|

Eray Uu Ra’isal Wasaaraha Britain u Adeegsaday Soo Galootiga Dalkiisa kusoo socda Oo Muran Badani Ka Dhashay

London:Jully,31,2015(SDN/QJ)-David Cameron oo ah Ra’isal wasaaraha Dalka Britain, ayaa dhaleecayn iyo cadho baahsan kala kulmay bulshada samaha jecel, kadib markii uu soo galootiga dalkiisa kusoo socda ku sheegay Cayayaan.

cameronPeter Sutherland, oo ah Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’ada Qaramada Midoobay ayaa sheegay ereyga uu adeegsaday Ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron, ay ka dhigan tahay mid soogalooti naceyb ah oon laga fiirsan.

Golaha qaxootiga Britain ayaa dhankoda ku tilmaamay eraygaasi uu adeegwaday David Cameron mid aan tayo bani’aadam laheyn ee uu adeegsaday hogaamiye dunida caan ka ah ah ayna ceeb iyo fadeexo ku tahay.

Mid ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Britain , Andy Burnham, oo isna hadlay eryga Cayayaan uu adeegsaday Ra’izu Wasaaraha Britain ayaa ku tilmaamay erayga uu adeegsaday mid sharaf darro iyo magac xumo usoo jiideesa R/Wasaaraha.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka hadlay mushkiladda dekadda Calais, halkaasi oo boqolaal muhaajiriin ah ay isku dayayaan inay ka soo galaan Britain. Mr. Cameron ayaa sheegay inuusan dalka soo dhaweyneyn muhaajiriinta ka imaanaya Calais, lana sameynayo wax kasta oo lagu ilaalinayo xuduudaha Britain.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed