|

Wiil Laba Sano Jirey Oo Hooyadii Ku Dilay Dalka Maraykanka Iyo Sida Dilkaasi u Dhacay

Haiden:Dec,31,2014(SDN/QJ)-Dalka Maraykanka wax aka dhacday Dhacdo naxdin badan oo si weyn warbaahinta Dalkaasi u hadal hayso, taas oo ah In Wiil laba sano jirey u Bastoolad ku dilay Hooyadii.

dogrWiilkan yar ayaa la sheegay inuu dilkaas geystay kadib markii uu Hooyadii u kaxaysay Meel suuq ah, isagoo gacanta la Helay Bastoolada Hooyada Geeriyootay ku sidatay Boorsadeeda.

Wiilka yar ayaa la sheegay inuu si kama ah Bastoolada gacanta ula Helay, kadibna qabtay Keebkeeda  isla-markaana ay xabaddu sidaas ku dhacday.

Wali waxa socda Baadhitaanno arrintan lagu hubinayo, balse waxa la xaqiijinayaa in dilkaasi sidaas  ku dhacay.

Dalka Maraykanka waxa sharcigu oggol yahay inuu dadku Hubkooda qaadan karaan, waxana taasi ay keentay in dilalku kusoo bataan Goobo badan oo dalkaas ah, waxana muddooyinkan dambe soo badanayey Dilal qorshaysan oo ay geysanayaan Shakhsiyaad Siyaabo kala duwan arrimahaas u fulinayaa.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed