|

DAAWO:Madaxwaynaha Puntland Oo Qaar Ka Mida Wasaaradahiisa Ku Tilmaamay ‘Fadhiid’

Shir jaraa’id ee uu qabtey, Madaxwaynaha Dowlada Goboleedka Puntland, ayaa xaqiijiyey in Wasaaradaha qaar ay noqdeen kuwo fadhiid ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la yaab leh in aan weli warbixintaas aan lagu soo daabicin shabakada Dowlada Goboleedka Puntland. Shrikii Jaraa’id ee Dr. GAAS ayaa waxaa uu Madawaynahu sheegay in uu arintaan ka dhigi doono mid lix biloodle ah.

Hase yeeshee, waxaa dad badani iswaydiinayaan, maxay tahay arinta ku kaliftey in baaritaan lagu sameeyo wasaaradaha iyo wasiirada. Dad badan oo u dhuun daloola siyaasada ayaa waxay hadal hayaan in ilaa iyo intii uu xukunka Dowlad Goboleedka Puntland uu qabtey Dr. Gaas, ay Puntland gashay hurdo dheer. Taasna waxaa tusaale ugu filan in markii uu kormeerka ku sameeyey wasaaradihiisa, sida ay warbaahinta AfkaSoomaaliga wax ku qora, ay shaaciyeen in uu la kulmay wasaarado saacadihii loogu talo galay in ay furnaadaan, iska xiran. Sida waraka la isla dhexmarayey Qurbahana sheegayeen in wasaaradahaas xataa wasiiradoodi ay barkinta dheeraysteen.
Isku soo duuduub, dardar gelinta shaqada uu hada Dr. Gaas wado, ayaa loo badinayaa in la xariirto damaciisa in uu ka mid noqdo musharaxiinta jagada Madaxwayne ee Dowlada Federaalka ee Soomaaliya, oo uu waayey markay intaan ka fududnayd. Maantana ay ka adag tahay sidii hore, maxaa yeelay, waxaa laga yaabaa in taageeradii buuxday, ee uu ka haystey Puntland, uusan maanta ka haysan.
Waxaana arintaa dhalisey in beelaha qaar ka biyo diideen siyaasad gelinta hogaanka oday dhaqameedyada beelaha Puntland, oo qaar ka mida uu ka dhigay in ay yihiin mansabka, magaca ama jiritaanka Puntland, asagoo ogsoon in aysan hal JIFO Puntland lahayn.
Vidoewga linkinga hadii uu ku shaqayn, waakanaa, ee halkaan kala soco:https://www.youtube.com/watch?v=zG9819HRFe0

Waxaa soo diray: Mohamed Barre – Junlay ‘BULUF’ qoraa madaxbanaan, waxna ka qora arimaha Soomaalida, degana Magaalada Minneapolis, MN – junlay99@aol.com

                                                                    

Comments are closed