|

Maamul-goboleedka Puntland Oo Markale Siyaasadda Dawladda Federal-ka ah Qaaddacday Shirweyne Qaranna Ku Baaqday

Garowe:Jully,31,2015(SDN/QJ)-Waxa markale cirka isku shareeray dhibaatadii isfaham la’aaneed ee dhex taallay Maamul-goboleedka Puntland Iyo Dawladda Federal-ka Soomaaliya, kadib  shirkii higsida cusub ee Muqdisho lagu soo afjaray.

puntlandMaamul-goboleedka Puntland ayaa warsaxaafadeed ay kasoo saartay shirka lagu soo gunaanaday Muqdisho ee looga hadlayo Hiigsiga 2016-ka, waxana ay sheegtay inay dhammaatay kalsoonidii ay Dawladda Federal-ka ah ku qabtay, isla-markaana loo baahan yahay inay umadda soomaaliyeed shirweyne qaran iskugu timaaddo.

Puntland ayaa dhinaca kale ka digtay in wax wakhti koror si ah lagu sameeyo xilka kasii dhamaanaya dowlada Federaalka ee xiligan joogta.

Warsaxaafadeedkan ayaa marka hore lagu faah faahiyey sababta Puntland uga qeyb geli weyday shirka wadatashiga Hiigsiga 2016 ee maalinimadi shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

Qoraalka kasoo baxay maanta Puntland ayaa lagu xusay sadex qodob oo ay Puntland xiligan wax kalsooni ah ugu qabin dowlada Federaalka kuwaasi oo kala ah:

1- Jabinta iyo Bedalida Qodobada Dastuurka KMG ee Federaalka Soomaaliya

2- Hirgelin la’aanta heshiisyadii hore u dhexmaray Puntland iyo Federaalka

3- Ololaha hogaanka Federaalka ugu jiro burburinta Nidaamka Federaalka iyo dhismo xukuumad looga taliyo MUQDISHO oo kaliya.

Dowlada Puntland oo ah xubinta kaliya ee Federaalka oo aan Kumeel Gaarka ahayn ayaa sheegtay in la jabiyey qodobo badan oo Dastuurka kamid ah oo ay tusaale usoo qaadatay qodobada;

a) Burburintii Golaha Sare ee Federaalka Soomaaliya (Qod. 72 Farqadiisa)

b) Maqaamka Caasimada Federaalka Soomaaliya (Qod. 9)

c) Dhismaha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka.

d) Sharuucda iyo xeerka wax ka bedalista iyo dib ugu noqoshada Dastuurka (Qod.199 farqadiisa 3 iyo 5)

e) Sharciga dhulka, hantida iyo bey’ada ee Dastuurka (Qod.44 farqadiisa 6)

f) Baahinta Awoodaha dowlada (Qod. 55)

 

Puntland ayaa sidoo kale sii faah faahisay qodobada la jabiyey iyo qaabka loo jabiyey iyo waliba fulin la’aanta heshiisyadii hore u dhexmaray Puntland iyo Federaalka oo ay fulin weysay xukuumada Federaalka, arrintaasi oo Puntland ku go’aansatay inaysan wax kalsooni ah ku qabin xukuumada hada xilka heysa.

Waxayna dowlada Puntland ku baaqday in Shirweyne Soomaaliyeed la isugu yimaado si looga tashado habkii doorasho dalka uga dhici lahayd marka la gaaro 2016 iyadoo ay Puntland ka digtay in wax wakhti kororsi ku dhawaaqaan golayaasha Dowlada Federaalka ee wakhtiga ka dhamaanayo 2016.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed