|

Gudoomiye C.raxmaan Cirro oo ka Hadlay Isbedelka Xisbigiisa iyo Siyaasiyiinta ku Soo Biiray Sannadkan Maanta dhamaaday ee 2014

Hargaysa 31.Dec 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha golaha wakiilada, ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (cirro), ayaa iftiimiyay in siyaasiyiin culus oo wadanka magac ku lihi ay dhawaan ku biiri doonaan xisbiga uu hoggaamiyo.

bvMd. Cirro, ayaa qoraal kooban oo uu soo geliyay barta uu ku leeyahay facebooka, wuxuu ku yidhi “Bishii u danbaysay waxaa Xisbiga Waddani kusoo biiray Madax iyo Taageerayaal Tiro-badan oo Miisaan weyn ku leh Somaliland, taas waxaa dheer in dhowaan Masuuliyiin kusoo biiri-doonta Xisbiga ay noqon doonaan qaar aad wada garannaysaan oo xisbiga Miisaan weyn oo kale kusoo kordhindoona.Insha-Allaah.”

 

Xisbiga Waddani ayaa waxa hore ugu biiray siyaasiyiin culus oo badankoodu xilal muhiim ah ka soo qabtay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo isugu jiray kuwo is casilay iyo kuwo la casilayba.

 

Xildhibaan C/Qaadir Jirde aad ayaan ugu faraxsanahay inuu kusoo biiray Xisbiga ‪Waddani, si diiranna waan ugu soo dhoweynayaa Xisbiga isaga, masuuliyiinta kale & dhamaan taageerayaashooda ballaadhan.

jirdeXildhibaan Cabdiqaadir waa ruug caddaa siyaasiya kana mid ah haldoorka ay ‪‎Somaliland ku faanto ee dhidibada dawladnimo taagay, soona gaadhsiiyay halkay maanta marayso.

Dhamaan Taageerayaasha WADDANI waxay diyaar u yihiin soodhoweyntiisa.

Waxaan u-mahadcelinayaa dhamaan madaxda iyo taageerayaasha Xisbiga Waddani ee UK ee dedaalka badan muujiyay.

 

 

Comments are closed