|

Khasaare Dhan $250-Milyan Oo Soo Gaadhay Shirkadda Diyaaradaha Ee Kenyan Airways

Nairobi:Jully,31,2015(SDN/QJ)-Shirkadda Diyaaradaha ee Kenyan Airways, ayaa haatan waxa soo gaadhay khasaarihii ugu sarreeyey ee Abid ay wajahdo, iyadoo xisaab-xidhkii sanadkani noqday midkii ugu khasaaraha badnaa.

kenyan airDhibaatooyin dhaqaale ayaa lasoo darsay shirkada Kenyan Airways ,waxaana markii la canshuuray shirkada uu khasaaraheedu gaadhay lacag dhan 250- Milyan oo Dollar sanad xisaabeedka 2014 iyo 2015.

Qasaaraha dhaqaale ee lasoo daristay shirkadda Diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa loo sababeeyay hoos u dhac ku yimid dalxiisayaashii Dalka Kenya iman jiray, kadib markii ay kordheen weerarad Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha Kenya.

Waxaa sidoo kale sabab looga dhigay dhaqaale xumada lasoo daristay Shirkada Diyaaradaha Kenya Airways tartan xooggan oo kaga yimid diyaaradaha bariga dhexe, iyo halista cudurka Ebola oo sanadkii hore ku dhuftay wadamo Afrika kuyaala kaa oo saameeyay dalxiisayaal geeska Afrika imaan jiray.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

 

Comments are closed