|

Ciidamada Somaliland oo la Wareegay Magaalada Tukaraq

Tukaraq June 30,2013(SDN)-Ciidamada Somaliland ee mudadab fadhiyay duleedka magaalada Tuka raq ayaa saaka galay magaaladaasi ugana sii gudbay halka la Yidhaahdo Yoocda.

Degaanadan oo mudo dheer fadhiisin u aheyd marna ciidamda Puntland mar qaar ka amar qaata Khaatumo ayaa haatan Somaliland gacanta u galay.

Ilaa Hada wax war ah kama soo yeedhin Puntland iyo Khaatumo,sidoo kalena Somaliland ayaan qudheedu ka hadal arinkan weli.

Dhaqdhaqaaqan ciidan ayaa imanaya xili Puntland ay degaanada Sool iyo Snaag maalmahan ka waday olole doorashooyinka Degaanka ah.

SDN-Tukaraq

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed