Madaxwayne African ah oo Wiilkiisa u magacaabay Madaxwayne ku xigeenkiisa Kaas oo dunida ka yaabiyay
Hargaysa 26.June 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dalka Equatorial Guinea oo ku yaal badhtamaha qaaradda Afrika Mr. Teadoro Obiang’s Nguema, ayaa wiilkiisa curad oo la yidhaa Teodoro Obiang’ Mangue u magacaabay inuu noqdo Madaxweyne-ku-xigeenkiisa. Madaxweyne Teadoro waxa uu wiilkiisa u magacabay Madaxweyne-ku-xigeenka labaad ee dalka, kadib markii qaab-dhismeedka dawladdiisa la beddelay, lana sameeyey hab cusub. …
