Mascow June 07,2013(SDN)-Madaxweynaha Dalka Ruushka Valademir Putin ayaa shaaca ka qaaday in ay kala tegayaan xaaskiisii 30kii sanadood ee la soo dhaafay.
Madaxweynaha iyo xaaskan ay kala tegayaan ayaa goaankan wadajir uga shaaciyay TVga dalkaasi si lama filaan ah.
Waa markii u horeysay ee taariikhda la xusuusto uu madaxweyne haya xil uu TVga ka shaaciyo in ay xaaskiisa kala tagayaan.
Madaxweynaha iyo xaaskiisan kala tegay ayaa sheegay in hawlaha faraha badan ee madaxweynaha iyo in ay yihiin dad caan ah ay sabab u ahaayeen kala tagooda.
Ma cada mana la shaacin sababaha dhabta ah ee ay lamaanuhu u kala tagayaan waxaase wejiyadooda laga dheehan karayay murugo.
Madaxweyne Putin iyo Xaaskiisa Lyudmila ayaa isu dhalay laba hablood mudadii 30ka sanadood aheyd ee ay is qabeen
SDN-Mascow
contact@somalidiasporanews.com
