgalintiisa ayada iyo Jabuuti iyo weliba Shiinaha. Mashruucaa ayaa waxaa uu ku kacayaa aduun lacageed oo dhan $4 bilyan. Arinkaa ayaa shaaca laga qaaday Khamiistii shalay. Waxaa arinkaa shalay shaaciyay waziirka arimaha…

Read More

Mas’uuliyiin Dadaal ugu jira in Qaadka ka baxa Kenya la Geeyo Somaliland – Aqoonsina ay Siiyaan

Nairobi,23,7,2016 (QJ/SDN) – Guddoomiyaha Gobolka Meru Peter Munya oo ah Gobolka uu ka soo baxo Jaadka/Qaadka ay Soomaalidu u Taqaanno Miiroowga ayaa Mas’uuliyiinta ugu sarreeysay Xukuumadda Kenya wuxuu ka codsaday in ay laba jibbaarto in Somaliland lagu qanciyo inay fududeyso in Qaadka Kenya ka baxa loo iib-geeyo Somaliland. Peter Munya ayaa xusay ujeeddada uu u…

Read More

SHEEKH DIRIR: ‘Fatwo ay Culimada Islaamku Iskugu Yimaadeen ayaa Waxay Ku Go’aamiyeen in Jaadku Xaaraan yahay’

Hargeysa,22,7,2016 (QJ/SDN) – Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo ka mid ah culimada magaalada Hargeysa ayaa sheegay in qaadka ama jaadku uu yahay xaaraan – kaddib buu yidhi markii ay ka fatwoodeen culimada islaamku oo ay ku sheegeen in uu yahay Mukhaadaraad. Sheekh Cumar Dirir ayaa waxa uu sheegay in shir culimada diinta islaamku ay iskugu…

Read More

MOOGE: ‘Ceeb ayay innagu Tahay In Aynu Aqoonsi yar Ku Badalanno Sidii Qaadka Miiraha Laynoogu Soo Dhoofin Lahaa’

Hargeysa,22,7,2016 (QJ/SDN) – Cabdikariim Axmed Mooge, wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland ayaa ceeb ku tilmaamay in Somaliland ay aqoonsi aan dhameystirnayn oo dowladda Kenya siiso ay dhaafsato in qaadka nooca loo yaqaanno Miiraha loo soo dhoofiyo dalka. Cabdirkariim Axmed Mooge, oo qoraal kooban bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook ku baahiyay ayaa…

Read More

Trump oo Guddoomay Murashaxnimada Xisbiga Jamhuuriga

Washington,22,7,2016 (QJ/SDN) – Iyadoo shalay loo doortay Donald Trumph inuu noqdo murashaxa doorashada ee u tartamaya madaxweynenimada Mareykanka ayaa uu guddoomay arinkaa. Haatan ayaa uu ballan qaad sameeyay kusaabsan waxyaabaha uu qaban doono hadii la doorto oo madaxweyne uu ka noqdo Mareykanka. Wuxuu sheegay asagoo ka hadlaayay Cleveland carriga Mareykanka inuu la dagaalami doono isla…

Read More

SAWIRRO: Ciidamo Cusub oo ka socda dalka Burundi oo Soomaaliya Soo Gaadhay

Muqdisho,22,7,2016 (QJ/SDN) – Ciidamo cusub oo kasocda dalka Burundi ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ciidamadan ayaana loogu tala galay in ay badal u noqdaan ciidamo kale oo dalkooda dib ugu laabanaya. Saraakiil katirsan Ciidamada AMISOM ,ayaa ciidankan cusub kusoo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde, waxaana ciidamadan buuxin doonaan kaalinta ciidamo kale…

Read More

Yaa Leh Go’aanka Saami qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiiladda? Iyo Qaraarada Hogaamiyeyaashu kala qaataan DAAWO Madaxwayne: Ama jiidh ama ka joog jar baa kaa horeeya eh !!

Hargaysa 22.July 2016 (SDN/QJ):- Xaqiiqadu waa tan. Wakiiladu sidii Golihii ka horeeyay diyaar uma ah in Doorashada Golaha Wakiiladu ay qabsoonto eh waxay doonayaan inay marmarsiiyo ka dhigtaan saami qaybsiga kuraasida wakiilada oo ah tii ay baylihiyeen 11 sanadood oo ay iska fadhiyeen. Mar hadii aanu jirin saami qaybsi kale oo ku salaysan tirokoob sax…

Read More

Xisbiga Ucid: Go’aankii Gudida Diiwaangelinta Mindi Laba Af leh Khilaafkii ay Isku Hayeen oo Gacmahooda lagu Celiyey Iyo Dhawaqyada kala fog ee Saacad Kadib Ka Soo Yeedhay Dhinacyadii Loo Gar qaaday DAAWO

Hargaysa 22.July 2016 (SDN/QJ):- Guddida Diiwaan-gelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka, ayaa Shalay go’aamo ka soo saartay khilaafkii kala erdheeyey Xisbiga UCID, isla markaana sababay inay u kala Jabaan labaddda garab ee ay kala hogaaminayaan Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen. Guddida Diiwaangelinta ayaa sheegtay markii ay dhageysteen labadda garab dacwadda ay isku haystaan,…

Read More

Qisadii Shirqoolkii Afganbi ee Dhicisoobay ee Turkiga Ka Dhacay,Xogo Ku Siinaya Faham Buuxa Iyo Go’aan Qaadasho Waa Qallinkii Kamaal A.Cali

Hargaysa 22.July 2016 (SDN/QJ):- Habeennimadii Sabtidu soo gelaysay ee 15kii Julaay 2016ka, xilli goor sheegtu ku beegantahay 9.30 fiidnimo ee Turkiga iyo Bariga Afrika, dadka Turkiga iyo dadyowga Muslimiinta ah ee duniduna ay soo dhammaysteen maalin fasax ah, ayaa waxa mar keliya lagu soo naxay, war degdeg ah oo ku soo dhacay talefishanka TNV ee dalka…

Read More

“Ciidagale Nimaan Cod na siinin waa Cirka u Tuur…”. Murashax Jamaal Cali Xuseen DAAWO

Qoton-dabo 22.July 2016 (SDN/QJ):- Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa uu khudbad Cajiiba ka jeediyaya hadlayay xafladii lagu Caleemo-Saaray Suldaanka guud ee beesha Maxamed Daa’uud Ciidagale ee (Guuyoobe) oo lagu qabtay Qoton-dabo. “Ciidagale Nimaan Cod na siinin waa Cirka u Tuur…”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen. https://www.youtube.com/watch?v=7XbP90qW1g0

Read More

“Siyaasiyiinta sabankuna qaarbaan kala garanayn Suldaanka iyo Agaasimaha….Suldaan Xasan ayaan Bedelaynaa Ayuu Yidhi Midi Sidii Agaasimayaasha….” Suldaan Xasan Suldaan C.raxmaan DAAWO

Qoton-dabo 22.July 2016 (SDN/QJ):- Suldaanka guud ee Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa u duur-xulay Siyaasiyiinta wakhtigan, isaga oo ku tilmaamay inaanay kala garanayn Suldaanka iyo Agaasimaha. Suldaan Xasan waxa uu sida ku sheegay mar uu kala hadlayay Xaflad lagu Caleemo-Saaray Suldaanka guud ee beesha Maxamed Daa’uud Ciidagale ee (Guuyoobe) oo lagu qabtay…

Read More

Maafiyada Ku Nool Jasiirada Siqilia ee Dalka Talyaaniga Qaabka ay u abaabulan Yihiin Iyo Sida ay u fuliyaan Dilalka Qorshaysan DAAWO

Hargaysa 22.July 2016 (SDN/QJ):- Kooxaha dembiilayaasha ah ee abaabulani waxay halgan ugu jiraan inay dhisaan haykal dhaqaale iyo mid awoodeed oo iyaga u gaar ah, waxana ay diyaar u noqdaan inay cid kasta oo rabitaankooda ishortaagta ka takhalusan qiimo kasta oo ay iyaga ku kacaysaba https://www.youtube.com/watch?v=8oSbBhfEjP0&feature=youtu.be

Read More

Qunsulka Turkiga u Fadhiya Magaalada Hargaysa oo ka hadlay Inqilaabkii Dhicisoobay ee Dalkiisa iyo Sida uu u arko Diidmada Somaliland ee Dalkeeda inay ka saarto Hay’ada Nile Academy DAAWO/DHAGAYSO

Hargaysa 22.July 2016 (SDN/QJ):- Qunsulka Dawladda Turkiga u fadhiya magaalada Hargeisa ayaa markii u horeysay faahfaahin ka bixiyay inqilaabkii ka dhacay dalkiisa iyo mawqifka ay Somaliland ka qaadatay hay’ada Nile Academy oo lagu xidhiidhiyay inqilaabkaas.

Read More

Maxaa Ka Dhab ah Inqilaabkii Dhicisoobay ee Turkiga?Maalmaha,Daqiiqadaha Iyo Ilbidhiqsiyadu Sidii ay isu Bedelayeen Iyo Falanqayn Xiiso Leh oo uu ka Diyaariyay Xasan Cumar Hoori

Hargaysa 22.July 2016 (SDN/QJ):- Habeenkii Jimcaha ee Todobaadkii hore qaybo ka mid ciidammada qalabka sida ee dalka Turkiga ayaa ku dhawaaqay in ay afgembiyeen xukuumaddii, kadib markii ay Madaxweyne Tayyip Erdogan ku eedeeyeen in uu maroorsaday taladii dalka, isla markaana baylahshay nabadgelyadii. Waxaa ay sheegeen dalkii Turkigu xilligan in uu hoy u noqday hawlgallo argagaxiso….

Read More