|

Dawladda Masar Oo Dhiggeeda Maraykanka Ka Heshay Diyaaradaha F-16, Si Loogu Weeraro Islaamiyiinta Gadoodsan

Cairo:Jully,31,2015(SDN/QJ)-War ay soo saartay safaaradda Maraykanku  ku leeyahay Dalka Masar, ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Maraykanka ku wareejinayso 8-diyaaradaha dagaalka ee F-16 Block 52 labada maalmood ee soo socota.

fiorWarkan ka soo baxay safaarada Maraykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in afar kale oo diyaaradaha F-16 ah la geynayo Masar deyrta soo socota. Inkastoo dowlada Maraykanku aanay ku qanacsanayn siyaasada dib u habaynta Masar ee dhinaca dimuqraadiyada ayaan haddan weli dalka Masar uu yahay mid ka mid ah wadamada ugu dhow ee xidhiidhka la leh dalka Maraykanka.

Xidhiidhka u dhexeeya Maraykanka iyo dalka Masar ayaa qaboobay kadib markii uu xukunka loogaga tuuray madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi afgambi Milatari oo dhacay sanadkii 2013.

Si kasta ha ahaatee, xidhiidhka Generalkii hore ee Abdel Fattah el-Sisi kaasoo markii dambe loo doortay madaxweyne ayaa si tartiib tartiib ah u soo wanaagsanaaday.Dhamaadkii bishii March ayuu Madaxweyne Barack Obama waxa uu ka qaaday cunoqabatayn hubka ah oo saarneyd xukuumada Qahira isagoo amray in la siiyo dowlada Masar hub lagu qiimeeyay lacag gaadheysa $1.3bn.

Bishii aynu ka soo gudubnay ayaa xukuumada Washington waxa ay siisay laba markab dagaal kuwaasoo ka dhigay maraakiibta dagaalka ee dowlada Masar illaa afar markab. Axada soo socota ayaa xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka John Kerry waxa uu booqan doonaa dalka Masar isagoo wadahadalo la xidhiidha sidii loo sii ambaqaadi lahaa wadahadalada labada dowladood.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed