|

Dawlada Madaxweyne Siilaanyo oo Gacanta ku dhigtay Ururkii Solja iyo Daladdii Sonyo Iyo Dareenada ka dhashay

Hargaysa 31.Dec 2014 (SDN/QJ)- Xukuumaddda Somaliland waxay Sadqeysay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Dallada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO oo ahaa Ururo aan dawli ahayn oo siyaasada ka madax-banaan, ayaa waxay xukuumadda Axmed-Siilaanyo ay si toosa iyo si dadbanba u farogelisay Shirweynayaashii lagu dooranayay hogaamada Cusub.

Waana markii ugu horeysay ee xukuumad Somaliland ka talisaa ay farogeliso arrimahan,waana markii ugu horeysay ee SONYO iyo SOLJA uu kala jabaan laba gab oo uu mid waliba geestiisa ugu dhaawaqo hogaan cusub.

Dadka Siyaasada odorasa ayaa waxay ku tilmaameen, maadama ay SONYO iyo SOLJA ay ka mid yihiin Ururada aan dawladiga ahayn ee ugu mudan inay farogelinta xukuumaddu ay daaran tahay sidii ay Ururadaasi u dooran lahaayeen hogaano cusub oo ku shaqeeya siyaasada Xukuumadda.

solja111Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo dhawaan shirweyne ay xukuumaddu dabada ka riixayso ku qabsaday Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa oo u badnaayeen xubnaha shirweynaha ka qeybgalay warbaahinta iyo Weriyayaasha ka hawlgala hay’adaha Warbaahbineed ee ay xukuumaddu maamusho,Inkastoo ay Jireen Weriyeyaal ka socda Warbaahinta Madaxa bannaaani inay ka qayb galeen Shirkaas, taas oo keentay inay warbaahinta madaxa-banaan shaacisho shirweyne kale  ay warbaahinta madaxa-banaan qabsanayso, oo lagu dooranayo hogaan cusub oo ka madax-banaan farogelinta xukuumadda si loo bad-baadiyo karaamadii, kalsoonidii iyo madax-banaanidii SOLJA.

sonyo-310x275HHHDhinaca kale, Dallada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO oo ay ku mideysan yihiin in ka baddan 50 Urur oo ka jira Gobolada dalka Somaliland, ahna Dallada kulmisa dhalinyarada Somaliland ayaa xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo si toosa u farogelisay  shirweynihii 7aad ee Dallada SONYO ku dooranaysay hogaanka cusub.taas oo keentay inay xukuumaddu laba Garab u kala jabisay shirweynihii Dallada dhalinyarada Somaliland ee SONYO iyada oo ay xukuumaddu si toosa oo sharci darro ah u taageertay mid ka mida labada murrashax oo ay xukuumaddu wadatay, kaas oo aan cod aqlabiyad ah ka haysanin Ergooyinka shirweynaha, waxaanay aakhirkii keentay Guddoomiyihii ee haystay aqlabiyada ergooyinka shirweynaha oo  ahaa Cabdicasiis Xirsi Warsame inay shalay xukuumadu ka daba keentay guddoomiye cusub oo ay xukuumadu taageerayso,

Si kastaba ha ahaate, ilaa imika lama garanayo waxa uu xalku ku danbeynayo, iyo halka uu isugu biyo shubanayo garabyadan is-barbar socda.

 

Comments are closed