|

Hoggaanka Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed Oo War Cad Ka Soo Saaray Shaqaaqooyinka Loo Caal La’ Yahay Ee Deegaanada Shabeelaha Hoose

Muqdisho:31-Jan-2014(SDN)-Maadaama ay Arrimaha Cakiran  ee Deegaanada Gobolka Shabeelaha Hoose Wali Taagan Yihiin, ayaa waxa Arrintaas Ka Hadlay Taliska Ciidanka Qarana Somaliyeed.

daahrTaliyaha ciidanka Xooga dalka Somalia Daahir Aden Cilmi “Indha Qarshe” ayaa Si cad u sheegay inaanay Ciidankiisu u dulqaadan Doonin in Maleeshiyo Gaar ah ama Ciidan kale oo ka Tirsan kuwa Somalia  lagu Arko Deegaanadaas Shaqaaqadu ka Taagan Tahay.

Taliyaha ayaa sheegay in ay ugu baaqayaan in kooxaha Maleeshiyada ah ee markasta dagaalo beeleedyada gobalkaas ka dhaliya ay ku soo biiraan ciidamada Xooga dalka si tababar loogu sameeyo hadii kale ay hubka iska dhigaan ayna si toos ah shacabka uga mid noqdaan.

Taliye Indha Qarshe ayaa sheegay in ay tilaabo ka qaadi doonaan cidii aan ka tisraneyn ciidamada DF Somalia oo hub ku dhex sidata gobalka Sh/Hoose isla markaana lagala wareegi doono hubkiisa.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay cid aanan aheyn ciidamada Amaanka Gobalkaas aanay tagi karin goobaha Fadhiisamaha  ee dhawaan laga qaaday Isbaarooyinkii yaalay.

Deegaanada Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa intii muddo ahaydba waxa ka Taagnaa Dhibaatooyin soo Noqnqoday oo loo Caal waayey, waxana dhibka intooda badan laga Sheeganayey Ciidamada Dalwadda ee Isbaarooyin dhiganayey, waxase la filayaa in Tallaabadan ciidanku qaranku ku dhawaaqeen ay wax badan ka Tari doonto dhibkii hore u taagnaa.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed