Uncategorized

Fadeexad:Mayorka Hargeysa oo ku hor kufay shacabka reer Jabuuti

Jabuti Mar 09,2014(SDN)-Duqa magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Soltelco oobooqanaya Jabuuti ayaa khudbad uu ka jeediyay xaflad ay magaalada Jauti ku qabsadeen xisbiga taladahaya waxa uu ku aflagaadeeyay siyaasiyiinta iyo mucaaridka dalkaasi.

Cabdiraxmaan Soltelco ayaa khudbad guulwadeyn aheyd oo uu halkaa ka jeediyay waxa uu ku amaanay Goaankii Jabuuti ay uga weecatay ka mid noqoshadii Somaliweyn iyo Hogaanka haatan ee dalkaasi,

“Annagu (Somaliland) markii aanu xornimada ka qaadanay gumaysigii 1960-kii, inkastoo ay tijaabo ahayd, waa kuwii tuuray aabayaashayo, hase yeeshee idinka (Djibouti) qoladiinii xisbigan aasaastay ee uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee Djibouti (Xasan Guuleed Abtidoon) waxay dhidibada idiinku aaseen inaad noqotaan dawlad gooni isu taagta oo horumarkeeda maanta cid waliba indhaheeda ku aragtay. Markii uu Madaxweynihii hore Xasan Abtidoon idiin dhisay dawladnimadii, Madaxweynihiina hadda ee Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu qaaday isna tubtii horumarka kadib markii uu Madaxweynihii hore Xasan idiin dhisay dawladnimadii” ayuu Maayar Cabdiraxmaan Soltelco khudbadiisa ku yidhi, waxaanu intaas raaciyay “Run ahaantii anigu Djibouti waan imaadaa, markasta oo aan imaadaana waxaa u dhexeeyaa faraq aad u weyn.”ayuu yiri Soltelco.

Sidoo kale Mayorka Hargeysa oo guulwadeynta aan halkaa ku joojin ayaa sheegay in aanr RRBdu heyn hogaan u bedela madaxweynaha dalkaasi ee Ismaciil Cumar Geelle.

“Waxaan leeyahay dadka Reer Djibouti iyo xisbiga RPP, Waxaan u malaynayaa in aanu weli idiin dhalan ninkii idiin bedeli lahaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle”ayuu mar kale Soltelco ku yiri khudbadiisa.

Siyaasiyiinta Muxaafidka Somaliland ayaa ay caado u noqotay in ay faro gelin iyo aflaagado isugu daraan shacabka iyo mucaaridka Jabuuti iyaga aan ka fiirsaneyn dhaqan xumadooda xurgufta ay dhalin kareyso.

Shacabka ree Somaliland ee booqda Jabuuti iyo kuwa hadalada noocan oo kale ah ka maqla saxaafada ayaa falanqeeya sida ay siyaasiyiintani uGu kelida yihiin taageerada indho la’aanta ah ee loo fidinayo madaaxweynaha Jabuuti.

Mucaaridka iyo shacabka dalka Jabuuti ayaa si isku mid ah u canbaareeyay hadalkan guracan ee ka soo yeeray Mayorka Hargeysa isla markaana u arkay uun ruux Jabuuti u doontay sandareerto oo aan marnaba afkaartiisa guracan ku metelin shacabka reer Somaliland.

SDN-Jabuti

contact@somalidiasporanews.com